Xusuus qor, sidii ayuu ahaa jawiga Hargeysa,May 27-31keedii,1988

Hargeysa—Waxan ku noolaa Magaalada Hargeisa,xaafadda Qurac dheer waxan dhigan jiray Skuulka maxamuud Axmed Cali fasalka koowaad ee dugsiga sare,waayo adag ayay ku jireen dadka shacabka ah ee magaalada hargeisa ku nooli oo Gumaysi,dill,dhac iyo boob hanjabaad iyo hadidaad joogto ah ayaa  wehel ahayd,

Inta badan bandoo iyo xaalad military waxay ahayd ma huraan,maaddama jabhaddii SNM ay weeraro iyo howlgaloo ay ka fulin jireen Gobolada woqooyiga oo dhan,waxase arrinta sii kiciyay markii suuqa hargeisa lagu dhex dilay habeenimo 12;00 pm dec/1986kii G/sare Axmed Aadan Cabdi iyo sarakil la socotay, oo ahaa taliyaha Sirdoonka ee Dowladdii Siyaad barre u qaabilsanaa gobollada Woqooyi (Somalilnd).

Ka dib markii heshiis dhex maray labada Dowladood Ethiopia iyo Somalia 1987kii muddo dhowr bilood ah ayaan SNM laga maqal wax shanqadh ah,qiyaastii waa intay wadeen Diyaar garowga, Jimce 27 may subaxnimadii ayaanu aragnay dadka oo si hoose isu waraysanaya,iyagoo leh Burco SNM ayaa qabsatay dagaalkuna wuu socdaa isla markaa waxa la laayay saraakiil badan,oo uu ka mid yahay Taliyihii ciidanka Gaaska 3aad,colonel (Cadceed) iyo Taliyihii Bilayska Kabtan Faalsoiyo saraakiil badan,dadka qaarkood si ay warka u soo gaabiyaan waxay odhanayeen Burco roob ayaa ka da’ay iyagoo ka muquuranaya sheekada maadaana ay halis badnayd,waxa kaloo la sheegay in dadkii shicibka ahaa markiiba la safteen SNM.

Isla duhurkii gaadhigii idacadda ee warka tebin jiray SBC ayaa soo maray wadooyinka waxanu ku bixiyay ogaysiis magaalada Hargeisa waa Bandoo 100% gaadhi dhaqaaqi karaa ma jiro,qofka la arko isagoo dibad taagan 4:00pm isagaa yaqaanna,sidaas ayaa gurayaha lagu galay oo reer kastaaba hoosta ka xidhay albaabkiisa haddii la soo baxona daaradda lama dhaafaynin.

Hase ahaatee dadku waa dad bahdilmay,muddo dheer bandoo ayaa lagu  jiray kolka horeba mar waxay ahayd 6:00pm, marna 8:00 habeninmo marna 10:00 habenimo sidas darted iyadoo dagaal bilabmay wax qariib ah mabay ahayn,ee waa la iska garanayaa in Bandoo iyo wax ka daranba imanayaan.

Hase ahaatee taas la soo dhaaf waxa ay ciidankii Taliska Siyaad barre bilaabeen inay guryaha soo galaan oo kolba qof la baxaan warka aanu maqlaynay wuxu ahaa hebel waa lala baxay keliya bes markaas ayaa cid ugu danbaysa,intta aan garanayo walina aanan illaawin ee maalmahas lala baxay isla markana la dilay ee aanu jaarka ahayn waxa ka mid ahaa;-

1-Maxamed Xaaji Aadan(Timo xume) ganacsade jaadle

2-Maxamed Guri dhige (Maxamed bilig) oo aanu jaar ahayn inabtigayna ahaa waxa la raaciyay laba nin oo kale oo ay saxiib ahaayeen sadexduba askar ayay ahaayeen lkn waxa lagu qaaday iska roga cas oo ahayd baauurtii shicibka laga qaaday waxa loo beegsaday Isaaq ahaan sidii ayay ku maqanyihiin.

