Dawladaha Hoose oo ku Fashilmay adeegii Shacabka

Hargeysa–SL, Magaalada Hargeysa oo ah caasimada Jamhuuriyada Somaliland waxaad aad ku arkaysaa qashinka iyo uskaga rasaysan laamiyada halbawlayaasha ee dhex mara. Sidoo kale marka ay roobabku da,aan, wadooyinku badanaa way go,aan oo ciid iyo dhagaxaan baa qariya, amaba godad baa ka dilaaca kuwaasi oo hakiya isku socodka gaadiidka magaalada dhexdeeda taasi oo ay ahayd in ay dawladda hoose aad uga shaqeyso una feejignaato.

Muwaadin aqoon intee le,eg baad u leedahay dawladda hoose ee degmadaada? Waa maxay xidhiidhka idinka dhexeeyaa? Waa maxey waajibaadka ay tahey iney kasoo baxaan xildhibaanada dawladda hoose ee Degmadaadu? Maxaa adiga kugu waajib ah si ay u shaqeyso dawladda Hoose ee magaaladaadu? Ma taqaanaa shaqada Duqa(Mayor)/ku xigeenkiisa, Xoghayhaha, Guddiga fulinta, Guddiga Joogtada ah & guud ahaanba xildhibaanada Gollaha Deegaanku? Ma taqaanaa adeegyada loo baahan yahay inay qabato dawladda hoose ee Degmadaadu?

Hawlaha Dawladaha hoose ay qabtaan waxaa ka mid ah: Kobcinta iyo kor u qaadista arrimaha bulshada, sida waxbarashada, caafimaadka, biyaha, laydhka, nadaafadda,Samaynta iyo dayac tirka wadooyinka.

Sidee bay ku dhacday ina Hargeisa ay noqoto caasimda keliya ee dunida oo lahayn “Traffic light”?

Haddii aad saluugto wax qabadka xildhibaanadii aad soo dooratey awoodaada maku kala diri kartaa? Wali ina dib ma u eegtay xeerarka la xidhiidha Dawladaha Hoose si cilmiyeysana ma ugu dabaqday waaqaca jira? Horumar intee le,eg bay ku talaabsatey degmadaadu tobankii (10) sanadood ee u danbeeyay?

Haddaba aynu isku dayno inaynu su,aalaha kor ku xusnan iyo jawaabo u helno inaga oo la kaashanayna xeerarka aynu dhiganay bulsho ahaan.

Dastuurka qaranka JSL iyo xeerarka ka sii farcama oo uu ugu balaadhan yahey xeerka ismaamulka Gobollada & Degmooyinka JSL Xeer Lam 23 waxa ay si fiican u qeexayaan dhamaanba su,aalaha kor ku xusan. Shacabku waa  inuu isku baraarujiyaan in ay ogaadaan xeerarka & shuruucda dalka guud ahaan.

Gole Deegaan muxuu yahey? Waa Gole degmo laga soo doortay. Tusaale Caasimada Hargeysi waxay leedahay shan & labaatan (25)  xildhibaan oo ay sida xeerku dhigayo tahey in ay soo doortaan dadka deegaanka u ah caasimada maadama ay yihiin dadkii matalayey bulshada ku dhaqan Degmadaa. Hanaanka saxda ah ee loo dooran lahaa waxay ahayd in degmo kastaa sida Axmed-Dhagax ay tiro xildhibaano ah soo xulato iyada oo shuruuda koobaad ay tahay in ay shanta ama afarta xaafadood  ee degmadaa kala degan yihiin kana soo toosaan. Si ay dadka degmadaasi baahiyahooda si fudud ugu gudbin karaan dabadeena si fudud cabashooyinkooda kalfadhiyada loogu gudbiyo.

Halkay saa ka ahayd baynu inagu ka dhignay in xildhibaan degan xaafada Maslaha ay u codeeyaan 100 qof oo ka kala yimi Naas-Abaarso, 150ka, Siinaay, Laanta Hawada, Daami iyo meelo kaloo badan. Iyada oo lagu soo yidhi haloo kaco waa ina Hebel. Hadda garo,oo isna dadka kaama yaqaan.

