Somalilandta Qarsoon !!

Waa danyar aad ka naxayso hoyga ay ka galaan dhaxanta iyo roobka iyo waliba qoraxda kulul ee dalka, waa qoys ka kooban Shan caruur ah iyo labadoodii waalid waxa ay ku soo koreen nolol maalina la qadeeyo maalinta la waayana aan laba tabin waayo waxa ay la qabsadeen gaajada .

Qoyska waxa u shaqeeya oo u kalahda hooyadood, waxa ay suuqa la fadhiisataa galaano laws ah iyo galaano hadhuudh ah , maalmaha qaar waxbaba cidi kama iibsato oo sidii ay ku kalahday ayey ku soo noqotaa , maalinta wax laga iibsadona Kama badna laba galaan ooqiimahoogu aanu ka badnayn 10,000/=.

Aabohood oo u shaqeyn jiray qoyskan oo dhismaha marba yoomka uu helo ka gali jirey waxa maalin uu ka soo dhacay guri uu dhisayey , waxaana uu naafo ka noqday qaybo ka mid ah laxaadkii uu ku shaqeysanayey, maalin maalin buu baxaa oo uu suuqa u yar dhaadhacaa .

Caruurta waxa waxbarasho ku jira sadexda waaweyn oo ah wiil iyo laba gabdhood waxa ay laba ku jiraan dugsiga sare , halka midina dugsiga dhexe sii dhamaynayso, labada yaryari waa ay gaadheen da’ ay wax ku bartaan laakiin waalidkood ma awoodo in uu waxbarasho ka bixiyo , gurigooga waxa ka agdhoow malcaamad quraan iyo madarasad weyn oo caan ah waxa lagu dhigtaa lacag qaaliya oo aanay danyartu hawaysan karin.

Sadexda caruur ah ee wax u barta maalinba meel buu aabahood lacagta iskuulka uga soo qaadaa hadiiba uu ka soo helo , maalmaha qaar waxa waxbarashadu ku dhaaftaa fasalada dibadooda iyada oo maamulka dugsigu qofkii aan lacagta bixin fasalka ka saaro oo ay ka maqnaadaan ilaa inta loo soo helayo lacagtii dugsiga lagaga bixin lahaa!!!

Qoyskani waxa hareerihiisa degan qoysas kale oo danyar ah oo qoyskani u noqonayo reer ladan , waxa ay haystaan ubad yaryar oo aan helin goobo caafimaad hadii ay xanuunsadaan , waxbarasho aan haysan , biyo aan haysan , huga ay xidhan yihiin inta uu hun dhaafay aanu jidhkoogaba qarinayn , waalidiinta dhashay ubadkani waa dad aan aad u waaweynayn laakiin danta iyo duruufuhu ka dhigeen dad gaboobay, oo xataa xoog ay wax ku qabsan karaan aanu ka muuqan.

Xaafada ay degan yihiin waa meel magaalada ka durugsan , ma yaqaanaan maamulka magaalada iyo ka qarankaba oo cidi meeshooda uguma tagto , laakiin waxa ay ii sheegeen in maalmihii doorashada xaafadooda ay xisbiyadu iman jireen oo ay balanqaadyo badan u qaadeen marka ay soo baxaan in ay wax u qaban doonaan oo baahiyaha aasaasiga ah ee nolosha laga kabi doono, ayaan daro cidi dib ugumay soo noqon.

Cariishyada iyo buulasha ay ku jiraan waa qaar u nugul roobka oo si dhibyar ayuu u qaadayaa, waa qaar aan dhaxan iyo cadceed midna ka celinayn, waa qaar hadii ay gubtaan lagu madhanayo oo aan cidina ogeyn , waxaana ay hurushoobi doonaan dad iyo duunyoba sidiixaafado badan oo danyarta dalka ahi dab ka kacay ugu madheen ,

Dadkani markoodii hore waxa ay deganaayeen magaalada dhexdeeda, waxaana dayrkiisa ku dhex noolaayeen dhisme dawladeed oo in badan qabyo ahaa oo ay buulal yaryar uga dhisnaayeen , sidii ay halkaasi ugu noolaayeen ayuun baa maalin ciidan iyo cagaf la dulkeenay waxaana la siiyey qadar daqiiqado ay alaabtooda kaga urursadaan buulashii ay deganaayeen , waxaana laga burburiyey hoygii ay daganaayeen oo lagu yidhi ka qaata meesha.

