Xisbiga Kulmiye: Hogaan Cusub, Isbeddel iyo Dib-u-Habayn Ayuu u Baahan Yahay
Guuldarradii xisbiga Kulmiye ka soo gaadhay doorashadii madaxtinimo ee 2024-ka waxay ahayd farriin cad oo ka timid codbixiyeyaasha—gaar ahaan gobollada bariga, oo ay ka mid tahay Burco, ahna goobta uu ka soo jeedo Guddoomiyaha Maxamed Kaahin. Ka dib 14 sano oo musuq-maasuq, xukun xumo,sicirr barar, iyo hoos u dhac dhaqaale ah, shacabka Somaliland isbeddel bay codsadeen. Si kastaba, halkii dib-u-habayn laga samayn lahaa, hoggaanka Kulmiye wuxuu galay muran iyo loollan awood bursi. Hargeysa gudaheeda, laba garab ayaa isku haya cidda xisbiga dib u dhisi doonta.
Kaahin, oo 72 jir ah, waa siyaasi waayo-aragnimo dheer leh iyo wasiirkii hore ee arrimaha gudaha, isaga ayaa ka masuul ah khliaafkan. Sida uu xeerka xisbiga dhigayo, jagadiisa guddoomiye ayaa si toos ah u dhiganta in uu noqdo musharaxa madaxweyne—iyada oo aan tartan la gelin. Habkani waa mid aan dimoqraadi ahayn, u eg nidaamkii shuuciga ee China, Sovietka,ama Xisbigii Hanti-Wadaaga ee Afweyne. isla markaana siinaya taageerayaashiisa awood buuxda oo ay ku maamulaan xisbiga.
Tirakoobka doorashadu wuu ka duwan yahay. Kulmiye wuxuu ka helay wax ka yar 2,000 cod gobollada bariga( dhulka Isbahaysiga Haber Jeclo)—uu Kaahin ka soo jeedo—halka in ka badan 108,,000 oo cod ay ka yimaadeen gobollada galbeed( dhulka Habar Awal), oo ay ku jirto Maroodi-Jeex oo dadka ugu badan Somaliland ay deggan yihiin.
Inkasta oo uu sannado badan ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha, haddana deegaanadiisu way diideen Kulmiye, iyagoo u codeeyay musharraxa taageersan Somalia Cirro iyo xisbiga Kaah ee Al-Ictisaam. Isbahaysigii taageerada lahaa Kulmiye wuu burburay, xisbigu wuxuu wajahayaa khatar inuu macno beelo haddii aan isbedel dhicin.
Dooda kooxda isbedel doonka Kulmiye ayaa ah in xisbigu shirweyne qabsado kuna doorto hoggaan iyo guddiga fulinta oo cusub uu soo celin karo kalsoonida. Xulashada ergada waa inay ka tarjumtaa natiijada doorashada 2024, halkii lagu tiirsanaan lahaa nidaamka beeleed ee duugoobay ee la midka ah 4.5-ka Soomaaliya. Haddii aan dib-u-habayn la samayn,lana raaca talada Kaahin qorshihiisu ah inu carqlad ku noqdo xisbiga–waxay fursad siinaysaa Xisbiyada Wadani iyo Kaah iyo beelaha taageera(Garxajis iyo Isbahaysiga Habarjeclo) si Kulmiye iyo beelaha taageera aysan ka muuqan awooda siyaasada ee dalka. Taasina ma aha wax la aqbali karo.
Arrintaas baa dhalisay in maamulka Cirro/Gabaash ay caburiyaan in beesha Habar Awal ay qabsadaan shir gogol xaar ah oo ay kaga tashanayaan mustaqbalka siyassadooda. Maanta, Wasiirka Amniga, Abdalle Arab, taliyaha Booliiska, Cabdiraxman xasan( Waa ninkii ku fashilmay dagaalkii bariga Sool), waxay mashquul ku yihiin cadaadis shacabka xaqa u leh inay si xor ay kulmi karaan. Somaliland waxay qabsatay wadadii Kaliya-taliyashas–Cabudhis, iyo xadhig. Waa in arrintan laga dagaalamaa oo runta loo sheegaa raggan Cirro u soo kiraystay!
