Daraasad muhiim ah:Heshiis saldhig militari aan bulshada daaha uga faydno

Haddaba waa xaqiiq in kala hororsi Istraajiyadeed oo ay sababtay xasaradaha guud ahaan caalamka ka oogan keento in Somaliland il gaara lagu soo eego ama quwado shisheeye

Hordhac:

Inta aynaan guda gelin mawduuca qoraallkan waxa habboon in aynu ka dheregsanahay xaaladaha innagu wareegsan ee ka jira waddammada jaarka aynu nahay, geeska afrika iyo guud ahaanba caalamka isla markaana garab dhigno xaaladdaha ka taagan dalkeenna ee abaar leh, shaqo la’aan iyo maceeshad xumoba leh iyo Aqoonsigii oo weli faro inoogu jirin.

Inkastoo ay habboonayd in Mandaqadda aynu ku noolnahay ka madax bannaaanato khataraha dagaal iyo quwado shisheeye, haddana Alle kama dhigin oo Somalia oo cid inoo xigta, dhimashada iyo amni darradu waa maalin walba joog, waxa u dheer diidmada ay illaa maanta 26 sanadood kadib bulsho iyo xukuumadba ay liqi kari la’ yihiin madax-bannaanidaSomaliland.

Djibouti oo aynu jaar nahahy ugu yaraan 7 saldhig oo quwado kala duwan ah baa saldhig ku leh, oo qaarkood xafiiltan military iyo mid siyaasadeeba ka dhexeeyo – waxana sababay baahida iyo dhaqaale korodhsi. Sidoo kale Eritrea oo caalamku cunaqabatayn saaray ayaa baahidu ku kelliftay inay saddex dawladood oo Sucuudiga Israel iyo Imaraadku ka mid tahay ay saldhig ku yeeashaan oo dagaallada ay carabtu kula jirto Xuutiyiintana halkaa lagaga soo duulo.Intaa waxa dheer dhawr kun oo maraakiibta dagaalka ah oo ku wareegsan dhulka Somalidu degto, kuwasoo dhammaantood dano gaara u jooga Badaha Indian Oceanka.

Haddaba waa xaqiiq in kala hororsi Istraajiyadeed oo ay sababtay xasaradaha  guud ahaan caalamka ka oogan keento in Somaliland il gaara lagu soo eego ama quwado shisheeye xiiseeyaan, Xukuumadduna inkastoo ilo-dhaqaale korodhsi ah oo ka roon saldhig militari kaaysay, haddana eed kuma leh inay baahida umadeena xal u raadiso waxase yaab ah siday ugu soo bandhigtay bulshada ee aad mooddo in qarsoodi fara badani ku gadaaman yahay.

Innagoo Mucaarad, Xukuumad iyo shacabiba wixii inoo wada dan ah isla-fahmi karna, fikradna isku biirin karno, oo soo wada dhowayn karna -maxaa kellifaya in wadajir looga wada tashan waayo, ama muran ka aloosmo, welibana madax xasaanad mudan dhulka la jiido iyagoo jooga goobtoodii shaqada.

Qormadan waxan si kooban u daraaseeyay waxyaabaha ay tahay in la iftiimiyo ama muwaadin kastaaba ka dheregsanaado haddii Saldhig  Imaraadku leeyahay iyo haddii Quwado shisheeye oo kaleba dhulkeenna imanayaan, waxana ka mid ah:

1-     BIXINTA SALDHIGGA (GRANTING THE BASE).

Horta heshiiska yaa wada gelaya? Waa inay heshiisku si cad u xusayo inuu dhexmarayo Xukuumadda Somaliland iyo Quwadda shisheeye sida Imaaraadka Carbeed.

Waa in xuduudda Saldhiggu dhul ahaan si cad u qeexan tahay oon madmadow ku jirin, isla markaana Calanki qaranka S/L si cad uga dhex babbanayo, muddada heshiisku jirana dhulka saldhiggu waa mid kiro ah oo ay leedahay S/L . Waa in la qeexo in Xukuumaddu heshiisyo kan la mid ah cid kale la geli karto iyo inkale.

Lacagaha caddanka ah ee heshiiska, Bangiyada iyo muddooyinka wax bixintuba waa inay qeexan yihiin.

2-     XUQUUQO CAYIMAN (DISCRIPTION OF RIGHTS).

Waa in la cayimo xuquuqda askarta saldhiggu u  leedahay maamulka xeryohooda iyo dariiqyada ka baxa ama soo gala, isticmaalkooda laydhka iyo aaladaha hagidda elktronigga ah, raadarrada, mawjadaha hawada, badda cirka ee S/L. Duulimaadyada Saldhiga iyo magaalada korkeeda mara, iyo isticmaalka shacbiga ee badaha ku harreraysan saldhigga waa in laga heshiiyay.

Ciidamada Saldhigga ee ilaashanaya danohooda ciidan waa in laga heshiiyay dhaqdhaqaaqooda ciidan hadday bad tahay, berri iyo cirba, maraakiibtooda iyo dayuuradohoodu intay fasax u haystaan dhul, bad,iyo dekedaha kale ee S/L. Doonyaha ama maraakiibta waddaniga ah qudhoodu intay ka gaadhi/geli karaan xuduudaha Saldhigga.

3-     WADA-SHAQAYNTA IYO MASHAARIICDA (COOPERATION AND DEVELOPMENTAL PROGRAMS).

Qorshayaasha iyo mashaariicda waxqabad waa inay qeexan yihiin, qiimaysan yihiin oo weliba muddaysan yihiin.

