Somaliland waa inay qaadacdaa BBC-laanta af Soomaaliga

Labadan idaacadood(BBC iyo VOA laanta af Somaliga) waxay caadaysteen la dagaalanka Somaliland.Waxay noqdeen goobo laga faafiyo wararka lidiga  ku ah danta iyo horumarka Somaliland. Waxay muujiyeen cadwotinimo wayn, waxay raadiyaan xaalad kasto oo Somaliland ku duraan, iska daaye xataa waxay sameeyaan propaganda ama dacaayado been ah oo ay qaranimadeena meel uga dhacayaan.

Dawladdeenu way u fududaysay sidii dalka looga dhegaysan lahaa oo waxay ka soo galaan FM-ta magaalooyinka Somaliland. Waxay soo galaan maalin walba 5 jeer iyo wax ka badan.

Somaaliya way buunbuuniyaan oo cirka ayay geeyaan.Somaliland horumarkeeda way iska indha tiraan. Haddii Somaliland wax yar oo khilaafi yimaado ama meel dhib yari ka dhacdo way waawayneeyaan. Waxay Somaliland ka waraystaan dadka neceb ee cadowga u ah, oo xaqiiqda si kale u turjumaya. Waxay neceb yihiin oo ay ka dhintaan wanaaggeena. Waxa arrin foolxun ahayd oo ka baxsan anshaxa saxaafadeed

Tusaale ahaan, doodii  ay jimcihii dhowayd telefoonka kula doodsiinayeen wasiirka madaxtooyada Somaliland, Maxamud Xaashi, iyo niman ay soo xusheen oo ku caan baxay Somaliland nacaybka oo uu ka mid ahaa professor ku-Sheega,  Cabdi Ismaaciil Samatar, oo ah nin cuqdad  iyo caadifad ka muqato, inkaar hooyo ku dhacday oo aan habeen iyo maalin seexan xasadka iyo nacaybka uu u hayo Somaliland awgeed.

Dawladda Somaliland waxaa waajib ku ah inay FM-ta ka saarto labadan Idaacadood ee Xamar u adeegaya. oo lagu beddelo labadan idaacadood qaybtooda af-ingriiska sida BBC 24 iyo VOA oo ingiriisi ah. Si aan labada waddan ee idaacadahan lihi culays innoo saarin. Madaxda dawladdu waa inay diidaan inay waraysiyo siiyaan labadan idaacadood waa in cuno qabatayn lagu sameeyo. 25 sanadood ayay ku jireen dagaalka Somaliland, markaa waxa imika la gaadhay waqtigii la iska celin lahaa.

Soomaalida ayaa tidhaa doofaarkaba ficil la’aan ayaa loo cadaaba. Waxa ayaan darro ah nin gurigaaga ka hadlaya oo aad u suurogelisay inuu hadlo oo haddana adiga uun ku caayaya. Inaad sii dhegaysataa waa nacasnimo.

Midda kale waxaa loogu baaqayaa dadwaynaha Somalialand inay olole qaadaan laga hortgayo labadaan idaacadood. Waa in olole xagga  “social media” la sameeyaa iyadoo ujeedadu tahay in dawladdeena culays lagu saaro sidii FM-ta looga saari lahaa. Madaxda iyo tafatiraaysha webebka Somaliland waxaan ka codsanaynaa inay arrintan xil waddaninimo iska saaraan oo ay ku baraarujiyaan dawladda Soamliland.

Wa Billahi Tawfiiq

A.Amir Bidde Nuur

Hargeysa, Somaliland

 

Please follow and like us:
Whatsapp
Shares