Haddii Kulmiye rabo inuu la tartamo xisbiga talada haya ee Somalia-u-jaban(Pro-Somalia), waa inuu dhagaystaa rabitaanka codbixiyeyaasha. Shaqsiyaadkii lala xidhiidhinayay guuldarradii 2024 iyo fashilkii militari ee khalkahlkii Bariga Sool—oo ay ku jiraan madaxweynihii hore Biixi, Kaahin, iyo Saamale—waa inay bannaanka ka baxaan talada iyo hogaanka xisbiga. Somaliland waxa ka socda isku-dayo lagu wiiqayo madaxbannaanideeda iyada oo loo marayo xukunka Cirro; difaacidda qaranka waxay u baahan tahay hoggaan cusub oo mideeya qaranka lagu soo duulay!
Muddo ka badan toban sano, Kulmiye wuxuu oggolaaday fawdo iyo musuq-maasuq qoto dheer. Ganacsato awood badan leh—sida Dahabshiil(Dhiigshiil) , Telesom, iyo kuwo kale—waxay u dhaqmaan “dawlad yar” oo gaar ah, iyagoo adeegsanaya siyaasiyiinta, Culimada xagjirka ah ee Al-Ictisaam, saxaafadda, iyo qabyaalada si ay u fushadaan danahooga gaarka ah sida Oligarch-yada Ruushka.Shacabka caadiga ah waxay mudan yihiin xisbi u adeega qaranka iyo dadweynaha.
Waxaa loo baahan dad daacad ah inay golaha wakiillada la wareegaan si ay uga hortagaan kooxaha adeegsnaya qabyaalada, diinta, iyo ganacsiga musuqmaasuqsan. Murannada gudaha ee aan dhammaadka lahayn ama dacwooyinka maxkamaddu waxay keliya wiiqi doonaa Kulmiye, waxayna xoojin doonaan awooda Waddani iyo Kaah, kuwaas oo jeclaan lahaa inay arkaan xisbiga oo ka baxa siyaasada qaranka sidii Udub. Si kastaba, Kulmiye weli wuxuu hayaa waddaniyiin taageero dadweyne leh oo ilaalin kara sidii xisbiga u noqon lahaai mid qaran oo pro-Somaliland ah.
Guddoomiye Kaahin waa inuu xusuustaa: Kulmiye waa hay’ad qaran, ma aha hanti gaar ah oo u adeegta garab, qabiil ama ganacsato. Waa inuu hubiyaa in shirweynaha xisbiga uu qabsoomo Oktoobar 4, 2025, sida ballanku ahaa, isla markaana uu oggolaado dood furan oo ku saabsan xulashada ergada. Waa in la tixgeliyaa codbixiyaashii Kulmiye uga codeeyey Sheekh, Berbera, Hargeysa, Gabiley, iyo Boorama.
Waa in wax laga bedelaa habka loo soo doorto musharaxa xisbiga ee madaxtinimada. Waa in lagu soo doorto musharaxa shirweyne ku dhisan hab furan, oo ay ku dhex tartamaan dhawr musharax. Habka hada loo doorto waa mid ku dhisan musumaasuq iyo isdabaweydaari!
Waxa kaloo mudnaan mudan in dib loo eego dastuurka Somaliland oo dhisnaa 25 sanadood oo ah wakhti dheer. Waa la joogaa wakhtigii la qaban lahaa shirweyne qaran ee dastuurka dib loogu eego..
Ugu dambyen, Gubanmedia waxay aqoonsan tahay shaqadii muddada dheer ee Kaahin u soo qabtay madaxbannaanida iyo maamulka Somaliland.Laakiin waa la gaadhay wakhtigii Maxamed Kaahin uu xilka ka dego si jiil cusub oo badbaadin kara Somaliland ay u hanan lahaayeen hogaanka qaranka.Somaliland waxay u baahan tahay hoggaamiyeyaal la dagaallama musuq-maasuqa,dawlad xumada, qabyaalada, kana hortaga khatarta Al-Ictisaam ay ku leedahay jiritaanka Somaliland.
Guul iyo Gobanimo
Ali-Guban Mohamed
Tafatiraha Gubanemdia.com