3-Fahmi cabdi ciise waa la dilay wuxu ahaa arday aanu isku iskuul ahayn,isaga iyo dhowr dhalinyaro ah oo kale,waxana lagu dilay Skuulka Guryosamo agtiisa iyagoo maqaaxi yar hor fadhiya

4-(Cago) oo ahaa nin kubadda aad ugu fiican hooyadii oo xanunsanaysa ayuu is yidhi kexee OO meelahaas ula qax waxa lagu dilay Masalaha Hargeisa.

4-Sadex nin oo Bacadle ahaa waxa loogu galay gurigooda iyagoo dhegeysanaya BBC London guriga ayaa lagu dhex dilay lkn sadexdaa nin magacdooda ma hayo.

5-Askari kale oo ka tirsanana Ciidanka Guulwadeyaasha waxa la odhan jiray Xabashi isaga waa la dilay,gurigiisa dabadiisa,oo ahayd xaafadda loo yaqaan Jameecada waxana lagu aasay gurigiisa dabadiisa uun si qarsoodiya waliba.

Intaasi waa inta aan hubo ee jaarkayga uun ahayd magaalada kale hadalkeeda daa,waxanay ahayd siyaasadda xukuumadda Siyad barre in ay ku fikiraan kolley hadhow ayay SNM ku biirayaan dadkani ee hadda sii laaya,waa siyaasadda loo yaqaan (Scorched-earth policy) oo macneheedu yahay wax kasta oo cadowga kaa soo horjeedaa  hadhow muhiim u noqon karaba sii dumi sida qalcadaha,ceelasha biyaha,bakhaarrda raashinka,dadka shicibka ah waana marka uu talisku quus yahay ee uu is leeyahay xukunka waa lagaa tuurayaa ama meesha waa lagaa qabsanayaa,waxa badanaa siyaasaddan isticmaala xukuumadaha keli taliska ah.

Aniga iyo nin aanu saaxib ahayn Waxanu u soo baxnay suuqa dhexe ee Hargeisa,bal inaanu war hello,hase ahaattee dariiqyadu waa ceeryoon dadku way lugaynayaan oo gaadhi ma jiro,qof qof la hadlayaa ma jiro,keliya bakhaarada ayaa raashin laga iibsanayaa qof kaaryoone ku qaatta iyo qof tunka u rittaba.

Dadku may saadaalin karayn waxa dhacaya barri,iyo meel la tagi doono hase ahaatee waxa la hubaa inuu dagaal dhacayo caawa ama barri.sidaas oo ay tahay dadku haddana waxay raagsanayaan dagaalka oo waxay jecelyihin in Hargeisa imika olosho! Sababtu waa maxay dadku ma kala jecla geerida iyo nolosha oo waa umad la dhibay oo dullowday oo maalin kasta sida xoolha inta guriga laga saaro aad maqlayso waa la dilay.

Habeenkii salaasadu soo gelaysay 31 may dadku guryaha ayay hoosta ka xidheen waxa la akhrisanaay Quraan Aaayatul kursiga iyo Yasiinka,mararka qaarkood ayay dadka jaarka ahi si dhuumasho ah isugu tagayeen bal in war la helo inuu dagaalku caawa yahay iyo in kale

Habenkaas xukuumadda Siyaad barre baabuurta iyo guuxu muu joogsanin mar keliya,waxay baabuurtu ka soo baxayeen xeryaha Bariga Hargeisa ku yaalla iyagoo nooc kasta oo madaafiic ah jiidaya,qaarkood qoryo waaweyn ayaa saran,qaarkoodna Ciidan,waxay ku sii qul qulayeen dhinaca galbeed ee fooga (Gaanni) loo yaqaannay, imikana ah Taliska Guud ee Ciidanka Qaranka,qiyastii 2:30 kii ayay rasaastu ka bilaabantay Fooqqa Talkiska guud ee Ciidanka Qaranka garriirkaa is qabsaday,dhulkuna wuu nala ruxmay  dibadda ayaa loo soo wada baxay ku yeh ha beenaan! hoosta ayaa laga wada farxay,waxana la yaqiinsaday in maanta geeri iyo nolol loo kala bixi doono dadka qaar ayaa guryaha dhakada uga baxay iyagoo daawanaya iftiinka rasaasta is waydaaranaysa,muddo saacad ah ka dib ayay haddana ka bilaabantay xerada birjeex,mar kasta oo rasaastu soo dhowaato dadku way farxayeen haddii dhowr daqiiqo rasaastu joogsato dadka way murugoonayeen.

