“Xisbiyada waa iney ilaaliyaan xasiloonida,” Wasiirka Amniga Somaliland

Hargeysa-Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland Prof:Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa ka Xisbiyada Qaranka ugu baaqay inay ilaaliyaan sharciga, oo ay ka feejignadaan wax kasta oo xasiloonida iyo nabadgalyada dalka wax yeelaya, waxaanu sheegay in aanay hadda kadib u dulqaadan doonin cid kasta oo sharciga ku xad-gudubta xilli Doorashadii Madaxtooyadu fooda inagu soo hayso.

Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland Prof:Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale Dawladda Itoobiya ka codsaday inay sharciga mariyaan dadkii dhibaatada ka geystay Magaalada Hawaday, waxaanu ugu horeyn yidhi isagoo ka hadlaya Xisbiyada “Dadkii kaadhadhkii wey qaateen, Doorashadii muddada dheer la naawilaayey, ee la isku sii diyaarinaayey, wakhtigeedii waa la jooga, muddada ka hadhay waa in xasiloonida iyo nabadgalyada la dhawro, waana in laga feejignaada in wax dhibaatooyin ahi  dhacaan, waxa jira meelo dhibaatooyin yar yari ka dhaceen, sida magaalada Dila oo rabashad yari ka dhacday, oo dad ku dhinteen, waana wax aan loo baahnayn in rabashado iyo wax la mid ahi dhacaan, Xisbiyada waxaan ugu baaqayaa inay xasiloonida dhawraan, falalka keenaya isku dhaca waa in laga feejignaada, anaguna dawlad ahaan, Wasaarad ahaan, iyo intayada ku shuqul leh amniga hadda kadib uma dulqaadan doono wixii ku xad gudbaya Xasiloonida, Xisbiyaduna sharciga ha ilaaliyaan”.

Mar uu baaq u diraayey Dawladda Itoobiya ayaa yidhi “Dadka reer Somaliland waxaan ugu baaqayaa wixii dhacay iyo dhibaatadii soo gaadhay dadkooda waanu ka xunahay, waana uga tacsiyadeeynayaa, markaas dhibtaasi wey dhacday, waana laga wada hadli doonaa, Dawladdaha Somaliland iyo Itoobiya ayaa ka wada hadli doona, Dawladda Itoobiya ayaana laga sugayaa inay ka jawaabto, sidaas darteed dadka reer Somaliland waxaan ugu baaqayaa in la is xakameeyo, oo la dulqaado, oo dadka kale ee dalkeena ku nool in la ixtiraamo oo la ilaaliyo, Dawladda Itoobiyana waxaanu ka codsanaynaa dadkii dhibtaas geystay, in la mariyo wixii ay istaahilaan, dadka masaakiinta ah ee inaga martida inoo ah ee awalba joogay, waa in aan wax dhibaato ah loo geysan”.

Geeska Afrika

Please follow and like us:
Whatsapp
Shares