Dab-damiska Hargeysa oo badbaadiyey ilmo yar oo musqul lagu riday

Hargeysa – Ciidanka dab-damiska magaaladda Hargeysa ayaa maanta badbaadiyey ilmo yar oo Suuli lagu riday, kaasi oo ay ka soo saareen isagoo nool.

Ciidanka dab-damiska ayaa lagu soo wargaliyey inay badbaadiyaan ilmo yar oo lagu riday suuli dhererkiisu qiyaas ahaan ahaa 10 meter oo ku yaalla xaafadda  degmadda Axmed dhagax ee magaaladad Hargeysa.

Nasiib wanaag waxay ciidanku ku guulaysteen inay soo badbaadiyaan ka dib markii mid ka mid ah ciidankooda intay xadhko ku xidhxidheen ku dhaadhiciyey suuliga sidaasna uga soo saaray ilmihii oo caafimaad qaba, waxaanay ku wareejiyeen Cisbitaalka weyn ee Magaalada Hargeysa.

Masuuliyiinta waaxda hawlgelinta iyo caafimaadka ayaa hawlgalkaa hogaaminayay sidoo kale waxaa isaguna goobjoog ka ahaa hawlgalkaas duqa caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelco.

Illaa hadda lama garanayo sababta loogu riday ilmaha yar suuliga,maadaama oo uu ahaa ilmo aad u yar.Ilaa hadda Booliska Hargeysa cidna u maysan soo xidhin qofkii dambigan ka dambeeyey.

Ciidanka dab-demiska ayaa laga soo bilaabo aasaaskii ilaa maanta sameeyay badbaadooyin iyo samatabixino iyadoo ay u dambaysay kaalintii ciidanku ka geystay gurmadkii roobabkii khasaaraha geystay ee hal maalin ka hor ka dhacay gudaha Magaalada Hargeysa.

Sidoo kale waxay hore u badbadiyeen neef geel ah oo ku dhacay bulaacad weyn taas oo ay ka soo saareen.

Ciidanka dab-damiska bakhtiinta dabka waxay ku darsadeen badbaadinta dadka suuliyada iyo bulaacadaha ku dhaca iyo mararka roobabku da’aan oo hawlgalo balaadhan sameeyaan.

Wajaale News.

Please follow and like us:
Whatsapp
Shares