La kulan Stephen Sucker—wareystaha dunida ugu caansan

Hargeysa, Somaliland—Suxufiga indhaha iyo dhagaha furani wuxuu balaadhiyaa daawashada, dhegaysiga iyo wax akhriska,si uu u helo macluumaad uu ku kabo xirfadiisa suxufinimo. Qormadan waxa aynu si kooban uga hadli doonaa mid ka mdi suxufiyiinta adduunka ugu caansan marka laga eego dhinaca waraysiyada iyo qaab su’aaleedkiisa adaga (Tough interview). Macluumaadka aynu ka faa’idaysano suxufiga ayaa laga yaabaa inay wax badani inooga kordhaan xeeladaha uu adeegsado iyo farsamooyinka u gaar ah.

Waa kuma Stephen Sackur?

Stephen Sackur waa suxufi Ingiriis ah, kuna dhashay isla Ingiriiska sannadkii 1964-kii, waxaanu wax ku bartay Jaamacada guunka ah ee Cambrige (1985). Sidoo kale wuxuu aqoontiisa ku sii kordhistay jaamacada caanka ah ee Harvard gaar ahaan qaybta loogu magac-daray Madaxweyne Kennedy (John F. Kennedy school of Government). Stephen wuxuu ka hawlgalaa Tilifiishanka iyo Idacaacadda BBC-da qaybahooda la hadla dibada. Waan soo saaraha Barnmaamijka lagu lafa-guro arrimaha adduunka ee loogu yeedho Hal-adayg (Hardtalk). Ka hor intii aanu bilaabin Barnmaamijkan Hal-adayg, muddo 15 sanno ah ayuu ahaa suxufi ka soo warama dalalka dibada (foreign Corresponden), sidoo kale si joogto ah ayuu Barnmaamijyo ugu diyaarin jiray Idaacadda BBC-da ee (BBC Radio 4) iyo tiro badan oo wargaysyo kala duwan ah.

Shaqadii ugu horraysay ee uu BBC-da ka bilaabaa waxa ay ahayd tababare mudadii u dhexaysay 1986 ilaa 1990. Wixii intaasi ka dambeeyey waxa loo magacaabay inuu noqdo suxufi ka faallooda arrimaha caalamka. Meelihii ugu horreeyey ee uu ka bilaabo shaqada suxufinimo waxa ay ahayd kacdoonkii Slovakia ee sannadkii 1989-kii dhacay ee la odhan jiray (Velvelt Revolution of Czechoslovakia), dib u midowgii labadii Jarmal iyo dagaalkii gacanka. Stephen wuxuu ahaa suxufigii ugu horreeyey ee soo tebiya duqayn dhinaca cirka ah oo dawladdii Ciraaq ee Saddaam Xuseen kula kacday kolonyo dad qaxaaya oo reer Kuweyt ah, taasina waxa ay soo dedejisay inuu dhaco dagaalkii gacanku. Stephen waxa markii dambe saldhig u noqotay magaalada Qaahira ee dalka Masar (1992-1995), halkaasina wuxuu si joogto ah uga soo tebin jiray wararka, faalooyinka iyo doodaha arrimaha Bariga dhexe. Ka dib wuxuu u wareegay Israa’iil, waxaanu si toos ah u soo tebin jiray geeridii Raysal-wasaarihii Yuhuud Yitzhak Rabin. Intii u dhexaysay 1997-2002 waxa loo magacaabay weriyaha gaar ah ee BBC-da uga soo warama Maraykanka gaar ahaan Washington, waxaanu warar, faallooyinka, waraysiyada, doodaha iyo lafa-gurida ku samayn jiray fadeexadii ku habsatay Madaxweyne Clinton ee la odhan jiray (Lewinsky Scandal).

Waana halkay ka soo baxay hibadiisa waraysiyada heerka sare ah (Advanced Interveiws) iyo su’aalaha aan gabbasahada lahayn, taasina waxa ayaa markiiba siisay sumcad weyn oo uu ku yeeshay caalamka. 2002-dii wuxuu noqday Tifafiraha BBC-da ee Yurub, ka dib wuxuu ku noqday Ciraaq markii ay burburtay dawladii Saddaam Xuseen, isaga oo noqday suxufigii ugu horreeyey ee soo tebiya xabaal-wadareedyo ay ku jireen dad uu xasuuqay Saddaam Xuseen. Sidoo kale wuxuu ahaa xidhiidhiyihii doodihii is-beddelka cimilada adduunka oo ay ka qaybgaleen guddi shan qaybood ka kooban oo ay hogaaminayeen shan madaxweyne oo ka kala socday dalalak (South Africa, Maldives, Sweden, Australia iyo Mexico).

