Dhambaal Side: Dalxiiska magaalada taariikhiga Seylac & Jasiirada Sacaadadiin

Seylac:magaalo taariikhi ah

Seylac waa  magaalo leh taariikh gabowday oo ilaa qarniyo hore la dagenaa, haatana waa magaalo madaxda gobolka Salal. Waxey dhacdaa Waqooyi Galbeed Soomaliland,  Waa magaalo ay baddu kaga hareeraysantay dhinacyo badan waa meelaha ay aadka iskaga dhaw yihiin Djabuti & Somaliland. Seylac waxa loosii maraa wadooyin adag oo aan dhisnayn taasi ayaa keentay in ay noqoto meel go,doon ah.

Haddii Hargeysa laga baxayo waxa jira dhawr waddo oo loosii maro marka loo jihaysan yahey Seylac. waxa ka mid ah wadada ka baxda waqooyiga magaalada Hargeysa ee sii marta Dawga Cad iyo Dawga Camuud halkaas oo marka xeebta la gaadho dhinaca galbeed loo wareegayo waana wadada ugu sahlan. dhanka kale waxa jirta wado ka baxda Galbeedka Hargeysa taasi oo lasii maro magaalada Boorama halkaasna looga laabto dhanka waqooyi, deedna  lasii maro dariiqyo kala gadisan.

Marka aad  ka baxdo galbeedka magaalada Hargeysa  waxa aad sii maraysaa Abaarso, Arabsiyo, Gabiley, Kala beydh, Dilla, Tulli, Shirwac, Gorayo cawl, Boorama, Quljeed, Boon, Fadhi Xun, Fardo lagu xidh, Geerisa, Ceel-Gaal, Caasha Caddo, Tokhoshi dabadeedna Seylac  masaafada ay isku jiraan Hargeysa & Seylac qiyaas ahaan  waxa weeyaan 388 KM marka lasii maro jidkan aynu hada soo sheegnay, masaafadaa u dhaxeysa ayaaba cajaa,ib ah buuraha waaweyn ee laga gudbayo, banka iyo banaanada, dooxyada, xayaawaanka iyo abuuraha Illahey ee badan.

Seylac madaama oo ay ka mid tahey magaalooyinka ay Soomalidu degto kuwooda ku teedsan Xeebta waxa ka muuqda ilbaxnimooyin iyo taariikho wakhtiyo fog laga joogo waxa ka mid ah Masjidka Qiblateynka oo ah Masjid leh laba qiblo mid u jeeda masjidul Aqsa oo ahaa halkii loo tukan jirey intii aaney soo bixin diinta Islaamku iyo qiblada labaad oo ah ta u jeeda dhanka Xaramka oo ah jihadii kama danbeysta aheyd ee uu jideeyay Illahey (SW). waxa la aamin sanyahay in ay Seylac tahey meelihii u horeeyay ee uu islaamku gaadhey Afrika, ka sakow barriga dhexe.

 Dhismahani wuxu ahaa Kastamkii u horeeyay ee laga dhiso Degmada Seylac, waxa la dhisay wakhtigii dawladda Turkiga waxaana la dhisay wakhti ku siman 1813 kii. Waxa uu shaqeynayey ilaa wakhtigii Ingiriiska sida ay sheegeen dad deegaan u ah Degmadda Seylac.

Magaalada wax ka muuqda raadad badan oo ay ka tageen dawladihii iskaga danbeeyay sida dhismayaashii ay gali jireen meelihii laga maamuli jirey iyo dabcan meelo lagu kaydin jirey taariikhaha iyo kutubta aqoonta.

Dhsimahan sawirka ka muuqda waxa la sheegay inuu ahaa maktabad lagu ururiyo buugaagta waxaana la dhisay taariikh ku siman 1818 isla Turkiga ayaa dhisay. Buugaagtii lagu kaydin jirey iyo halkii ay ku danbeeyeen cid ka war haysaa ilaa hadda ma helin.

Seylac waxey caan ku tahey ciyaarta Seylicida oo sida ka muuqata loogu magac darey, waa ciyaar dhaqameed ka mid ah ciyaaraha loogu jecelyahay gayiga Soomalida idil ahaaba lagana ciyaaro dhul badan oo Soomaalidu dagto.

Seylac waxa ay leedahay Dugsi Hoose Dhexe iyo Sare oo lagu macaabo Sacaadadiin . sidoo kalena waxa ku yaal dhisme loogu talo galey in ay ardeyda u hoydaan (Boarding).

Dhismahani waa guriga Badhasaabka Degmada Seylac. Waxa dhisay Ingiriiskii.

Jasiiradda Sacaadadiin

Somaliland waxa ku yaala jasiirada dhawr ah waxana ugu caansan baaxad ahaana inta la ogyahay ugu weyn jaziirada Sacaadadiin taasi oo u jirta Seylac Seylac masaafo siximada amaba laashku u soconayo ilaa 20 daqiiqo , Jasiirada Sacaadadiin waa meel aad u qurux badan waxa ay caan ku tahey Geedka loo yaqaano Qandal oo ah geed aad u cagaaran oo soo jiidasho leh isla markaan aan is badelin gu, iyo jilaalba. waxa dhex mara gacan ay biyihiisu aad u degan yihiin.

Jasiiradani waa mid lagu noolaan karo, caqabada kaliya ee adkeynaysa ku noolaanshaheedu waxa weeye biyo la,aan. Waxa ku taal barkad uu dhisay Turkigu oo ay ku dhacaan biyaha roobku muddo badana ku taaley. Runtii waa meel ay naftu ku nasanayso deganaanshaha, bilicda, iyo nimcooyinka badan ee Eebe ku galadey.

W/Q Hibo Ciise Maxamed