40 qof oo ku dhimatay qarax ka dhacay Muqdisho

Mogadishu, Somalia- Ugu yaraan 40 ruux ayaa la xaqiijiyay in ay ku geeryoodeen qarax sababay gaari ay saarnaayeen waxyaabo qarax oo ka dhacay, suuq yar oo aad u mashquul badan oo ku yeela koofurta Muqdisho.

Goobta qaraxa uu ka dhacay waxaa ku sugnaa, dad u badnaa suuqley, waxaana suuqa uu ku dhowyahay isgoyska “Kaaba-Godey”

Agaasimaha isbitaalka Madiina, Dr Mohamed Yusuf, ayaa sheegay in 35 ruux oo qaba dhaawacyo la gaarsiiyay isbitaalka, halka 11 kamid ah ay dib ugu celiyeen guryahooda, waxaana uu intaasi ku daray in dhimashada ay aad ubadantahay.

Ma jirto koox sheegatay qaraxan, inkastoo ay u badan tahay al-Shabaab ay ka dambayso.

Sabtidii, taliye ka tirsan al-Shabaab, Sheikh Hassan Yaqub, ayaa sheegay inay dagaalkooda ay halkii ka sii wadi doonaan.

Ilaa 2007, ciidamo ka socda Ururka midnimada Africa(AMISOM) oo taageerayaan Maraykan, ayaan weli ku guuleysan inay ciribtiraan  al-Shabaab.

 

 

Please follow and like us:
Whatsapp
Shares