Iskaashiga Ciidamada saldhigga iyo Ciidamada Qaranka waa in la qeexo xidhiidhkooda sida tababarrada, dhoollatuska iwm.

Inta labada ciidan is-dhex geli karaan/siro isweydaarsan karaan oo la isla meel dhigao.

4-    SHARCIGA (JURISDICTION).

Fal dembiyeedka culus/fudud (Civil/Criminal) ee ciidamada Saldhigu xuduuddooda dhexdeeda ama dibadeedaba ka geystaan, iyo Kuwa Muwaadiniinta S/L xuduuddooda ama dibaddeedaba Ciidamada Saldhiga ugu geystaan, yaa xaq u leh xukunkooda iyo maxkamadayntooda.waa in la sharxo inta la wadaago iyo inta la kala leeyahaba.

5-    CASHUUR DHAAF (TAX EXEMPTION).

Xukuumadda Somaliland ma cashuuri kartaa agabka Saldhiggu la soo degayo, Shirkadaha kale ee u adeegga Saldhigga iyo agabkoodase cashuur ma lagu leeyahay?.Wax kast oo Ciidamada Saldhiggu kula soo degaan cashuur la’aan, waa inay ku ekaato isicmaalkooda oo keliya oo aan iib iyo faaiido doonis bulshada S/L loo dhex keenin.

6-    MAGDHAWGA (LIABILITIES AND COMPENSATION).

Haddii cid cadow ku ah ama lid ku ah ciidammada Kiraystay Saldhigga ay khasaare nafeed ama maal ama adduunyo kaleba gaadhsiiyaan dadka, maalka iyo guud ahaan dalka Somaliland waa in laga heshiiyay magdhawgooda, muddo cayimana loo qabto dalbashada iyo bixinta magdhawgaasi.

Waxyeellooyinka aaladaha, sida mashiinada, baabuurtu iwm u geystaan shacabka Somaliland, ee keena dhaawac, dhimasho amase burbur maal – waa in laga heshiiyay magdhawga lana muddeeyo waqtiga la dalbanayo iyo waqiga la bixinayoba.

7-    DHAQDHAQAAQA (MANUEVERS).

Askarta Ciidamada cusub, shaqaalaha shirkadaha la socda, xaasaskooda iyo carruutoodu dhaqdhaaq intee le’eg baa loo oggol yahay, Ma soo geli karaan suuqyada, miyi, magaaloyinka kale ee  Somaliland. Maxay xor u yihiin maxaase ka xaaransan.

Adeegyada Bulshada ee Qaranka S/L, ma isticmaali doonaan Ciidamada cusub iyo shaqaalaha shirkadaha la socda iyo xaasaskoodu.

8-    SAFARKA (IMMIGRATION).

Saldhigga oo leh ciidan lebbisan iyo kuwo dhar caadiya lehba, iyo shaqaalaha shirkadaha qandaraasyada ka haysta iyo dadkoodu sifo noocee ah bay dalka ku soo geli , si looga warqabo tirooyinkooda iyo meelahay dalka kaga sugan yihiin.

9-    NAQSHADAYNTA IYO KHAYRAADKA (SURVEYS AND MINERAL RESOURCES).

Wax kasta oo khayraad ah oo laga helo badda dhulka iyo xataa xuduuddaha saldhiggu ku fadhiyo waxa leh degaanka iyo shacabka Somaliland oo keliya.

Xogo ama daraasaad kasta oo la sameeyo sida dhulka oo qaabkiisa la dhalan rogo (Tobographic), Xaradhka badaha hoostooda (Hydrographic), Sawirrada Hawada sare lagu qaado (Aerial photographs), iyo Naqshadaynta Sugidda Xeebaha( Coastal Geodetic Surveys, waa in marka hore oggolaansho looga haysto Xukuumadda S/L , Xogahana lala qaybsado mar walba.

10-                      AMNIGA IYO XIDHISTA (SECURITY & ARREST POLICY).

Ciidamada Amniga Qaranku S/L masuuliyad intee le’eg bay ku leeyihiin nabad-gelyada Saldhigga, qalabka dhismaayaasha iyo habsami u socodka shaqada saldhigga.Haddii  fal-dembiyeed dhaco xadhigga iyo qabashada bilayska waa in laga heshiiyay.

11-                      BOOSTA IYO ISGAADDSIINTA (COMMUNICATIONS).

Isticmaalka adeegyada is-gaadhsiinta sida telefoonada, Internetka iyo Boosaha waa in laga heshiiyay isticmaalkooda iyo xogaha la isu marin karo.

12-                      KHILAAFADKA IYO  SOO AFJARIDDA HESHIISKA (DISPUTES AND TERMINATION)

Waa in tirooyin heshiis ay ku yihiin labada dhinacba loo magacaabo xallinta khilaafaadka isla markaana sharci caalamiya oo dhexdhexaadiya la isla qaatay, kaasoo hore loogu wada qancay.

13-                      AASKA IYO XABAALAHA (BURIAL AND CEMETARIES)

Muddada Heshiisku jirayo oo dheer darted, waa in la isla meel dhigo aaska ciidamada cusub,  xabaalo ma ku yeelan karaan dalka Somaliland.

Guntii iyo gebogebodii, qormadani waa kooban tahay lakin heshiiska dhabta ihi waa ka balladhan yahay, waxanse uga jeedaa in muwaadiniintu fikrad ka dhex arkaan waxay Saldhig Milatari ka rajayn karaan.

Wa Billahi Tawfiiq

Rasheed Ali Meigag Samater

(Hoggaamiyaha Jaaliyadda W.London)