Biixi oo mowqif cad iska taagay wada hadalo la yeesho Muqdisho

Werwerkii iga hayey Soomaaliya wuu iga hadhay  tan iyo markii la doortay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo aan ku kalsoon nahay  inuu  gaashaanka u daruuri karo wiilasha ka taliya Villa Soomaaliya oo adduunyada kaga  qadhaabta aqoonsiga rahmaadda ku ah  maamulka Muqdisho ee hor iyo dabo-diidka ah  28kii sannadood ee la soo dhaafay.

Waxaan aaminsanahay inuu sutida u qaban karo dood fool-ka fool ah oo ay iskaga horyimaaddaan Madaxweynaha dawladda taagta daran ee Soomaaliya Mr. Maxamed Cabdilaahi (Farmaajo), waxana libinta Madaxweyne Biixi ka keeni karo wadahadallo Somaliland la gasho  Soomaaliya laga suurayn  karaa   feejignaanta uu  cod dheer beesha caalamka ugu  dareensiiyey   sida uu uga calool weydsan yahay dhexdhexaadnimada dalka Turkiga oo gogosha wadahadalka dhigay, kaasoo Madaxweynaha Somaliland  kashifay  inuu taageero firfircoon u yahay dhinaca Soomaaliya. Sidaa daraadeed, waxa uu dalbaday in xeerbeegti caalami ah goob-joog ka noqdaan miiska wadahadalka, sidoo kalena la helo dal ka madax-bannaan arrimaha siyaasadda Soomaalida oo dhexdhexaadiye u noqda labada dhinac.

Madaxwexweynaha Somaliland waxa uu muddo laba sanno ku dhow oo uu xilka hayey fagaareyaal badan kaga hadlay aragtidiisa ku aaddan madaxda xilligan  majaraha u haya maamulka duruufaha madow hadheeyeen ee Muqdisho, taas oo ka muujinaysa sida uu ula socdo  dhaqdhaqaaqayada siyaasadeed iyo dhagaraha ay u maleegayaan qaranka Jamhuuriyadda Somaliland iyo dabinnada  siyaasadeed ee ay dibadaha uga maleegayaan.

Waxa kaloo marag-ma-doon ah in waayo-aragnimo ahaan madaxweyne Muuse Biixi aad uga khirbad iyo xogogaalsan yahay dhiggiisa Soomaaliya oo ah dhallinyaro qurbo-joog  camal doon ka faa’iidaystay waddan  nidaamkiisa maamul iyo dawladnimo la mid yahay odhaahda tidhaa,  “Madax Geel Ninkii Qaadaaba Dhig!” waxana taas u daliil ah sida ballanqaadyadii Farmaajo u noqdeen qaar sida xumbada u gudhay oo xataa taageerayaashiisii aanay maanta ku niyadsamayn hoggaamintiisa  oo uga sii dartay  dhiriqdii siyaasadeed iyo amni-darro ee ka jirtay Soomaaliya.

Dadka qaar ayaa ku af-gobaadsada in Farmaajo aannu u jawaabin naqdiga Madaxweynaha Somaliland marar badan warbaahinta uga jeediyey, kuwaas  oo ku dooda in uu yareystay hadalka Madaxweyne Muuse Biixi, balse waxay u muuqataa inuu yaqiinsaday inaannu xilligan gaadhin waqtigii uu u jawaabi lahaa Somaliland oo marka uu dibadda u baxo si joogto ah beesha caalamku ugu  xujayso inay Somaliland  ku dhisatantay, iskuna bixisay cashuurta dadkeedu u huraan, iyagana looga baahan yahay inay la yimaaddaan jidkii ay kaga kaaftoomi lahaayeen qaadhaanka shisheeye ee dawladnimadoodu ku tiirsan tahay.

Sidoo kale, waxa daruuri ah in madaxweyne Biixi iyo xukuumaddiisu la yimaaddaan qorshe ay maamulka Muqdisho kula tartanto diblomaasiyadda arrimaha dibadda si ay  furfurto qufullada dawladda taagta daran ee Soomaaliya isku dayday inay Somaliland kaga xidho dalalka dariska iyo kuwa caalamkaba.  Waxa madaxweynaheenna looga fadhiya inuu ciyaaro xeelad kasta oo uu ku sii adkeyn karo in Itoobiya iimaansato iskaashiga iyo wax-wada-qabsiga dhinacyada badan leh ee ka dhexeeya Somaliland, kuna qanciyo masaalixda dhaqaale iyo maalgashi ee ay wadaagi karaan labada dal oo ka duulaya hindisaha “isdhexgalka ganacsiga” ee uu wado Ra’iisal-wasaare Abiy Axmed.

Waxa kaloo xukuumadda Somaliland  lagu shirrabi doonaa sida ay awoodda u dul-dhigto   inay cilaaqaad siyaasadeed, ganacsi iyo xidhiidh diblomaasiyadeed la yeelato dalka Eritrea oo ah mid  ka soo miiraabay go’doonkii siyaasadeed oo uu ku jiray muddo tobanaan  sannadood ka badan, kaas oo muujiyey hunguriga ka haya inay xidhiidh lugo adag ku taagan la yeesho Somaliland oo ah qaran ay dhow ula socdeen taabbogalkiisii oo duruufo is shabbahaa mataaneeyeen.

Ugu dambeyn, waan ka bogsaday welwelkii iga hayn karay in maamulka Muqdisho carqalad ku noqdo Somaliland tan iyo markii shacabku codkooda si xor ah ugu doorteen madaxweyne Muuse oo ah ruug-caddaa  furfuri kara dagaallada dahsoon ee Farmaajo u maleegi karo Jamhuuriyadda Somaliland.

Faallo Cumar M. Faarax

cumarmfaarax@hotmail.com

Please follow and like us:
Whatsapp
Shares