Wakiilo ka socday UN iyo EU oo eegaya khasaarihii dabka suuqa Waaheen

Hargeysa – Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub oo ka jawaabaya baaq ku aaddan masiibada Suuqa Waaheen, ayaa wefti culus oo ka kooban khubaro iyo saraakiil sar-sare u soo diray magaalada Hargeysa.

Khubaradan oo ka soo degay garoonka diyaaradaha ee Hargeysa, waxa ay qiimeyn ku samayn doonaan baaxadda khasaaraha ka dhashay dab xooggan oo baabiiyey Suuqa ugu weyn Somaliland ee Waaheen oo ku yaalla badhtamaha caasimadda.

Ujeeddada socdaalka ay saraakiishani ku soo gaadhaan Hargeysa, ayaa ah sidii Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub uga qayb-qaadan lahaayeen dib-u-dhiska Suuqa oo gebi ahaanba burburay islamarkaana ay ku hanti-waayeen ganacsato kala duwan oo tiradooda lagu qiyaasay Ilaa Shan Kun, sida lagu sheegay warbixin hor-dhac oo ay soo saareen guddiga heer-qaran ee taakuleynta Masiibada Suuqa Waaheen. Waxaanay sheegeen in beesha caalamku ay diyaarinayaan qorshaha xiligan ee gurmadka suuqa gubtay, iyagooa uga tacsiyadeeyay bulshadii ku hanti waayay dabkaasi iyo burburkii ka soo gaadhay.

Xubnahan kala duwan ee ka socday beesha caalamka, ayaa kadib markii ay soo kormeereen suuqa gubtay ee Waaheen waxay warbaahinta uga warbixiyeen wixii ay ku soo arkeen

“Waxaanu halkan ku soo aragnay waa burbur baaxad leh. Waxaanu murugadda la dareemaynaa dadweynaha reer Somaliland ee hantidoodiiba ku waayay halkan” sidaasi waxa yidhi wakiilka UK ee xafiiska Hargaysa.

Weftigan beesha caalamka ayaa socdaalkooda u jeedadiisa ku tilmaamay sidii ay murugadda ula qaybsan lahaayeen dawladda shacabka Somaliland dhibaatadda ka soo gaadhay suuqan Waaheen.

“Anagoo isku dhan oo beeshii caalamka ah, waxaan halkan u joognaa in aanu murugadda la wadaagno dawladda iyo shacabka Somaliland dhibaatadda ka soo gaadhay suuqan Waaheen.

Waxaa na loo sheegay inuu yahay suuqa labaad ee ugu weyn dalkan, waxa kaloo uu yahay kan afraad ee ugu weyn geeska Afrika. Waa burbur baaxad leh ee ku soo beegmay xilli ay abaari dalkan ka jirto, oo biyuhuna ay yar yihiin. Dabku waxa uu baabiiyay dhul aad u ballaadhan, waxa kaloo nalo sheegay inuu saameeyay nolosha in ka badan 30,000 oo qof oo suuqan si toos ah uga shaqaysan jiray, oo ay ku sii tiirsanaayeen kumanaan kale”ayay tidhi masuul u hadashay masuuliyiinta ka socday qaramadda midoobay.

Iyadoo hadalka sii wadatayna waxa ay tidhi “Waxaanu halkan ku soo aragnay waa burbur baaxad leh, anagoo kaashanayna dawladda Somaliland guddiga gurmadka wax ka qabashadda soo celinta suuqii gubtay ee Waaheen, waxaanu caawimadayadda kaga qaybq aadan doonaa…”.

Hargeisa Press

Please follow and like us:
Whatsapp
Shares