Xadhiga wariye ku sheega, Coldoon, waxay tusaale u noqonaysaa dhuuni-qaatayaasha kale

Ninka isku magacaaba wariyaha, hase yeeshee aan ahayn, ee meelahaa la wareega kamarad u ku fadeexadaynayo dalkeenna iyo dadkeena danyarta ah ee lagu magacaabo Cabdimalik Coldoon, wuxuu isticmaalay dadka baahan ee dalkeenna ku nool, isagoo intuu Xamar tago yidhaa wasiir hebel oo dawladda Somalia ka tirsan ayaan lacag (dhowr boqol dollar) uga soo qaaday si aan ugu caawiyo reerka ama qofka dhibban ee deggen Burco.

Dadka badankoodu (siiba saxaafadda SL) may durraysanayn arrintan oo umay arkayn wax siyaasadi ka dambayso. Waxa arrintu cadaatay socdaaladisii faraha badnaa ee uu ku noqnoqonayay Xamar, uuna kaga jiray halkaa olole siyaasadeed oo lagu mijo xaabinayo qaddiyadda Somaliland.

Waxa ka muuqday saxaafadda beryahan dambe shakhsiyaad u Xamar sawirro kula galayo. Kuwaas oo ku caan baxay cadwtinimada Somaliland ay u hayaan. Bahdilaadda reer koonfureedku u gaystaan kuwa Xamar ugu taga ee Somaliland ka soo jeeda waxa ka mid ah inay soo dhowayn u sameeyaan kuwa ku caan baxay cadowtinamada ay u hayaan Somaliland, qaarkoodna qayb ka qaateen xusuuqii.

Maalin dhowayd wuxuu Xamar ku waraysanayay jeneraaladii Siyaad Barre ee xasuuqa gaystay mid ka mid ah. Isagoo muujinayay sida uu jeneraalkan uula dhacsan yahay iyo sida uu uga habadaysanayo. Waad u khajilaysaa haddaad daawato. Waa ayaan darro in halkaa hunguri u galay. Doqonka noocaas ah ee cadowga u naageeya haddana kama maarmo dalkeena, oo markuu woxoogaa soo busaaradaystaba wuu soo cararaa.

Markaa Coldoon iyo kuwa la midka ah xabsiga ha lagu guro ama ha laga mastaafuriyo dalkeena, illeen waa cadowe, sidaa ayaan ka dalbanaynaa xukuumadda. Waa inaan qabiil iyo qabyaalad ka baxnaa oo aynu u hiilinnaa dalkeena. Kii innaga baxa ee cadow la soo saftaa innaga mid maaha. Xukuumadda waxaan ku boorinaynaa xadhigga ninkan basaaska ah ee la xidhay, waa in ninkan tusaale u noqdaa dhuuni qaatayaasha kale.

Bal aan dhowro dawladdeenu inay adkaan iyo raganimo muujiso!!

Wa Billahi Towfiiq

A.Amir Bidde Nuur

Hargeysa, Somaliland

 

Please follow and like us:
Whatsapp
Shares