Doorashada Somaliland? Maantana Far Baan Maydhayaa Ha Fadhiyo Geelu!!!

Gobollada bariga Somaliland waxa ka dhacay abaaro ba’an. Waa loo gurmadaa wixii karaankeen ah. Waa masiibo rabbaaniya, culumaduna ina badan way ka hadleen sababaha keena masiibooyinka waawayn ee abaaruhu ka mid yihiin. Ilaahay aan barinno inuu dadkeena abaaraysan samata bixiyo, naxariistana u furo.

Waxaad moodaa in siyaasiinta Somaliland maanta u adeegsanayaan abaaraha dano siyaasadeed. Xisbiyada qaranku maalin walba waxay qabtaan xaflado waawayn oo si kharash badan loo soo abaabulo, iyadoo la leeyahay waxa la soo dhawaynayaa dad ku soo biiray xisbiga. Qudbadaha laga jeedinayo xafladahaa is tuska ah waxa lagu soo qaadaa abaaraha dalka ka jira…… waa hadal hayn munaafiqnimo ah… Oo haddii ay dhab ka ahaan lahayd hadal haynta abaaruhu, mabay qabsadeen xafladdan tumashada iyo i arkaaayda ah. Inta maalintaa meeshaa lacag lagu burburunayaa waxay biyo dhaamis ugu fillaan lahayd degmooyin badan oo harraad loogu dhimanayo.

Maanta dadka Somaliland in ka badan 80% waxay ku dhaqan yihiin magaalooyinka iyo tuulooyinka, abaaruhuna wax saamayn ah kuma laha. Dadka ree rguuraagu waa ka yar yihiin 20%. Isla markaana ma aha dad diwaan gashan, mana codeeyaan. Haba yaraatee wax saamayn ah oo ay ku leeyihiin siyaasadda dalku ma jirto. Sidaa darteed in la yidhaa doorashada dib ha loo dhigo iyadoo lagu marmarsoonayo abaarahaa reer miyiga haysta iyo jiilaalka dheeraday waa wax lala yaabo. Waana marmarsiiyo been ah oo la rabo in lagu cimri dheeraysto.

Guddoomiyaha xisbiga waddani wuxuu og yahay inuuna doorasho caddaalad ah ku guulasanayn, Wuxuu ku waayaya doorashada kursiga u sida xaqdarrada ah ugu fadhiyo ee ah guddoomiyaha golaha wakiilada. Markaa wax kasta oo uu kaga hortagayo doorashada wuu ku dhaqaaqayaa, xataa ha noqoto dagaal sokeeye uu dalka ka rido, hadduu u suuro geli lahaa. Markaa abaartani waxay u noqotay fursad cusub oo in badan oo aan dalka iyo abaarta u ahayn xogogaal run moodayaan.

Guddida doorashadu waxay jirtaa oo cimrigeedu ku eg yahay marka doorasho dalka ka dhacdo. Waxa la og yahay in la siiyo miisaaniyad bilaa xuduud ah oo ay ugu tagri falaan si shakhsiyeed oo sifada sharciga aan waafaqsanayn. Waxay dhowaan la soo degeen baabuurtii ugu qaalisnayd ee abid ciidda Somaliland cagaha soo dhigata, baabuurtaas oo qof wal oo iyaga ka mid ah loo siiyay si shakhsiyeed, ogow oo waxa jiro abaaro iyo dad gaajo iyo biyo la,aan u dhimanaya. Dalka oo doorsho ka dhacdaa guddida dan uma aha, marka loo eego noloshooda shakhsiyeed. Hadday doorashadu dib u dhacdo waa in la kala eryaa guddidan, illeen xilkoodii gudan waayeen.

Madaxtooyada inta ku wareegsan dan uma aha doorasho dhacdaa oo waxay ogyihiin in team cusubi iman doono qasriga madaxtooyada, iyaguna ka hulleeli doonaan.

Suldaanada, caaqillada, Cali Khalaiif iyo madax dhaqameedka ku mamay dhiigga umadda oo intii xukuumaddani jirtay xiniinyo dheeraad ah la siiyay ma jecla in isbeddel ka dhaco dalkan.

Yaa raba haddaba doorasho????

Waxa raba xoogsatada xalaal miiradka ah ee uu dhibayo musuqmaasuqa faraha ka baxay;

shaqaalaha dawladda ee arkaya in mushaharkoodii shilinka Somaliga ahaa waxba u goynayn oo sarrifkii dollarku cirka isku shareeray, maciishadduna ku salaysan tahay dollar.

Ardayda qallin jabisay iyo kuwa wali waxbarashada ku jira oo arkaya inaan dalkan shaqo jirin, hantidii dalkana lagu xalaashaday musuqmaasuq oo in yar oo kooban gacantooda ku jirto. Ardaydan oo inta badan tahriib iyo badaha oo ay ku dhammaadaan dan mooda.

Dadka miyiga ee abaaruhu saameeyeen oo arkaya inaan waxba loo qabanayn, maalin walbana la hadal hayo, haddana kaaga darani laga dhigtay marmarsiiyo, loogu marmarsiiyoona si aan waddankan wax is beddel ihi ka dhicin.

Waxa raba doorasho inta dalkan jecel, oo rabta inuu isbeddel xaqiiqi ihi yimaaddo.

Wa Billahi Tawfiiq,

A. Amir Bidde Nuur