Feysal Ali oo magacaabay Musharaxa madaxweynaha ku xigeenka ee xisbiga Ucid

Hargeysa (Geeska)-Hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaradka ee UCID Eng:Faysal Cali Waraabe, ayaa Madaxweynaha Somaliland ku amaanayawuxuu dalka u qabtay, balse wuxuu dhaliilo u soo jeediyey Xukuumaddiisa, oo uu tilmaamay in dad badan oo uu aaminay dalkii ay baabiyeen, waxaanu xusay in dalku maanta marayo meel aad u xun, waxaanu sheegay in cida qudha ee xaalada uu dalku ku jiro ka saari kartaa uu yahay isaga oo loo doorto Madaxweyne.

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee UCID Eng:Faysal Cali Waraabe oo ah Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga UCID,oo ka hadlay  shir aan caadi ahayn oo shalay lagu soo bandhigay Musharaxa Madaxweyne ku xigeen ee Xisbiga UCID, Guddoomiyaha ku meel gaadhka ee Xisbiga iyo Guddoomiye ku xigeenka kowaad ayaa wuxuu yidhi“Haddii qabiil loo dhaqaaqo labada nin ee kale qabiil iguma gadhi karaan, laakiin aniga ayaa qabiil yidhi uf, madaxnimadu maaha reer baa igu soo biiray, madaxnimadu maaha caaqil baa ii yimid, madaxnimadu maaha ciyaar baan u galiyey dhar, ee waa in aad la timaada waxaad qabanaysid, waa inaad keentaa dad wax qabanaya, waa inaad cadaalad keentaa, waa inaad qorshe keentaa, waa inaad horumar keentaa, intaas ayaanu keenaynaa insha allaahu tacaala, oo dadka aan xirfada lahayn xirado ayaanu u sameeyn doonaa, sidii qoladii Sooyaal la odhan jiray mashruucii ay wada jireen ee ay ku habsaameen, ee ay wadi kari waayeen mashruucaas baanu fidin doonaa, ilaa shan wadan baan hayaa oo inoo iman doonaa haddii ALLE yidhaah, oo sida dhalinyarada camal loogu sameeyn lahaa, inoola diyaar ah, waxaan hayaa maalinta aynu soo baxno toban wadan oo ilaa Laatin America ah, intaas iyagu may hayaan, ma garanayaan, ururka aan ku jirno, wuxuu ka kooban yahay 160 dawladood, intaas oo dhan baa ina garab taagan aqoonsiga oo 2019 weynu kala bixi doonaa inaga iyo aloore aloore Somaliya”

Faysal Cali Waraabe mar uu ka hadlaayey xaaladu uu dalku marayo ayaa yidhi “Dalkeena halista uu ku jiro iyo  meesha uu marayo maanta waa maalintii uu cigaal inoo yimid oo kale, weynu kala daadsan nahay, walaalayaal anaga qabyaalad noogu iman maysaan, musuqmaasuq noogu iman maysaan, eex noogu iman maysaan, hadad cadaalad naga weydaan albaabka naga saara, ma doonayno xukun aanu ku galno jahanama, oo aanu dhalno caruur naanabta, oo caruurtaydu naga naanaamto, oo naga xanuunsanto, oo naafo naga noqoto, oo xaaran naga cunto, dooni mayno ee xalaal baanu siinaynaa”.

Faysal Cali Waraabe mar uu ka hadlaayey Madaxweynaha iyo Xukuumaddiisa ayaa yidhi “Qabyaaladii wey baxday, Odaygii Siillaanyana ILLAAHAY Caafimaadka ha u hagaajiyo, wuxuu qaban karo uu qabtay, inkastoo dad uu aaminay, oo rakaabkiisu aanu fiicnayn, dad badan oo uu aaminay ay baabiyeen wadankan haddana isagu uu dadaalay, macaankiisa ayaa macaan ka batay, nin macaan buu ahaa, nin macaana waa la wada muudsadaa, waa la wada muudsaday, laakiin anagu sharaf baanu kaga tagaynaa, Ragga UDUB ka soo baxay, ee Kulmiye ahaa, ee meel kasta ahaa, ee naqaano anagu idin hor keeni maayo, ee dad imaan qaba, oo dibadaha ka soo shaqeeystay, oo caqli leh oo dadka xoolahdooda daynaya, maayaro fiican baan idin keenayaa, maayar dambe oo khudrada caruurta ku qayilaya, kurta ayaanu ka jaraynaa, Dhalinyarooy maanta tashada, Somaliland meel xun bay maraysaa , idinka ayaa maanta badbaadin kara, codkiina ayaad ku badbaadin kartaan, codkeena ayeynu ku badbaadin karnaa”.