Madaama ay inagu soo socdaan doorashooyin ay ku jirto doorashada golayaasha deegaanadu. Waa muhiim in aad jawaabo u hayso su,aalahaa oo aad markasta xaalada aad ku sugantahay adiga, qoyskaaga iyo deegaankaagu aad ku miisaanto.

Bulshada Somaliland waxay u badan tahay bulsho dhag kaliya wax ka maqasha , dhagtaasina waa dhagta dhanka qabiilka xigta, waa meel aynu ka damqano meesha ugu nugul. Lawaa in aynu si balaadhan wax u eegno, iinta taa inoo dheerina waxay tahay fiirsasho la,aan iyo fahan gaabni ay inoo raacdey tixraac la,aan oo aan ula jeedo in aynu hore u ahayn bulsho hadal (oral society) cilmigii iyo ilbaxnimadiina aanay waxba inaga badelin. Oo kii wax bartey iyo kii miyiga xoolaha ku raacayey ee aan  aqoon diineed & tu duunyo toona hayn ay isku si wax u arkayaan una naqdinayaan.

Muddo 27 sannadood ah baynu sidaa ahayn ilaa aynu wiiqnay hanaankii dawladnimo oo aynu sharcigii kufsanay. wax horumara oo la taaban karo na  aynaan ku talaabsan. Siyaasigaad kursi saartaan idinkoo malaayiin qof ah muxuu idinku soo celin karaa? sideese ula xisaabtami kartaan?.

Waxay ahayd in ku dhawaad soddomeeyahaa sannadood (30 sannadood) ay wax la taaban karo qabsoomaan. Dhakhtar inooma kordhin “ganacsiyada gaarka loo leeyahay ka hadli maayo”, iskuul inooma kordhin, waddooyin inooma kordhin, biyo ha sheegin, Nalka isaga hadalkiisa daa. Hadday kordheena waxay ku kordheen waa mucaawimooyinka shiisheeye oo leh hab xisaabeed mashaariicdooda lagu bixiyo kuna khasban yihiin gollaha deegaanka ee degmadu inay soo gudbiyaan xisaab celin. Kuwaasi oo aan  baahiyaha bulshadeenu dhinacna kaga dhaceyn.

Miisaaniyada dawlada Dhexe iyo dakhligeedaba waa la shaaciyaa sidii la doonaba  haloo kharashgareeyee balse xogta dawladaha Hoose ee Somaliland aad bay u adagtahay in si fudud loo helo tu maaliyadeed iyo miisaaniyadeedna kaba sii daran.

Dawladaha Hoose waa muraayada laga daawado dawladda idilkeedba, horumarka dhaqan-dhaqaale & Siyaasadeed ee wadan waxa uu kasoo bilaabmaa habka & hanaanka loo horumariyo deegaanadeeda, siyaasadaha loo dajiyo iyo siday u hirgalaan.  Waa lagama maarmaan in uu jiro tiir weyn oo isku xidha dawladda dhexe  iyo Dawladdaha Hoose si loola socdo dhaqdhaqaaqyada horumar & dib udhac  ee ay hayaan dawladdaha hoose ee Deegaanadu. Tiirka u dhaxeeya imika waxa weeyaan Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo masuuliyadeeda koobaad tahey sugida Aminiga.

Sidoo kale ka bulsho ahaan waa in aynu keenaa hab xisaabtankii dawladaha hoose iyo bulshada inta aan doorashoba laysla gaadhin. Durtaba wataa laysla dhex yaacayo reer hebel baa meel ku shiraya oo musharaxoodii Gollaha Deegaanka iska soo dhex saaraya iyagoo damacsan in ay lugooyada ay hayn kari waayaan nagu soo daayaan. Sidoo kale waxaynu aragnaa dhalin badan oo baraha bulshada ka iclaaminaya inay musharixiin yihiin. Timirtii horeba dab loo waa. In aynu halkeenii uun dib ugasii noqono iyo in aynu hore u talaabsano ka bulsho ahaan innaga ayaa isku hayna.

W/Q: Hibo Ciise Maxamed

Hargiesa, JSL

hibafaakhir@gmail.com

Please follow and like us:
Whatsapp
Shares