Yasmin Hadraawi:Somaliland waa Hibo & Haybad Eebe ina siiyey

Yasmin Omar Hadrawi
Marka hore Illahay baa Mahad leh, nabada uu ina siiyey xili mandaqada aynu ku nool nahay gubanayso barakac joogta ah iyo dhiigjoogta ahina baraysteen, ayaynu nabad ku fadhinaa,oo doorasho ku galnay.
Fiicnaan dheeraada ooynu la nimi maaha ee  waa Hibo iyo  Haybad Eebe ina Siiyey oo inoo qadaray,inana aynu ugu shukrino mar walba. Waxaa hambalyo mudan madaxdii ama musharaxiintii wadankan muraayadiisa ahaa ee sumcad iyo qadarin badan inoo soo hooyey, musharaxii Kulmiye hadana madaxwaynaha loo doortay Muuse Biixi,musharaxii Wadani Cabdiraxmaan Cirro iyo musharaxii Ucid Faysal Ali.
Sidii aynu filaynayba mid uun baa soo bixi lahaa, soona bax Illahayna xilkaa ha ku guuleeyo.
Waxa xusid mudan In maanta dadkii iyo dalkuba uu ku jiro xaalad xasaasiya oo u baahan in hoos loo eego, lagana fekero sidii dhabahii qarran nimo loogu soo celin lahaa, sharciguna u shaqayn lahaa.
Xisbiyadii tartamay kolay inkastoo aanu hadafkoodu ahayn in ay dad gaara maamulaan, qarankeenana dumis iyo burbur u horseedaan hadana,abaabulkoodii iyo cartankoodii ayaa sababay in dadbadani ku kala qaybsameen,hase yeeshee waxa lagama maarmaan ah in sidii ay ahaan jirtay lays cafiyo oo laysu noqdo.
Maanta shaqoda u wayni waxay u taal madaxwaynaha cusub,mundane Muuse Biixi Abdi  oo looga fadhiyaa,Indhaheena iyo kuwa caalamkuna dhawrayaan, sidii uu dal iyo dad caafimaad qaba u wada maamulilahaa.
Illahay na uga baryeynaa inuu la qabto.
Dadka reer Somaliland masuuliyad baa iyagana ka saaran inay la yimaadaan qadarin iyo kala dambayn muujiyaana lexejeclada ay u qabaan Jamuuriyadan Barakaysan.
Xisbiyadii hadhay gaar ahaan madaxda  iyo taageerayaasha xisbiga wadani waxaan leeyagay guul waad soo hoyseen mar hadii wadanka min saylac ilaa sanaag cududiina taageero ka muuqatay cod baaxad lehna aad ka hesheen, taasina ka turjumayso In xisbigii ugu da’da yaraa ugu taageero batay, waa marka laga eego meelo badane.
Guul weeye, hadana idinkoo tabasho  qabay hadana ,u tudheen ummadiina una hambalyayseen madaxwaynaha cusub, waa tusaale wacan, runtiina erayadii uu gudoomiyahu Mudane Cabdirahman Cirro ku soo jeediyay khudbadiisii waxay ahayd mid dadwaynuhu ku diirsadeen,Lagana filayey. Waxaan leeyahay llahayna ha ku sharfo, lexejeclo waataa.
Ma rabo inaan ku dheeraado qoraalkaygan maanta, waxaan se jeclaystay inaan dhawr eray u gudbiyo iyagana dhalinyarada reer Somaliland gudo iyo dibadba: Yaan cadaw idinka faa’iidaysan dalkan cid idiinka mudani ma jirto cududii iyo mustaqbalkiisii waa idinka, tabashadiina waa inaydun dhabada saxa ah wax ku heshaan, xumaan iyo colaad iyo dhiig qubta midna wanaag maleh, hooyuunbaa ku goblami curadna wuu ku god gali, bisinka aynu u qabano oo xasiloonida ilaashano.
Odaydhaqameedka iyagana waxaan leeyahay intiina nabada ka talisa Allaha ka abaalmariyo wadanku mar walba caafimaad kiisu nabad buu ku salaysan yahaye, wixii fitno wadana Allahaynaga qabto.
“Somaliland midaysan ayay guushuna ku jirtaa.”
Please follow and like us:
Whatsapp
Shares