Dilalkii qorsheysnaa oo weli Muqdisho ka socda

Mogadishu-Somalia, Rag hubeysan oo watay gaari ayaa rasaas oodda uga qaaday gaari uu la socday taliye kuxigeenkii hore ee hay’adda sirdoonka Soomaaliya.

Taliyaha wuxuu murayay isgoyska Ceel-Gaab ee magaalada Muqdisho xilliga la weeraray schweizer-apotheke.de/.

Dad goobjoogayaal ah ayaa BBC-da u sheegay inuu weerarkaasi ku dhaawacmay Xasan Dheere oo mar taliye kuxigeen ka noqday hay’adda NISA.

Weerarka waxaa sidoo kale ku dhintay askari ilaale u ahaa.

Dhinaca kale degmada Hodan rag hubeysan oo watay gaari ayaa rasaas ku furay gaari uu la socday afhayeenkii hore ee maamulkii Ximan iyo Xeeb Maxamad Cumar Hagafeey.

Xagafeey ayaa isla goobta ku geeriyooday sida ay BBC-da u sheegeen xubno ay isu dhawaayeen marxuumka la dilay.

Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda labada weerar ee maanta Muqdisho ka dhacay.

Source: BBC Somali service

Please follow and like us:
Whatsapp
Shares