Maalmo ayey banaanka u hoydeen oo ay bacad yaal ahaayeen, waayo ma haystaan meel ay degaan, ma haystaan gaadiid ay ku guuraan , waxaana lagu wargaliyey in guriga ay deganaayeen kaamboolkiisa ay dawladu iibisay oo ay ka iibisay mid ka mid ah ganacsatada uguwaaweyn dalka oo uu isaguna dalbaday in dawladu dadka ka rarto si uu dhisto.

Waxa ay ahaayeen iyaguba muwaadiniin xaq u leh in ay dawladoodu siiso guryo ay dagaan maadaama ay yihiin dad danyar ah oo aan haysan taageero iyo dhaqaale midna , hase ahaatee may helin oo dawladoodu dadba uma aragto marka aad aragto sida loola dhaqmay iyo cidlada lagu soo daadiyey, kaaga darane halkaa ay degan yihiin maalinwalba dad baa ugu yimaada oo yidhaahda nooga guura .

Waxa jira Somaliland aan aheyn tan magacyada waaweyn leh ee muuqata ee qofka dhinta la yaqaano ee aynu wada tacsiyeyno, ka xanuunsada aynu u wada ducayno, ka la xidho aynu u wada doodno , iyaga hadii maalin ay xataa fursad u helaan in qof warbaahin ahi soobooqdo amaba wax ka duubo, badanka lagama yaaboba in la soo daayo barnaamijkaa laga duubay, amaba sikino kooban uu ka baxo Tvga , hadana codkoogu meelna ma gaadho .

Waxa dalka ku nool boqolaalkun oo sabool ah oo noloshaa aan ka soo waramay iyo mid ka sii hoosaysa ku nool oo ah muwaadiniintii dalkan lahaa ee dawladu u dhisnayd ee xaq u lahaa in iyaga mudnaanta la siiyo , maadaama aanay iska bixin karayn waxbarasho, dhakhtar gaar loo leeyahay in ay iska daweeyaan aan awoodin , biyo ay cabaan aan haysan , hoy ay galaan aan haysan ee ay adag tahay sida ay u nool yihiin.

Dadkan xataa waxa ka mid ah dadkeenii miyiga deganaa ee ay abaaruhu xoolihii ka madhiyeen oo magaalada soo galay si ay nolol u raadsadaan , waxa ay ahaayeen dad qani ah oo xoolo haysta oo aan cidna u baahneyn laakiin duruufaha ayaa ka dhigay dan yar diifi ka muuqato oo dadku indhaha ka laliyaan , maaha nolol ay doorteen ee wakhtigaa u doorey waxaana ay cashar u tahay iyo imtixaan lagu eegayo dadka inta iyaga dhaanta oo dhan.

Nolosha dhabta ah ee dalkeena ka jirtaa waa sadex qaybood inta aan u kuur galay ;
1- qaybi waa taa aan soo sheegay oo waa ta ugu hooseysa ee ugu itaalka daran leh , una baahan gurmad iyo taakuleyn iyo waliba daryeel dawladeed.

2- qaybta labaad waa ta ugu badan dadka oo waa dad xoogsada laakiin waxa ay ku nool yihiin aanu noloshooda wada daboolin , waxaana ay lacagtu kaga baxdaa , kiro guri , Nal , biyo, dhakhtar, waxbarasho iyo wax Yar oo ay afkooga u cunaan , iska daa wax u dhigma e iyaga iyo dayn lagu yeeshaa bilwalba, qaybtani waxa ka mid ah shaqaalaha dawlada, shaqaalaha ganacsiga dhexe iyo hoose, ciidamada iyo sida ay dadku u badan yihiin.

3- qaybta sadexaad oo ah inyar oo u badan ganacsato , iyo siyaasiyiin oo labadooduba xilalka ay haystaan iyo xoolaha ay haystaan ka helay dadka duruufahan aynu ka hadlayno ku nool, waxa soo raaca in kooban hay’adaha caalamiga ah u shaqeysa.

Hadii aan duruufaha nololeed ee dadka iyo dalka hoos loo eegin , iyada oo waliba maalinba maalinta ka dambaysa dadka noloshu ku sii adkaanayso, waxa iman doonta in dadku hal maalin isa soo taagaan oo dalka lagu kala awood bato oo uu dhaco kacdoon dadweyne ookhatartiisa lehi.

Muhamed Dhimbiil
Mohamed Abdi Jama
hormood@hotmail.com

Please follow and like us:
Whatsapp
Shares