Somaliland waxa haysta Hoggaan la’aan

Somaliland waxay maraysaa marxalad hubaal la’aan ah oo shacbigu aanu ku niyad samaan Karin. Duruufaha argagaxa leh ee abaartu wadato ka sakow, Somaliland waxa ka xumaaday madaxdii iyo hormoodkii bulshada ama waxaaba la odhan karaa Somaliland waxay u dhimanaysa hoggaan la’aan.

Dadku wuxuu ka soo dabaashay marxalado adag oo bilaw ah oo wax u dhisanba jirin, noloshuna suququl tahay laakiin sidaas oo ay tahay dadweynuhu waxay ku naaloonayeen farxad iyo rajo wanaagsan oo ay ka qabaan mustaqbalka; aadamuhuna sidiisaba wuxu u adkaysan karaa dhibbaatooyinka inta uu rajo ku nool yahay haseyeeshee qof dhintay kama duwana haddii ay rajadu ka xumaato, xataa haddii uu haysto hoy uu galo, h’u uu xidho iyo wax uu quuto.

Gabay nin carbeed tiriyay waxaa ka mid ahaa “Haddii aanu amal jiri lahayn, dadkaba murugo ayaa dili lahayd.” Haddaba maxaa rajo beelka ugu wacan dadkii iyo dalkii soo ifayay? Umaddu waxay ka kooban tahay madaxweynaha iyo xukumaddiisa, labada aqal ee sharci dejinta iyo xisbiyada Qaranka oo ah hormoodka dalka, kuwaas oo dadkooda u horseedi kara barwaaqo ama basanbaas. Bulshada inta kale waxay noqonayaan dadkii shacbiga ahaa ee loo talinayay.

Bal aynu eegno habdhaqanka iyo anshaxa qayb kasta oo ka mid ah madaxda iyo masuuliyiinta kor ku xusan. Madaxweynaha iyo xubin kasta oo dawladdiisa ka mid ah wuxuu mashquul ku yahay urursiga dhaqaalaha ugu badan ee uu heli karo muddada u hadhay iyo in ay sii daba goostaan xaabxaabka xoolihii umadda wixii ka sii hadhay, dan kama laha dhibbaatooyinka xannuunka badan ee bulshada haysata( In different). Waxay meel iskaga tiiriyeen masuuliyaddii iyo xilkii lagu aamminay.

Golaha wakiillada iyo Guurtida iyaga xaalkoodu wuxuu noqday inay xukumadda ka sugaan mooshin ama mashruuc lala degdegayo oo loo soo gudbiyo, si ay duuduub ugu ansixiyaan, iyaguna dheef uga helaan. Waxay u sii taaggan yihiin afaafka hore ee dayrka baarlamaanka oo ka soo horjeeda madaxtooyada. Waxa la kala qaadanayo looma qariyo iyaguna ma qarsadaan.

Xisbiyada: inkasta oo ay xisbiyadu door muhiim ah ku leeyihiin siyaasadda dalalka kale, kuwa Somaliland wax saamayn ah kuma laha geeddi socodka siyaasadda dalka. Mucaaradku ma dhaafo waxna uma dheera dhalliisha xukumadda, muxaafadkuna wuxuu u taaggan yahay in uu si indho la’aan ah uga difaaco dhalleecaynta xisbiyada mucaaradka ah. ololaha doorashada madaxtinimada oo hadaba socota, xisbiyada midkoodna ma abbaaro wax ka qabashada tabashada runta ah ee dadweynaha iyo waxay dhegahoodu doonayaan inay maqlaan, hase ahaatee waxay warbaahinta ka daawadaan ama ka dhegaystaan waxyaabo aan ka turjumayn noloshooda, sida soo bandhigida taageerayaal tiro badan oo ku soo biiray oo xisbi hebel ka soo digo rogtay iyo hadallo xajiin leh oo midba midka kale hawada u mariyo iyo waliba kooxo la isku kiraysto oo TV-yada ka ceebeeya madaxda kuwa kale.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa hubaal ah in xisbiyadii qaranka lagu hungoobay. Bulsho weyntu qudhoodu si dadban bay door uga qaadan karaan majaraha siyaasadda dalka waa se haddii ay garanayaan sida madaxda wanaagsan loo cugto ama go’aannada siyaasadda lagu saleeyo rabitaanka iyo rayul caamka dadweynaha.

Hadaba haddii madaxdoodii khiyaamaysay, haddii madaxweynihii ay doorteen u dhagooleeyay, maxaa la gudboon bulshada la il-daran abaaraha, biyo la’aanta iyo sixir bararka? ‘Option’-ka kaliya ee u bannaani wuxuu noqonayaa inay dareenkooda ku muujiyaan ficillo salmi ah sida; shaqo joojin caam ah iyo wixii la mid ah.

Gabogabo: waxa wax lala yaabo ah siyaasiyiinta, aqoonyahanka, ganacsatada waaweyn iyo culimo-u-diinka intooda badan oo ah kuwa bulshada ugu ladan. Somaliland-nimada waxa uga lexejeclo badan oo ku dheggan dabaqadaha ugu hooseeye bulshada ee saboolnimadu ku baahday( qaadaa ma dhergaha ah)!!!

By Cabdiraxman Cadami

Hargeysa, Somaliland