Silanyo oo la dardaarmay musharixiinta xafiiska madaxweynaha

Hargeysa-Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa xalay kulan casho sharaf ah isugu yeedhay saddexda murahax madaxweyne ee xisbiyada tartamaya, guddoomiyaha maxkamadda sare, guddoomiyaha golaha guurtida, guddiga doorashada iyo taliyayaasha ciidamada kala duwan ee dalka.

Madaxweyne Siilaanyo oo halkaas hadal uu ka akhriyay warqad ka jeediyay, wuxuu murashixinta tartamaya u soo jeediyay inay u tartamaan si nadiif ah oo aan dalka iyo shacabka dhibaato u gaysanayn, waxaanu u soo jeediyay inay aqbalaan natiijada doorashada.

Guddiga doorashada ayuu madaxweynuhu kula dardaarmay dedaal, dulqaad iyo daacadnimo, waxaanu uga digay gar-weecsan, guddoon jilicsan oo uu ku tilmaamay geerida guddi dhexdhexaad ah.

Sidoo kale ugu dambayn wuxuu madaxweyne Siilaanyo farriin u diray taliyayaasha ciidamada oo uu  u soo jeediyay inay si buuxda ula shaqeeyaan guddiga doorashada, isagoo faray inay gacan buuxda ku qabtaan ciddii dhibaato wada, waxaanu cadeeyay inay ciidamada qaranka ka reebantahay inay ku dhex milmaan siyaasadda iyo xisbiyada tartamaya.

Geeska Afrika

Please follow and like us:
Whatsapp
Shares