Cadami: Talooyin ku socoto Musharixiinta Madaxweynaha, Q2-3

Dhaqaalaha iyo Sixir Bararka

Somaliland waa dalka ugu liita Mandaqada Bariga Afrika dhinaca dhaqaalaha. Laakiin taas macnaheedu maaha Somaliland way ka khayraad yar tahay kuwa kale. Waxa jira waddamo Somaliland dhul ahaan ka baaxad yar oo ka khayraad yar oo waliba aan bad lahayn dhaqaalahooduna aad u kobcayo, tusaale waxaynu u soo qaadan karna dalka aadka u yar ee Rwanda. Madaxweyne Paul Kagame iyo xukumaddiisu kaliya waxay si wanaagsan u maamuleen dhaqaalahooda yar ee soo gala, waxay ka ilaaliyeen in la musuqo iyo in ay meelo khaldan ku baxdo.

Bal hadda aynu barbar dhigno miisaaniyadda Somaliland oo ugu yaraan 35% lagu bixiyo meelo aan ku haboonayn iyo in la lunsado in kale oo ka badan, halka wasaaraddaha wax soo saarka loo qoondeeyo qadar faro guudkood ah ama halka ay ka qatan yihiin ciidamada iyo shaqaalaha dawladdu.Mudane Musharrax, wax kasta oo aad ku hammiyayso ama aad higsanayso kuuma hirgeli karaan ilaa marka hore aad saxdo siyaasadda dhaqaalaha dalka iyo maamulka lacagaha.

Madaxbannaanida hay’addaha dawladda iyo Ciidamada

Waddamada dunida oo dhan mar kasta xukuumadduhu way isbedbelaan laakiin, shaqada iyo habsami u socodka maamulku uma dhutiyo, sababta oo ah hay’addaha dawladdu(Government institutions) ayaa ah kuwo adag, kana madax bannaan siyaasadda iyo faro gelinta siyaasiyiinta.

Bal u fiirso tusaalahan, laga soo bilaabo dhammaadkii Dagaalkii Dunida ee labaad 1945 dalka Talyaaniga waxa soo maray 56 xukuumaddood laakiin, muddadaa Baanka Dhexe ee Talyaaniga waxa soo maray 6 guddoomiye oo qudha, sidaa awgeed siyaasadda Talyaaniga ee baaxa degaysay wax saamayn ah kumay yeelan dhaqaalaha dalka; haddiise ciidamada qaar ka mid ah madaxtooyada laga dallacsiiyo iyada oo la iska baal marayo nidaamka ciidamada iyo shuruudaha darajada lagu bixiyo ama wasaaraddaha iyo Maxkamadaha oo Madaxtooyada laga xukumo hay’addahaasi sidii laga rabay uma tamariyaan, waxaana ku muraadsada hadba madaxda talada haysa.

Haddaba mudane musharrax si qaranimada Somaliland u taabo gasho waxaa lagaaga fadhiya qorshihii aad ku xoojin lahayd hay’addaha dawladda iyo in aan isbedbedelka xukuumaddaha lala bedelin dadka professionals-ka ah ee khibradda badan u leh maamulka iyo maaraynta hay’addaha dawladda ee muhiimka ah, isla marka waa in laga waantooba in madaxda hay’addaha dawladda iyo shaqaalaha lagu dhiiri geliyo in ay ku milmaan siyaasadda ama ay xubno ka noqdaan xisbiyada siyaasadda.

Dib U Dhaca Doorashooyinka

Distoorka Somaliland qodobka 88-aad wuxuu dhigaya muddada xilka Madaxweynaha iyo Kuxigeenka oo shan sannadood ah, waxa kale oo uu dhigaya in muddada loo kordhin karo haddii nabadgalyo darro ama masiibooyin kale dalka la soo darsaan, hase ahaatee waxa caado noqotay in sabab la’aan muddada loo kordhiyo oo ay kuba sii talo galaan in ay wakhti dheeraad ah xukunka sii haystaan waana distoor jabin loo badheedhay.

Sidaas oo kale Golaha Wakiilladu waxay korodhsiimo ku fadhiyaan 13 sannadood, guurtida iyaga warkoodaba lama hayo. Si kastaba ha ahaatee Somaliland waxay ku fashilantay in distoorka la dhawro iyo in doorashooyinka lagu qabto wakhtiyadii loogu talo galay. Mudane musharrax shicibku waxay doonayaan in ay ogaadaan mawqifkaaga iyo waxa aad ka qaban doonto dib u dhaca doorashooyinka oo caqabad ku noqday hannaankii iyo geedi socodkii dimuqraadiyada Somaliland oo ay markii hore beesha caalamku u arkaysay in ay tusaale u noqon karto dalalka kale ee Geeska Afrika.

