Maxkamada sare ee Somaliland oo go’aamisay in musharaxa madaxweynaha 2017 ee xisbiga UCID ay shirweyne ku doortaan.
Musharaxa Madaxweynayaha 2017 ee xisbiga cadaalada iyo daryeelka(UCID) muddo dhawr sano ah waxaa isku haystay hogaamiyaha xisbiga UCID, Engr. Faysal Ali iyo Jamal Ali Xuseen, oo hore u ahaan jiray maareeye Citibank. Garabka taagersan Jamal Xuseen waxa ay leeyihiin, xisbiga shir gaar ah uu qabsaday , 2012, ayaa waxay ku doorteen Jamal Xuseen inuu noqdo musharaxa madaxweynaha 2017 ee xisbiga. Laakiin, Faysal Ali iyo garabka taabacsan waxa ay leeyihiin, xisbiga shirweyne uu ku soo doortay Jamal ma aysan dhicin. Qofka musharaxa 2017 noqonayana waa in lagu soo doortaa shirwyenaha xisbiga (Party Convention) oo loo dhan yahay.
Faysal Ali dacwad rafcaan ah ayuu Maxkamada Sare ka codsaday inay dhagaysato khilaafka mudada dheer soo jiitimayey ee xisbiga.
Ka dib markay dhagaysatay doodihii labada garab ee xisbiga UCID, Maxkamada sare ee Somaliland waxay go’aamisay in musharaxa madaxweynaha 2017 ee xisbiga UCID ay shirweyne ku doortaan. Maxkamadu waxay kaloo ay go’aankeeda raacisay, habka uu shirkaas u dhacayo xisbiga ayey u taal.
Guban Media Newsdesk