Sharaxaad: Khiyaamada”Scam” lagula wareegayo Banka Wajaale

Reer Gabiley dhibaato ayaa haysata. Maamulada. JSL mar walba qolooyin tuugo, dalaaliin ah ayey siiyaan ruqsado ay ugu magacaabaan maalgeshi lagu hormarinayo Banka Wajaale: September 2020, maamulkii Muuse Biixi waxa uu ruqsad siiyey dalaal waday koox Chinese oo doonaysid inay ku abuuraan Banka “Castro Oil” iyadoo lala tashan Reer Wajaale.ka dib markay, dadweynihii ay ka dhiidhiyeen ay dawladu joojisay barnaamijkaas.
Maanta waxa soo baxay qolo NGO laga soo abaabulay Nairobi, Pharo Foundation, oo shaqo ka dhigta wadamada dhibaatooyinka ay ka taagan yihiin sida Somalia, Somaliland, Ethiopia iyo Sudan. Waxay leeyihiin waxaan wadnaa maal gelin lagu hormarinayo Banka Wajaale oo gaaraysa $21 million.
Waa koox Nairobi fathiya kuna shaqaysta shaqaale Afrikaan ah, gunno yar siiya. Ulajadeedu waxay weeye wadamada aysan helin maamul iyo dawlad wax ka qabato baahida dadka Saboolka: Biyo, Caafimaad, iyo waxbarasho. Waxay ka soo qaataan lacag “Grant” ah wadamada hodanka ah. Intii aan dhashay iyo Ilaa hada Afrika baahi bay ku jirtaa iyadoo waxaas oo kheyraad leh.
Pharo Foundation ma aha shirkad maalgashi. Waa NGO laga soo abaabulay Nairobi. Dhaqaale, aqoon ay ku fuliyaan mashruucan ma hayaan! Waa khiyaano la doonayo in dhulka reer Gabiley in lagula wareego.
Banka Wajaale waxa uu yahay ban ay reer Gabiley ay ku beertaan caws , beero , xoolohahodana ay ku dhaqdaan. 1970, Dawladii Keligii taliyihii Siad Barre ayaa xoog ugala wareegay dadkii degaanka ahaa Banka Wajaale. Ka dibna, keentay Kooxo Soviet Union ka socday oo u ku abuuray Qamadiga. Markii xidhiidhkii Somalila iyo Soviet Union ay xumadaadeen mashruuca halkaas ayuu ku fashilmay.Ka dibna markii Somaliand dib loo xoreeyey, reer Wajaale waxay dhulka si ku meel ugu wareejiyeen maamulkii Cigaal Ilaa iyo inta laga xalinayo khalad duleed ee waagaas tagnaa. Ilaa iyo hadda ciidankii weli bankii Wajaale ayey joogaan bahdil ay ka wadaan. Tusaale ahaan, dadka xoolo dhaqata ayey ka iibiyaan xaalufka ka baxa Banka.
Maalin dhawayd waxaa saxaafada ka hadlay Mujaahid Adam Ruush isagoo u ahaa afhayeenka qolada doonaysa inay la wareegto Banka Wajaale. Mujaahid Adam Ruush Waad ku mahadsantahy qaybtii aad ka qaadatay halgankii dib- u-xoreyntii Somaliland. Laakiin, arrinta maalgashi ku sheega Banka Wajaale waad ku khaldan tahay.
1997, Adam Ruush iyo odayasshii jilicsanaa ee ku taliyey in Banka Wajaale ciidan la dul digo ayaa ka dambeeyey dhibaatada iyo bahdilka maanta haysata Jibril Abokor. Maanta, cid adiga iyo odayaasha laalush qaatayaasha talo idin weydiinaysaa ma jirto.
Maadaama laga heshiiyey khilaafkii Banka Wajaale waxa mudan in reer Wajaale loo celiyo dhulkooda. Oo ay dawlada Somaliland faraha kala baxdo Banka Wajaale. Siday u hormarin lahaayeen banka Waa talo iyagu u taal. Laakiin, Dawladu sida Wasaarada Beeraha waa inay ka taagerto dadweynaha xagga qalabka beeraha, bacriminta, iyagoo adeegsanaya waaxdooda fidinta beeraha “Agricultural Extension “. Waa in la abuuraa iskaashtooyin beereed “Cooperative farming” la mid ah kuwii Sheik Muxumad ka herheliey Ceel Beerdaale!.
Dadku waxay u baahan yihiin taakulen iyo taageero, uma baahna khiyaamo “ Lagu dhaxal wareejinayo dhulkooda.
Dawlada ama maalgashiyaal waa inay beeraleyda  Beeraha ay ka caawiyaaan  siday u ibsan lahaayeen qalabka beeraha, bacrimin, iyo ” Drip Irrigation”.
Laakiin, haddii aan la soo sarin biyaha dhulka” Ground water” way adkaynaysaa in la beero Banka Wajaale. Roob keliya layskuma halayn karo!
Ugu dambeyn, dhulka Banka Wajaale ee uu ciidmada degan yihiin, waa in dib loo siiyaa reerkii iska lahaa, mar haddii ay heshiis ay ku yihiin siday u wada qaybsan lahaayeen dhulkaas. Ciidankana loo raraa goobaha looga baahan ee Bariga Somaliland. Waa in maamulka Cirro/Gaabussh ay jooiyaan sharci darada ay ku bixinayaan Banka Wajaale intaysan dadweynaha reer Gabiley ay gacmahaooda ku Xalin boobka qaawan ee dhulkooda!.
Ali-Guban Mohamed
Aliadm18@gmail.com
Please follow and like us:
Whatsapp
Shares