Muuse Biixi/C. Saylici waa lagu aamini karaa hogaanka dalka.

Waxa muhiim ah inaan is garab dhig Siyaasadeed ku samaynno Madaxda Doonaysa inay barri Xilka innoo Qabtaan innagoo maalinba Dhinac ka Eegaynna,waayo waa masuuliyad  Culus oo u baahan in dadka loo Dhiibayo aad looga Fiirsado,Si Cilmi ah oo aan ahayn Caadifad iyo Qof jecleysi.

Waxaynu maanta ka Eegaynna xagga Codkarnimada,Balaaqadda ama (Good Commnication)

Haddii aynu ku horrayno Musharax Muse Biixi cabdi marka uu Micriphone ka qabsado waxad aad u jeclaysaynaysaa inuu hadalka Sii dheereeyo waayo Qodobada uu ka hadlayo ayaa Xiiso leh waxanu taabtaa Dhinacyo kala Duwan(differen dimensions) Wax barashada,shaqoabuurka,Taariikhda,dhaqanka,Siyaasadda arrimaha dibadda iyo gudaha,dalalka jaarka ah nabadgelyada,intaas oo dhan waxa ku nladhan Kaftan iyo aqoon uu u leeyahay Deegaanka uu markasta joogo waana calaamadaha lagu yaqaanno madaxda saxda ah ama Hoggaamiye.

Musharax ku xigeenka xisbiga kulmiye ahana Madaxweyne ku Xigeenka Hadda ee Somaliland C/raxmaan saylici habeen ayaan aad ugu Fiirsaday uu la hadlayay jaalliyadda Reer Awdal ee (Canada)Xilligii Arrinta Suldaan wabar ay taagnayd Hadal aad u Qiimo badan ayuu u jeediayay reer Awdal haddana waa la hayaa habenkaas ayaan Saylici hoosta ka Xarriiqay inuu yahay Madax ama Hogaamiye leh Gudbin.

Haddii aan u soo Noqdo Musharax waddani Cirro tan iyo intii uu samaystay Xisbiga xilligaas oo uu ahaa Guddoomiyaha baarlamaanka waan u fiirsaday,Dhinac kasta waan kaga wareegay wali kama Hayo Hal Pargraph amah al meeris oo hadal oo I raalli geliya ama aan ku qanco oo aan ugu hungoroodo inuu dal iyo dad Hogaamiye u noqon karo.

Maalin dhoweyd aad baan u qoslay(Reer BOORAMOW Muusaa yaabay Soo maaha)iyo (Codkiinnu Soo Waddani maaha ) wax kale oo aan ka Qoro waan ka waayay

Habeen kale waxan dhegeystay Musharaxa Ku xigeenka Waddani Mr Maxaed Cali oo BER BERA meel ka hadlaya (Aniga Hooyaday waxay igu tidhi Ciise muuse u tag)ma waxaas ayaa madaxnimo ah waa wax lala yaabo.

Haddaba marka uu Qofku Sidan yahay waxa u qurux badan inaanu Siyaasadda soo Raadsan ee uu Shaqo (Private Sector ) ah raadsado waayo Ceeb waxaan ahayn kala tagi mayo,

Sidaas darteed muran kuma jiro in Muuse Biixi iyo C/raxmaan Saylici oo isaguna Toddoba sannadood waayo aragnimo ku soo Qaattay Siyaasadda in dalkan lagu aamini karo shanta sannadood ee Soo Socotta,

 

Rashiid Odowaa

Political Scientist

Please follow and like us:
Whatsapp
Shares