Hoos dhac ku yimid ganacsigii suuqyada xilliga ciida—dhaqaale xumo darteed

Waxaa jira hoos u dhac dhaqaale oo baahsan waxaan u kuurgalay indho-indheyna ku sameeyey xaaladda suuqa Hargeysa. Waxaan dareemay in dhaqaale aan buurneyn suuqa uu dhexwareegayo, waxaan sidoo kale cabiraad ka qaatay (measurement) aadna isu barbar dhigey ciiddan iyo ciidihii hore. Waxaa u dhaxeeya faraq aad u weyn.

Had iyo jeer marka ay ciidda gaadho tobanka danbe waxaa billaami jirtay shaqo abuur iyo dhaqaale suuqa dhex-sabbeeya, waxaana aad u kici jirey wax iibsiga. Suuqa Hargeysana waxa uu noqon jirey mid mushquul badan oo sixmad badan. Waxaana suuqa laga xidhi jirey dhammaan ba wadooyinka soo gala, sidayna baabuur u soo marin umadana halis u galin iyadoo laga taxadarayo halis ka dhalata  saxmadda bulshada suuqa wax ka gadaneysa.

Dhaqaalaha bisha Ramadaan soo gali jirey suuqyada Somaliland waxaa qeyb laxaadle ka qaadan jirey xoolaha loo dhoofiyo waddanka Sucuudiga. Gabi ahaanba saddexdii sano ee u danbeysay suuqaasi muu ahayn mid shaqeeya. Dawladdu xil iskama  saarin in ay suuqan dib u soo nooleyso xayiraadda saaranna sidii looga qaadi lahaa kama ay shaqeyn. Gaabiska halkaa ka yimid waxa uu saheyday dhaqaale darro iyo camal`aan.

Ciidihii hore marka la gaadho tobonka danbe ee bisha Ramadaan suuqyada Somaliland gaar ahaan suuqa caasimadda Hargeysa, waxa uu isu beddeli jirey mid mushquula waxaana kor u kici jirey (supplier and demanders) meheradahana qaarkood waaga ayaa u beryi jirey, intooda badanna waxaa afaafkooda la xidhi jirey marka ay suxuurta ku dhawaato.

Mar aan isku dayay inaan wax ka ogaado dhaq-dhaqaaqa suuqa oo aan waraystay meheradaha qaarkood, waxay muujinayeen in aan dhaqaale badan oo buurani soo galin dadkuna ku yar yihiin suuqa imaanshiyihiisa. Sidoo kale meheraduhu waxay albaabadooda xidhanayeen abaaro 11:30 ilaa inta u dhaxeysa 12:30 habeenimo.

Wareega suuqa (circulation) ee hoos u dhaca ballaadhani uu ku yimid, waxaa isna qeyb laxaadle ka qaatay isku beddelka lacagaha ee hoos u dhacay. Waxaa dhawaan soo galay suuqyada Somaliland lacag aan xaddigeeda la garaneynin oo doollar ah, meel ay ka soo gasheyna aan laga warqabin. Lacagtan qalaad ee ina soo gashay waxay saameyn taban   ku yeelatay dhammaan ba isusocodka suuqyadeena.

Sixirbararku waxa uu ku koobnaa lacagta (Inflation money) waxaanu naaqusiyey wareega lacageed ee la kala beddelanayo. Balse intii hoosudhacu ku yimid lacagta (deflation money) waxaa abuurmey sixirbararka ku dhaca maciishadda (Inflation goods and service) sixirbararkan ku yimid maciishaddu ma aha mid dhaqaale ahaan abuurmay balse waa mid ganacsatadu abuurtey.

Wareega suuqu marka uu sidan isu dhalanrago waxaa qolyaha dhaqaale yahanadu (economics) ka dhex abuurmi jirey dood adag. In badan oo dooda noocan ahi soo taagneyd oo lagu kala aragti duwanaa hadana, waxa ku guuleystay odeygii ka midka ahaa ragii seeska u dhigey dhaqaalaha ee John Maynard Keynes oo waa kii lahaa “Dawladdu suuqa ha soo faragaliso” immika waxa muuqda in doorkii xukuumaddu ka qaadan lahayd suuqa uu banaan yahay, taas bebdelkeeduna keentay in suuqu shiiqo oo ganacsatadu maciishadda ay qaali gareyso. Hadii suuqu sidan ku sii socdo dawladduna doorkeeda qaadan weydo waxaa suuqu isu beddelayaa “shutdown”

W/Q: Cadhood Badar Cadhood

Please follow and like us:
Whatsapp
Shares