Baabi’inta degmooyinka tirada beelay

Madaxweyneyaashii hore; Marxuum Cigaal iyo mudane Daahir Riyaale waxay magacaabeen degmooyin tiro badan oo aan loo baahnayn, waxa ka daray oo sii biyo dhiciyay Madaxweyne Siilaanyo oo magacaabay tiradii ugu badnayd. Soomaalida Somaliland ayaa waxay hal hays u leeyihiin ‘Timirtii horeba dab loo waa’. Wuxuu gaadhsiiyay 62 degmo: 23 darajada A, B iyo C ah oo laga doorto goleyaal degaan iyo 39 darajada ‘D’ ah oo aan iyaga laga dooran gole degaan; inkasta oo aanu maamul ka jirin haddana wasiirka wasaaradda arrimaha guduhu wuxuu u magacaaba nin hor jooge ah.

Madaxweyne Siilaanyo muddadii uu talada hayay dhawrkii biloodba wuxuu magacaaba dhawr degmo oo cusub walina way socdaan. Degmooyinka qaarkood waxay ka kooban yihiin 4 cariish iyo 2 berkadood oo laga cabo, qaar waxay isku jiraan masaafo ah 3km ilaa 5Km oo qudha; wax adeeg ahi kama jiraan, dad loo adeeggana ma joogo.

Haddaba musharrax haddii guushu ku raacdo oo aad ku talo jirto dhismaha maamul wanaagsan iyo degmooyin shaqeeya iyo in la kala xadeeyo degmooyinka iyo gobollada si loo helo deegaan (Constituency) la xisaabtami kara ragga iyo dumarka laga soo doorto. Waxa loo baahan yahay geesinimo iyo amar aad ku baabi’iso degmooyinkan lays dul saar-saaray ee aan buuxin Karin shuruudihii looga baahna. Mudane musharrax waxa loo baahan yahay in aad umadda maqashiiso doorashada ka hor. Degmadii reer Hebel baa la diidan yahay waa in aanay ka weecin waxa aad dan mooddo iyo maslaxadda guud ee dalka.

Sixidda Waxbarashada

Khayraadka waddan kasta waxa xagga hore kaga jira oo uu ku xisaabtama cududda dadkiisa, hase ahaatee waxtarkooda ama wax soo saarkoodu wuxuu ku xidhan yahay heerka tayada waxbarashada dalkaa. Inaga Somaliland maamulka Madaxweyne Siilaanyo ma daneeyo tayada waxbarashada, wuxuu ka jecel yahay tiro badan oo aan tayo lahayn oo xukumaddu ku faanto. Qof haddii mar la caammeeyo mar labaadka wuu ka digtoonan kara, laakiin, qofku hadduu isagu is caamaynayo marka dawo ma laha,  sidaa waxa ka dhigan xukuumadda Somaliland oo ku fashilantay siyaasaddii waxbarashada oo wali iyaga oo og haddana la soo taaggan in ay guul ka gaadheen.

Musharraxa doorashada ku guulaysta waxa laga sugaya in uu saxo nidaamka waxbarashada dalka oo tayadeedu aad u liidato iyo in qiimayn lagu sameeyo 30-ka jaamacadood oo inta badani magac u yaal tahay oo ka fog in ay buuxiyaan shuruudihii loo baahna, sidaas oo kale waxa iyana fiiro gaar ah u baahan dugsiyada gaarka loo leeyahay oo qaarkood ka dhego adaygeen in ay u hoggaansamaan siyaasadda waxbarashada dalka.

Caafimaadka

Cisbitaallada dawladdu tayo iyo tiro ahaanba ma dabooli karaan, kumana filna baahida caafimaad ee bulshada oo tiradoodu sii kordhayso, sidaa daraadeed magaalo kasta oo Somaliland ah gaar ahaan caasimadda waxa laga furay goobo caafimaad oo gaar loo leeyahay hase ahaatee adeegga ay bixiyaan sidaa uma tayo badna, islamarkaa dadweynuhu ma goyn karaan oo waa ku qaali marka loo eego dakhliga soo gala sidaa awgeed 60% ilaa 70% waxay iskala nool yihiin xanuunka ama waxay kula tacaalan xarumaha cilaajka iyo dhakhtarrada jimanka iyo kuwa sixirka saara(witch doctors) oo ay nafta ku maaweeliyaan.

Haddaba Madaxweynaha iyo xukumadda uu dhisi doono waxa looga fadhiya in isbedel iyo dib u habayn balaadhan lagu sameeyo ‘Sector’-ka caafimaadka si loo helo daryeel caafimaad oo tayo leh oo dadweynuhuna dhammaantood awoodi karo iyo in la gaadhsiiyo meelo intii hore ka badan ama ka durugsa

Cabdiraxmaan Cadami

Abdirahmanadami22@gmail.com