Doorka Zaad iyo E-Dahab ku leeyihiin qiime dhaca shilinka Somaliland

Ka dib markii uu dhacay qiima kac wayn oo ku yimi sarifka dollarka ee aadka u dhibay bulshada Somaliland waxaa meel kasta ka timi qaylo dhaan baaxad leh oo kasoo yeedhaysa shacabka gaar ahaan waxay aad u sii taabanaysay danyarta iyo inta mushaharkooda ama yoomkuuda ku qaata shilin Somaliland. Waxay gaadhay halkii ugu saraysay ee abid uu gaadho qiimaha sarifka dollarku waxa barri iyo galbeed isu baxay cabashada iyo tabashada kasoo baxaysa shacabka uu dhibaateeyay sarifku aadkana u ragaadiyay ganacsigoodiiiyo dhaqaalohoodii.

Haddaba waxaan faaladaydan kooban kaga hadlayaa saamaynta ay lacagta electroniga ahi ku leedahay qiima dhaca lacagteena,waxaa dhacday inaynu si xadka baxa ah u isticimaalay lacagtan electroniga ah tusaale ahaan waxa dhacday in buska magaalada ka dhex shaqeeya ee shilin ahaan 1500 shilin qaata uu ku qasbanaaday inuu qaato 0.25 cent xamaamka magaalada ee la qaado 500 shillin waxa ku qasbanaaday in loo diro 0.25 cent cadayga qiimihiisu waa 1000 waxaa loo diri jiray 0.25 cent  wixii ka wayna sidaa iyo si la mid ah ayaa loo isticimlaali jiray waxay noqotay lacag qalaad ama dollar dhinac socota ama meeshaba ka saaray shilllinkii dalka.

Sida ay ku keentay qiima dhaca waa barbar socodkan ama isticimaalkan dheeraadka ah ee meeshiiba ka saaray lacagtii waddanka marka la doonayo in wax laga qabto qiima dhacana kow waxaa ka ah inaad wax ka qabato wax kasta oo meesha ka saaray qiima dhaca lacagta waa inay noqotaa lacagta wadanku ta loogu isticmaal badan yahay ee ka dhex shaqaysa waddanka meeshana laga saaraa in lacag labaad ka dhex shaqayso waddanka.Waxaan halkan kaga hadlayaa saddex qodob oo bulshadu aad isu waydiinaysay ama aan warbaahinta ka arkayay oo ay bulshada inta taageersani ku difaacayeen adeegyadan,

  1. Waxay telesom iyo dad badani ka hadleen oo sheegeen inaan adeegyadani qayb ka ahayn sixir bararka isla markaana aan la samayn daraasad cilmiya oo lagu xaqiijinayo samaamayntiisa. Waa dhab oo lama samayn laakiin waxa laga hadlayaa waa qiimo dhac shillinka ku yimi hadda ma taagna sarif waxaan kor kusoo sheegnay in qof waliba qaatay ZAAD/E_DAHAB oo uu u isticimaalay noloshiisii halka ugu yarna gaadhsiiyay oo ah in xamaamyada loo diro iyo caddaylayaasha sidaas bulshadiina ku wada aqbashay inay wada qaadato lacag dollar ah oo numbaro ah. Miyaanay meesha ka saarin isicimaalkii lacagteena aynaan diidin inaynu lacag shillinkeena ahba jeebka ku qaadano oo isticimaalo dollar mooyee.
  2. Waxaa laga hadlay faa’iidada adeegani u keenay bulshada xaga dhaqso isu gaadhsiinta iyo is caawinta , waa dhab laakiin ogaada adeegii lama joojin sidiisii buu u soconayaa waxaa la amray lacagtii wixii ka badan 100$ in laysugu diri karo (three digits) wixii intaa ka yarna la joojiyay taas macnaheedu waxa weeye waxaa xoogaysanaya lacagta electroniga ah ee shillinka Somaliland tusaale ahaan 50$ halkii aad kaga shuban jirtay hada waxaad ku shubanaysaa 350,000 shillin waxaa badanaya isticimaalkii,wareegaya oo xoogaysanaya shillinka waayo lacagtani waxay ahayd tirada ugu badan ee dhex socota bulshada.
  3. qofkii miyiga joogay ama qofkaad doonaysay inaad wax u dirto hadaad awal u diri jirtay 10$ ama 5$ hadda lagama joojin ee waad u diri kartaa waanad caawin kartaa waxaad u diraysaa 35000 ama 70000 oo waxa xaqiiqo inuu isna u isticimaalayo nolol maalmeedkiisii si toos ah oo aan sarif ahayn. Waxaad wax ku iibsanayaa ama ku adeeganaysaa lacagtaadii adigoo ku sita mobile kaagii oo aad ka dirayso taasina waxay mar kale xoojinayasaa qiimaha lacagteena oo loo sameeyay in waddanka gudihiisa laga qaato laguna isticimaalo.
  4. Marka aan rabno maalgalin iyo inaan ganacsi caalami ah la yeelano adduunka ogow meesha laynaga eegayaa waa sarifka iyo lacagta aan isticimaalo marka laga yimaado sharciyada waddanka tusaale ahaan ninka ganacsadaha ah ee dollar sita ee rabba inuu kalluun inaga iibasadaa wuxu qiimayanaa 1$ imisay u dhigantaa lacagta waddanka marka la sarifona muxuu ku goynayaa ma fadhiyaa mise waa mid is bad badala oo aan fadhiyin sarifka lacagtu.

Ugu danbayn waxaan ku soo gabagabaynayaa maqaalkaygan inaan aaminsanay in ummada go’aankani wax tar wayn u yeelan doono soona noolayn doono isticimaalka lacagteena oo uu meesha ka saarayo lacagtan qalaad ee dabartay wuxu soo celin doonaa in la aamino shillina la kaydsado oo electronic lagu qaato. Waxaan bulshada ku boorinayaa in la taageero oo la qaato oo aynaan noqon dad marna qayliya oo cabasho keena marka wax laga qabtana kasoo horjeesta .

Arintan laga hadlayaa waa dhaqaale waxaa loo baahan yahay qofka ka hadlayaa inuu cilmi u leeyahay oo sababeeyo dhaliishiisa ee maaha arrin madax dhaqameed ka hadli karo ama dadka caadiga ah ee aan aqoonta u lahayni ka hadli karaan waxaan hadda aad u caadaysanay in qof waliba wuxu doono ka hadlo oo wax dabraa aanay jirin.

Waxaa kale oo iyana muhiim ah in hadalku siduu yahay horta loo fahmo dabadeedna laga jawaabo waxaad arkaysaa odayaasha iyo xisbiga WADDANI oo ka dhigay in la joojiyay adeegyadan mar uu war saxaafadeed soo saaray taasina ma jirin oo lama joojin adeegyadan. Tusaale ahaan waddamada adeegyadan laga qaato waxaa ka mid ah Kenya lacagta lagu isticimaalaa se waa shillinka Kenya waxaan leeyahay aan waddankeena aamino lacagteena qarankana aan aamino hadaynaan inagu ilaashana cid inoo ilaalinaysaa ma jirto.

Maxamuud Axmed Diiriye Cigaal

Hargeisa, Somaliland

Islamic Banking and Finance

E_mail: labbawaranle@gmail.com