Sheekh Aadan “Siiro” oo noqday siyaasi mucaarid ah, fidiyana dacaayado raqiis ah.

Sheekh Aadan “Siiro” oo ka mid ah culaamu’diinka Somaliland, isla markaana si joogto ah faraha ugula jira siyaasadda  dalka, ayaa u muuqda mid ka baydhay majarihii suubbanaa ee dhinaca hanuuninta, xumaan reebista iyo wanaag farista iskugu jirey ee ahlu-diinta lagu yaqaannay.Waxana uu taas beddelkeeda u ban baxay inuu bulshada kudhex faafiyo arrimo cunfi iyo kala geyn u badan oo ka baxsan wixii sheikh mansabkiisa o kale taagan looga bartay.

Sheekha oo maalmaha jimcaha si joogto ah khudbado uga akhriya masaajid ku yaalla xaafadda  uu magaalada Hargeysa ka deggen yahay ee Xawaadle. khudbadiisa  ayaa gebi ahaanba ka saaray tiirarkii ay lahayd ee dhinaca wanaagga, wacyigelinta iyo farista samaha ee umadda la xidhiidhay.Waxana uu ka dhigay mid uu wax ka sheegga hoggaanka umadda reer Somaliland iyo dhaliisheeda.Waxa uu  umadda masaajidka usoo cibaato tagta dhegahooda ku cafuufa arrimo aanay jeclaysan oo ka duwan wixii ay masaajidka u yimaadeen, isla markaana u badan dhaliil, dhaleecayn iyo hoos u dhigidda sharafta iyo cirdiga cidda bulshadu u dooratay inay hoggaamiyaan.

Iyadoo la ogyahay in mujtamac badan oo salaadaha jimcaha ku tukan jirey masaajidka uu sheikh aadan masuulka ka yahay,  ay naxliga iyo nashuushadda uu minbarka lasoo fuulo uga yaaceen, isla markaana masaajido kale oo arrimaha nolosha iyo diinta lagaga hadlayo tageen. Hadana  ayuu sheekhu  iska sii wataa xajiimaynta xukuumadda iyo xisbigeeda KULMIYE, waxaana uu caado ka dhigtay inuu umadda si joogto ah u hor lulo sawir foolxumo weyni ka muuqato isagoo xidhan khamiistii ahlu diinka sharafta lihi caanka ku ahaa.

Tusaale ahaan, Khudbad dheer oo uu sheekhu dhawaan u jeediyey dadweynihii ku tukanayey Salaaddii Ciidda ee garoonka Xawaadle, ayuu si adag ugu dhaliilay arrimaha doorashooyinka ee dalka ka qorshaysan.

Isagoo bulshada hortooda ka sheegay in doorashooyinkaasi yihiin qaar dad gaar ahi isku qiyaaseen, taas oo aan la garanayn meel uu ka keenay, waxana isagoo arrintaas ka hadlaya uu yidhi,“Doorasho uu qof isku qiyaaso ama xisbi isku qiyaaso ama koox wax isku ogi ay isku qiyaasaan ma dhaqayso Somaliland.”

Aadan Siiro isagoo khudbadiisa sii wata waxa uu ku baaqay in doorashada loo daayo nidaamkii hore loogu heshiiyey, iyadoo ay xusid mudan tahay inaanay jirin wax heshiis ah oo doorashada ku saabsan oo cid burisay aanay jirin, taas oo muujinaysa inuu bulshada ka dhex abuurayo jawi iska hor imaad iyo kala dil ah, waxana hadalladii uu arrintaas kaga hadlay kamid ahaa,“Waxaannu leenahay wixii lagu heshiiyey, wixii xisbiyadu ku heshiiyeen ee hore loo wada ogaa, ummadduna ay maragga ka ahayd sidiisii ha loo daayo.”

Waayo cidda aad sheegayso ee isku qiyaasaysa doorashada, bal caddee qofka, xisbiga iyo kooxdaad sheegayso? Waa arrin layaab leh. Qaranka Somaliland waxa uu leeyahay haykal dawladnimo oo dhisan oo hano-qaaday, Qaranka qofka ugu sarreeya ee taladiisu ka go’do ee ummaddu dooratay waa madaxweynaha kolba jooga oo isagu go’aamiyo kolba wixii xaalad adag ah ee la soo darsa.

Qabashada doorashooyinka iyo gaar ahaan xaaladda qabashadooda ee waqtigan taagan waa mid taladeeda iyo heerarka ay soo martay caddahay oo aannu wax madmadow ahi ku jirin, arrinta ugu culus ee la soo deristay doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada waa muranka ka dhashay saami-qaybsiga kuraasta Wakiillada oo ay cabasho ka muujiyeen gobollada darafyada ee Awdal iyo Sool iyo Sanaag-bari oo cad u qalma aan ku lahayn, arrintaasi oo keentay in la samayn kariwaayo xeerkii lagu dooran lahaa mar labaad xildhibaannada golahaas.

Haddaba, xal-u-helidda khilaafkan oo Madaxweynaha hadda xilka haya Md. Axmed Siilaanyo ku bixiyey dadaal badan oo taladeeda u bandhigay isla Golaha Wakiillada ee hadda jooga iyo madaxda saddexda xisbi siyaasadeed, balse nasiib-darro aanay wax natiijo ahi ka soo bixin.