Eng:Faysal Cali Waraabe ayaa isagoo ka hadlaya musharaxa ku xigeenkiisa yidhi “Ninkani raggii dhisay buu ahaa, Xamartana uu soo yar siyaartay, runtii buu soo arko, cawas jilaal waa lama huraan, Raggii wada hadalada ka shaqeeyeyna uu ku jiraa, markaas waa anaga awood qaybsigii barri iyo galbeed bilawnay, Somaliland wey dhaqaaqaysa, ee cadawgeenu ha jabo, weynu cadaw badane, laakiin inta aynu gudaheena is yeelno ayaa ka xun inta shisheeye ina yeelo, gudaheena ayey khatartu jirtaaye aynu digtoonano, oo Doorashada aynu nabadgalyo u eegno, ha laga daayo labada Xisbi, ha laga daayo Qabyaalada iyo cunsiriyada, ay taageerayaashooda ku abuurayaan, doraatoole markii aanu tagnay Xaafadaha Gacan Libaax, ee aanu khudbadeenay mid baa na tuur-tuuray, ee waxaan leeyahay Cirrooy hadad xaafidhiina nagu tuur-tuurtaan, taayadaydana waa la tuur-tuuri doonaa, Magaalada Hargeysana anigaa tuur-tuuriyo badan doona, labada Xisbi waxay aad iskugu dayeen inay dadka tusaan in Faysal Ciidagale la joogin, waar Ciidagale meel kale tagi maaye ha ku habsaamina”

Faysal Cali Waraabe mar uu ka hadlaayey wada hadalada Khatumo ayaa yidhi “Heshiisyada aanu imika la galaynay Khatumo, waxa ka kow ah in awooda la wada qaybsado, oo sida hadda jirta qolo qudhi aanay wax kasta wada yeelan, waa kaas oo Madaxweyne ku xigeenkii ayeynu wada yeelanay oo Xisbi UCID, oo Barri iyo Galbeed, anigu reer Galbeed baan ahay, waxa lagu heshiiyey in la daadajiyo maamulka, waxaanu ku heshiinay in dalkan laga baabiiyo nin wasiir ah oo aan cilmi lahayn, oo waxba lahayn oo dhulka booba, oo hantida booba, oo isagu naaxa, oo la keeno umadda wax garanaysa, aqoonyahan baanu keenaynaa”

Dhinaca kale kal-fadhigan aan caadiga ahayn ayaa waxa Musharaxa Madaxweyne ku xigeen loogu doortay Prof: Axmed Cabdi Muuse oo ka soo jeeda Gobolka Sool, halka Guddoomiye ku xigeenka kowaad  loo doortay Cabdinaasir Muxumed Xasan (Buuni) oo ka soo jeeda gobolka Awdal, Guddoomiyaha ku meel gaadh ahna waxa  loo doortay Maxamed Macalin Xirsi oo ka soo jeeda Bariga Burco.

Musharaxa Madaxweyne ku xigeen ee Xisbiga UCID Prof: Axmed Cabdi Muuse iyo Guddoomiye ku xigeenka kowaad   Cabdinaasir Muxumed Xasan (Buuni), oo iyagu munaasibadaas ka hadlay ayaa sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin xilalkan loo doortay, waxayna rajo wanaagsan ka muujiyeen Doorashada, oo ay sheegeen inay ku dadaali doonaan sidii Xisbiga UCID taladda dalka ugu guulaysan lahaa.

Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir oo ah Suldaanka guud ee Beelaha Somaliland iyo Madax-dhaqameed aad u tiro badan, aqoonyahano iyo masuuliyiin ka tirsan Xisbiga UCID, oo iyana halkaas ka hadlay ayaa soo dhnaweeyey masuuliyiintan cusub ee Xisbiga loo magacaabay.

 

Geeska Afrika

 

 

Please follow and like us:
Whatsapp
Shares