Maxkamada sare ee Somaliland oo go’aamisay in musharaxa madaxweynaha 2017 ee xisbiga UCID ay shirweyne ku doortaan.

Musharaxa Madaxweynayaha 2017 ee xisbiga cadaalada iyo  daryeelka(UCID) muddo dhawr sano ah waxaa isku  haystay  hogaamiyaha xisbiga UCID, Engr. Faysal Ali iyo Jamal Ali Xuseen, oo hore  u ahaan jiray maareeye Citibank. Garabka taagersan Jamal Xuseen  waxa ay leeyihiin, xisbiga shir gaar ah uu qabsaday  , 2012, ayaa waxay ku doorteen Jamal Xuseen inuu noqdo musharaxa madaxweynaha 2017 ee xisbiga. Laakiin, Faysal Ali iyo garabka taabacsan waxa ay leeyihiin, xisbiga shirweyne uu ku soo doortay Jamal ma aysan dhicin. Qofka musharaxa 2017  noqonayana waa  in lagu soo doortaa shirwyenaha xisbiga (Party Convention) oo loo dhan yahay.

Faysal Ali  dacwad rafcaan ah ayuu Maxkamada Sare ka codsaday  inay dhagaysato  khilaafka mudada  dheer soo jiitimayey ee xisbiga.

Ka dib markay dhagaysatay doodihii labada garab ee xisbiga UCID, Maxkamada sare ee Somaliland waxay go’aamisay in musharaxa madaxweynaha 2017  ee xisbiga UCID ay shirweyne ku doortaan. Maxkamadu waxay kaloo ay go’aankeeda raacisay, habka  uu  shirkaas u dhacayo  xisbiga ayey u taal.

Guban Media Newsdesk

 

 

Please follow and like us:
Whatsapp
Shares