Sidaasi darteedna, Madaxweynaha oo uu isaga xilka Qaranku si gaar ah u saaranyahay waxa uu ugu dambayntii soo saaray go’aan uu arkay sida keliya ee xal-waara looga gaadhi karo muranka saami-qaybsiga iyo qabashada doorashooyinka, isagoo kala qaaday labada doorasho ee isa-saarnaa oo doorashada Madaxtooyadu ku dhacdo waqtigii ay u muddaysanaa ee bisha March 2017, isla markaana uu ta Baarlamanka dib u riixay.

Arrintan waxa soo dhaweeyey oo si buuxda u aqbalay laba ka mid ah saddexda xisbi Qaran oo horeba heshiis ugu ahaa in ay u hoggaansamaan wixii Madaxweynuhu soo saaro.

Haddaba, Sheekh Aadan-siiro su’aalaha horyaalaa waxa weeye, ma awoodda Madaxweynaha ee ummaddu u dooratay ayaanad ogolayn markaad leedahay qof dan leh?

Waxa  xisbiyadu hore ugu heshiiyeen ee aad sheegaysaa muxuu yahay? Miyaanad ogayn heshiiskii u dambeeyey ee ay arrinta doorashada ka gaadheen inuu ahaa inay u wada hoggaansamaan qaraar kasta oo Madaxweynuhu ka soo saaro khilaafka saami-qaybsiga oo weliba ay kala saxeexdeen saddexda Guddoomiye xisbi ee UCID, KULMIYE iyo WADDANI.

Markale ayuu sheekhu si jar-iska-xoornimo ah ugu hadlayaa afka mujtamaca aan la garanayn goorta ay wakiisheen, waxana uu sheegay inaanay bulshadu aqbali doonin in cidi dhinac ka dhaafto wixii lagu heshiiyey, isagoo si dadban xukuumadda farta ugu fiiqaya, waxana hadalkiisu u dhignaa sidatan: “Haddii wax laga beddelayo taasi waxay u taalaa xisbiyada Qaranka iyo Komishanka oo iyaga ayaa si wadatashi ah oo loo dhan yahay oo cidi aanay dhinac ka rarin, cid dan gaar ah lihi aanay danteeda ku fushan, iyagaa ku tashan doona, ummadduna wax kastoo lagu heshiiyo diyaar bay u tahay inay taageerto, laakiin wax kooxi wadato ama wax xisbi gaar ahi wato, wax nin dan lihi uu wato marnaba ummaddu aqbalimayso, taasi waa ta keenaysa burburka, waa ta keentay in dadku ku qaybsamaan.”

Hadadalkaaga waxa ka muuqda oo aad si cad u sheegtay in talada wax-ka-beddelka arrimaha doorashooyinka ay leeyihiin xisbiyada iyo Komishanka Doorashooyinku, markay sidaa tahay shirarkii u dambeeyey ee xisbiyadu ay kaga wadatashadeen caqabadda ugu wayn ee qabsoomidda doorashooyinka Madaxtooyada iyo Wakiillada hortaala xilligan maxay noqonayaan oo aad adigu u haysataa? Sheekh hadalkaagu wuu iska horimanayaa oo isagaa is-burinaya.

Walaaca aad sheegtay ee burburka iyo in dadku kala qaybsamaan keenayaa maaha go’aanka uu Madaxweynuhu soo saaray ee uu xalka ku raadinayo, laakiin waxa dhibta keenayaa waa qofka diidan hoggaaminta madaxda Qaranka iyo wixii lagu heshiiyo ee dhinacyada ay khusaysaa raalida ku wada yihiin cidda ka soo horjeedsata.

Aadan Siiro oo sida xukuumadaha ama hay’adaha kale ee distooriga ah u hadlaya, ayaa iskii u sheegay inuu ka digayo ilaalinta wixii lagu heshiyey, iyadoo su’aasha taaganina tahay isagoo awooddee leh, ayuu digniinta dirayaa, waxana isagoo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,

“Waxaannu uga digaynaa Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland iyo inta ay taladu ku xidhan tahay waar wixii aad ku heshiiseen ha la ilaaliyo.”

Komishanka Doorashooyinka Qaranku waa hay’adda dalka u qaabilsan doorashooyinka, soona xuleen Madaxweynaha, hay’adaha Qaranka iyo xisbiyada Qaranku, isla markaana uu ansixiyey Golaha Baarlamanku, sidoo kalena ummaddu ku wada raali tahay, xisbiyadii ay u garnaqayeenna ku faraxsanyihiin.

Haddaba, markaad digniinta u jeedinayso hay’adda noocaas ah adigu, waa maxay awoodda aad sheeganayso ee keligaa aad dheertahay shacab iyo dawlad Somaliland? Ma hoggaamiye-kooxeed baad tahay mise awood kaloo aan lagula ogayn baad haysataa? Bal ummadda u sheeg.

Haddaba, su’aasha iswaydiinta muddan waxay tahay xaggee ayuu Aadan Siiro ka keenay awoodda intaa le’eg ee uu ugu hanjabayo hay’adaha Qaranka iyo dawladda?

Yusuf Maxamed(Cadduur)

Hargeysa, Somaliland

Maqaalkan waxaa lagu soo daabacay Gabileynewsonline.com. September 20, 2016

Please follow and like us:
Whatsapp
Shares