Sharaxaad: Dhul boobka Maamulka Biixi ka wado Banka Wajaale!

Banka Wajaale, Gabiley—-Odayaasha ,waxgaradka Iyo dhalinyarada Beesha Yoonis Galbeed ee degta degmada Wajaale Iyo deegaanada ku xeeran ee gobolka Gabiley ayaa ka hadlay muran ka tagaan qaybo kamid mashruuca banka Tog Wajaale oo mamulka Biix doonayso in ay cid gaar ah ka iibiso.

Sidoo kale waxgaradkan oo maanta warbaahinta kula hadlay Banka Wajaale   ayaa sheegay in aanay marnaba aqbalayn in mashruuca Banka Wajaale qaybtiisa galbeed in cid gaara la siiyo iyagoo xukuumada ka dalbaday in ay si deg deg ah ugu soo wareejiso maadaama ay  beelihii dhul beereedkan iska lahaa ay hada heshiish ku yihiin isla markaana aanay jirin sabab xukuumada gacanta ugu sii hayso.

Dhanka kale odayaashan ayaa digniin culus u diray wasiiro maamulka Biixi ka tirsan oo iyagu ku hawlan dhaxal wareejinta dhulkan oo qaybo ka mid ah ay  silig ugu xidheen cid aan la garanayn.

Daawo odyaashii oo ka hadlaya dhul boobka uu Biixi iyo wasiiiradiisa, sida Sulub ka wadaan Banka Wajaale  ka dib markay soo bililiqesteen  dhammaan dhulkii iyo guryiihh Hargeisa ee dawlada iyo dadweynaha lahaayeen.

 

Wajaale News

 

 

 

Please follow and like us:
Whatsapp
Shares