Xakamaynta Zaadka iyo E-Dahabku xal ma u yahay sicir bararka?

Ma helnay halkii dhaqaaluhu ka degay? Ama ka fidhiisan la’ yahay?

Waxa sida aynu wada ognshay dawladu u xil saartay gudi kasoo turxaan bixisa sicir bararkan wadanka hadheeyey, ee aan ugubka ahayn muddo dheerna soo jiitamaysey,hadana inuu kasii darro mooyee aan dawadiisii la helin!

Hadaba gudida loo saaray ma yihiin guddi aqoon dhaqaale soo baratay mase yihiin qaar khibrad u leh dhaqaalaha, kanasoo shaqeeyey oo dhibaatooyinkan hore uga shaqo galay?

Hadayse yihiin ma sameeyeen baadhitaan qotto dheer maadama arrintani tahay mid u baahan hab iyo hanaan adag oo looga baaraandago, masaladan culus?

Wakhti intee le’eg bay galiyeen masaladan ay xalkeeda shaaciyeen? Mabay fogayn xiligii madaxwaynuhu magacabay gudigan ee loo asteeyey baadhitaan inay ku sameeyaan sicirbararka! Shakhsiyan inkastoo aanan ahayn dhaqaaale yahan, waxay ilatahay inaanay gunta soo taaban ee ay akhriyeen buugaagtii hore ee qolyihii  dawladii hore qoreen ee aanay, xisaabtooda soo dhiraandhirin si ay ugu tagto tii hore ama uga duwanaato, waayo wakhti ay hawshaa fushaanba inagamay maqnayn, sheeko walibana dhinacyo badan ayay yeelataa marka la daba galo.

Hadaba xaddidida ZAAD iyo E-Dahab ka maxaa soo tuuray ee ay sidii qoladii dawladii hore  markiiba u shaaciyeen una raaceen formuladoodii hore!

Miyaanay taasu “Short Cut” uun ahayn!

Bank dawladeed oo awood leh maanta ma lihin. Shirkadahan uun baynu wadan ahaan leenahay leh a habkan lacagta talefoonka ku shuba, ahna meelaha dhaqaalaha dibadu inaga soo galo, marka laga yimaado xawaalaha yaryar ee kale.

Hadaba  intaynaan albaabo khalada garaacin, miyaanay haboonayn in laga  shaqeeyo iyadana tii bangiyadii Somaliland oo kalsoonidii ha loo soo cesho si dadku ugu dhiirado la macaamilka xaga sarifka iyo dhigashada lacagaha qalaad sida shirkadahan hada jira.

Baadhitaan qotto leh lasameeyo

Iyadoo lagala kaashanayo laamaha kala duwan ee bulashada, su’aalo badan iyo doodo badan oo ay u qabtaan bulshada aqoonta leh.

Wax baa uga iftiimi  lahaa.

Ujeedaday du maaha inaanay aqoon lahayn oo dee, iyagaaba loo igmaday hawshane.

Intaydii yarayd maanta se hadaan anigu ku darsado xadidida ZAAD iyo E-Dahab  ku xal maaha, waa arrin “premature” ah oo lagu degdegay halaga fiirsado, wadankani wuxuu mudaba soo daabacayey lacago badan oo Somaliland shillings ah, si aan cilmiyaysnayn ama aan idhaahdee Axmaqnimo leh loo soo daabacay, iyadoon laga fekerin,danta iyo dalka midna!

Suuqyaduun baana dollarka lagaga guran jiray. Taasi maanta cawaqib xumadeenii waynu aragnaa, waxa kale oo jirtay dawladii hore markay aragtay inaan waxay wadaa khatar teeda leedahay qalad, qalad ku sax ka bixi lahayd!

Hadaba tii yay maanta inagu dhicin halaga fekero! Sidii inta baadhis balaadhan oo qotto dheer la keenayo, loo heli lahaa “Temporary  Relief” ah kaas oo wadanku degdeg ugu baahan yahay maanta, walibana abaarina  laga qaylinayo.

Tusaale  hadii maceeshada daruuriga ah dawladu ka joojiso cashuurta dekeda Lagaga qaado si ummadu quutal daruurigu ugu jabo.

Ganacsatadana ay kala xisaabtanto dawladu oo wixii laga dhimay ay ummada u jabiyaan,dadku wax bay u lahayd waxii soo galaa.

Guddida iyo wasaarada maaliyada ama hay’adaha cashuuraha qaada ayaa u baahan inay dakhliga wadanka cashuurtu ku soo gasho habeeyaan oo dib laysula eego.

In cashuurta laga qaado shirkadaha waawayn oo dib loo eego sida kuwa Isgaadhsiinta, Xawaaladaha, Qalabka Dhismaha, kuwa wax dhisa, Hotel lada, Restaurant nada Baabuurta  aan ahayn Basaska iyo Booyadaha iyana lagu kordhiyo cashuurta, iyo kuwo kale oo badan oo u baahan in cashuur fiican lagu ladho,sida Qaadkiiba loogu kordhiyey cashuurtii tani waa kharash dawlada u soo hoyatay, laguna kabi karo waxyaabo badan oo asaadiya.

Dawladuhuna Cashuurta ay qaadan uunbay dadka iyo dalkaba wax ugu qabtaan e. Balance kaa lumayna lagu saxi, bay ila tahay, kuna dabooli kartaa lacagtii suuqa lagu soo qayay ee value geedii lumay.

Tani waa inyar tusaale ah waana fikir  shakhsi.

Aqoontii dhaqaale ee loo baahnaa dadkeenay dhex taale haladoono gude iyo dibadba xalkuna wada tashiguu ku jiraa.

Wa Billahi Tawfiiq

By Yasmin Omar Hadrawi