Markii waagu soo iftiimay ayaanu durba aragnay Firxadkii askarta oo rasaasta dhulka ku qubaya,malaha iyagoo iska dhigaya inay rideen rasaastii xalay loo qaybiyay,waxay ka soo yaacayeen xagga Taliska guud iyo birjeex oo markiiba SNM gacanta ku dhigtay, waxayna noo dhaafayeen oo u sii yaacayeen xaggaa iyo xeryaha magaalada barigeeda ku yaalla sida Warshadda Kabista,24aad,11aad iyo dabada cadaadda.

Markii cad ceedu soo baxday rasaastu maagalada dhinaca galbeed illaa idaacadda oo dhan way ku fidday,12;30maalinnimo ayuu Qiiq samada isku shareeray xagga iyoidaacadda dabadeeda,waxanu ogaanany ama dadkii halkaas ka soo baxsaday noo sheegeen inuu yahay kaare dagaalamayay oo Ciidanka SNM ku gubeen idaacadda xageeda woqooyi.

Wixii intaas ka danbeeyay taladu faraha way ka baxday dadkuna way asqoobeen oo qaarbaa dhinaca dagaalku ka socdo u sii qaxaya,qaarkoodna way ka soo qaxayaan,marar badan ayaanu isku tijaabinnay inaanu magaalada ka qaxno hase ahaatee nasiib darro Ciidanka Xukuumadda Somalia ayaa dadka shicibka ah ee qaxaya qab qabanaysa oo laynaysa,waxa nabadgelya dhinaca SNM ka joogto magaalada cidda nasiibkeedu siiyo oo iyaga madfac dusha kaga yimaadda ama diyaarad mooyee sida kale xor ayay u ahaayeen.

Annaga Qoyskayaga Hooyo ayaa wixii aanu lacag iyo dahab haysannay inta ay Tayuub ku duuduubtay ayay ku aastay daaradda aqalka hortiisa oo dibadda ah,sidaas ayaanu ku baxnay waxa noo suurto gashay inaanu ka dhex baxno laba xero oo madaafiicda laga ridayo dhexdooda warshadda kabista iyo 24aad dhexdooda,waxanu qabsannay waddo ay dameeraha caanaha keenaa ka soo galaan Hargeisa oo Eriboodhka bari ka marta,meesha loo yaqaan isha duurka oo Xaafadda Maxamed mooge ku toosan ayaanu ka boodnay.markaanu miyiga galnay ee aanu hubsannay inaanu ka fogaannay Ciidankii Somalia ayaanu biyo cabnay oo aanu yar fadhiisannay. Sidaas ayaanu ku gaadhnay miyiga iyo meelihii dadku u qaxeen.

Waxa farxad noogu horraysay oo nabad gelyo dareennay markaanu xuduudda kula kulannay Ciidamo SNM ah oo xagga Hargeisa u soo socda oo watta afar gadhi oo Xamuul ah iyo hal beebee,waxanu dareennay inaanu haatan ka soo gudubnay Ciidankii dooxatada ahaa ee Siyaad barre,waxase afaaef ah dadka qaar ayaa khalad u fahma in taariikh laga sheekeeyo,lakn waxa dhacay oo Runa ayay ahayd,looma nisbayn karo xukuumadda siyaad barre Qabiil,ee waxay ahayd Nidaam ama System kali-talisnimo oo Afrika oo dhan ka jiray wixii ka dnbeeyay xornimadii 1960 kii oo dowlado badan oo Afrika ahi xoroobeen,waxa dalalkaas Afrika ee xornimad qaattay gacanta ku dhigay niman kali talis u badan.

Ilaahow Somaliland dhowr 

Rashiid Odowaa

khadarsalaan@gmail.com

error