Isaga oo maskaxda iyo maanka ku haysta waayo-aragnimadaasi shaqo ee baaxada leh, ayaa sannadkii 2004-tii loo magacaabay inuu soo saare ka noqdo Barnmaamijka Hal-adayga (Hard talk), ka dib markii uu geeriyooday suxufigii halgamaaga ahaa ee Tim Sebastian oo hore Barnmaamijkan soo saare uga ahaan jiray (Veteran Journalist). Hard talka waa Barnmaamij socda muddo 25 miridh ah oo si qotodheer loo waraysto qofka martida ku ah iyada oo la soo hordhigo baadhitaano iyo caddaymo khuseeya mowduuca laga waraysanayo. Stephen wuxuu waraysiyo kala duwan ka qaaday dad adduunka caan iyo weliba inta badan madaxda caalamka, isaga oo ka qaaday waraysiyo caalami ah, iyo su’aallo qofku aanu jawaabtooda si fudud ku keeni karin, mararka qaarkoodna qofka kaga dhididiya (Tough Questions). Madaxda uu waraystay waxa ka mid ah: Lula da Silva Baraasiil, Hugo Chavez Finisweela, Sheikh Hasina Bangaaladheesh, Caldevon Mexico, Shimon Peres Yuhuuda, Mohamed Abbaas Falastiin, Mahathir Maaleesiya, Jalaal Talabani Ciraaq, Bush Maraykanka, Al Gore Maraykanka, Robert Gates Wasiir Difaacii Maraykanka, Meles Itoobiya IWM.

Baadhistiisa iyo Bandhigiisa

  • Wuxuu soo qaataa ilaha rasmiga ah iyo hadallada asalka ee mawduuca uu ka hadlayo khuseeya(Primary and original source). Markuu soo fadhiisanyo amaba uu fadhiyo Istuudayaha waxa miiska ka muuqata waraaqo fara badan oo qoraallo kala duwan xambaarsan, oo ay ugu diyaarsan tahay caddaymaha uu cuskanayo.
  • Masuulka uu waraysanayo, markuu arrin taagan uu dafiro wuxuu markaba hordhigaa hadalka iyo xogta caddaynaysa arrinta uu dafirayo, isaga oo farta u saaraya cida tidhi hadalka si aanu meel kale ugu leexan la-waraystuhu.
  • Hadalka ma badiyo wakhtiga waraysiga, waxaanu xariif ku yahay su’aalaha tixraaca ah ee ku xidhan hadalka ka soo baxay qofka (Follow up Questions). Dareenkiisuna ma baxo wuxuu toos ula socdaa dareenka la-waraystaha. Haddii uu la-waraystuhu su’aashiisa garab maro wuxuu ku soo celiyaa isla-su’aashii ilaa uu ka helo jawaab cad.
  • Mawduuca uu waraysiga ka qaadayo wuxuu ku sameeyaa baadhis dhinac kasta ah (Deep Reseach). Waxaanu masuulka dareensiiyaa inuu mawduuc ka haysto xog dhammaystiran, si aanu u beerlaxawsan.

Abaalmarinaha uu ku Guulaystay

ü Sannadkii 2010-kii wuxuu noqday suxufigii ku guulaystay abaal marinta suxufigii ugu fiicnaa sannadkaasi oo ay bixisay ( Association for international Broadcasting)

ü Sannadkii 2011-kii wuxuu ku guulaystay suxufigii ugu war-tebinta fiicnaa wararka dibada oo ay bixisay (International foreign Broadcasting).

ü Sannadkii 2012-kii wuxuu ku guulaystay suxufigii ugu su’aalaha iyo xog-baadhista fiicnaa ee sannadkaasi oo ay bixiyeen (Global International Research Panel)

ü Sannadkii 2013-kii wuxuu ku guulaystay suxufigii ugu codka macaanaa (Golden Voice) ee sannadkaasi oo ay bixisay (Sony Radio Award)

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

CaliCoomay@gmail.com

Please follow and like us:
Whatsapp
Shares