Silanyo oo la Kulmay Wafdi ka socday Midowga Yurub iyo Ingiriiska

 

 

Hargeysa, Somaliland(GM)–Madaxweynaha JSL Mudane Axmed Maxamed Silanyo ayaa maanta 23.01.2017 Xafiiskiisa ku qaabilay wefti culus oo ka koobnaa Waddamada Jam. Somaliland ka taageera xagga Horumarka iyo Dimuqraadiyadda. Weftigaasi wuxuu ka koobnaa Safaaradaha 5 Waddan oo ka mid ah Midowga Yurub(EU) iyo Dalka Ingiriiska-UK ee qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya kuwaasoo fadhigoodu yahay magaalada Nairobi. Weftigaa waxa ka mid ahaa:

  1. Safiirka Midowga Yurub-EU- (EU Ambassador, Veronique Lorenzo);
  2. Safiirka Dalka Denmark (Ms. Mette Knudsen);
  3. Safiir-xigeenka Dalka Holland (Tijmen Rooseboom),
  4. Safiir-xigeenka Dalka Rep. of Ireland (Garvan McCann);
  5. Madaxa Arrimaha Siyaasadda ee Safaaradda Faransiiska (Eole Sury);
  6. La-taliyaha Maamulka ee Hay’adda Iskaashiga Caalamiga dalka UK DFID (DfID Governance Adviser, Angus Miller)

Madaxweyne Axmed Maxamed Silaanyo ayaa ugu horraan wuxuu weftiga Danjirayaasha dalalka safka hore kaga jira taageerada horumarinta Somaliland uga mahad-naqay booqashada qiimaha leh ee ay ku yimaadeen Jamhuuriyadda Somaliland iyo waqtigoodaa qaaliga ee ay u soo hureen. Madaxweynuhu wuxuu xubnaha weftiga u sheegay in Waddamada ay matalaan yihiin saaxiibo qiimo badan oo ay Somaliland leedahay sidaa darteedna loo baahan yahay in la xoojiyo xidhiidhka iyo iska-war-haynta. Madaxweynuhu wuxuu weftigan si gaar ah ugala hadlay dhawr arrimood oo muhiim ah kuwaasoo lagama maarmaan u ah Danaha iyo Maslaxadaha dalka iyo dadka Somaliland, waxana ka mid ahaa:

  1. Arrinta Abaaraha:

Madaxweyne Axmed Maxamed Silaanyo wuxuu Danjirayaasha iyo weftigii ay hoggaaminayeen kala hadlay Arrimaha Abaaraha ba’an ee ka jira Dalka Somaliland, kuwaasoo duunyo iyo dadba tabaaleeyey, wuxuuna yidhi sidan:

“Sida aaad malaha idinkuba ka war qabtaan, Jam. Somaliland waxa haleelay abaaro aad u ba’an iyo xaaluf ka dhashay roob la’aan iyo isbeddelka Cimilada Caalamka taasina waxay dhalisay in dadkii iyo duunyadiiba ay halis ku sugan yihiin. Dalkayaga waxaa haatan halis ku jira ilaa (1.5 Milyan) Hal Milyan iyo Shan-boqol oo Kun oo qof. Sida ay xaqiijisay Haya’dda Qaramada Midoobay u qaabilsan raashinka iyo beeraha (FOA) 350,000 oo dadkaa ka mid ahi waxay qarka u saaran yihiin inay macaluulaan, maadaama ayna haysan biyo iyo raashin toona. Roob la’aanta ka jirtay Somaliland saddexdii sano ee ugu dambeeyey waxay sababeen in duunyadii dabar go’do dalagii beerahana la waayo. Abaartu waxay saamaysay guud ahaanba geyiga Somaliland min bari ilaa galbeed, waxase ugu sii daran afarta gobol ee bariga Somaliland. Nafaqo-darrada iyo tabaalaha ka muuqda bulshada ay abaaruhu haleeleen waa kuwo aad u baahsan.”

Madaxweynuhu mar uu Danjirayaasha kala hadlayey baaqyada is-daba joogga ah ee ay Xukuumadda Somaliland bulshada Caalamka kaga codsanaysay in dadkeeda lala soo gaadho gar-gaar iyo kaalmo bini’aadanimo oo deg-deg ah wuxuu yidhi:

“Laga bilaabo bishii November 2016-kii Xukuumadaydu waxay diraysay baaqyo iyo qaylo-dhaan is-daba-joog ah oo aanu bulshada Caalamka kaga codsanaynay in dadkayaga ay abaaruhu haleeleen lala soo gaadho gar-gaar iyo kaalmo bini’adanimo oo deg-deg ah. Nasiib-darro, bulshada Caalamka, gaar ahaan Waddamada aad wakiilka ka tihiin kamaanu helin kaalmo muuqata iyo gar-gaar ay qaylo-dhaankayagii kaga jawaabayaan. Annagu Xukuumad ahaan, intii itaalkayaga ah waxaanu ku dedaalay in aanu abaaulno ganacsatada, ummadda Somaliland (gudaha iyo dibeddaba) oo aanu ku baraarujinno inay ka qayb qaataan gurmadka iyo gargaarka abaaraha. Waxaanu Suuf iyo Xanjo isku gubnaba, Xukuumaddu waxay aabaraha ku deeqday 1.5 Milyan Dollar, Ganacsataduna 1.5 Milyan Dollar iyo shacabka oo iyaguna ku deeqay 500,000 Dollar. Laakiin, baahida maanta la soo daristay ummaddayada iyo marka la eego xajmiga tabaalaha iyo baahida ay abaaruhu keeneen, lacagtaa aanu ururinay waxay ka dhigan tahay dhibic-biyo-ah oo bedweyn-ku-dhacday. Waxa jirtay inaanu woxogaa kaalmo iyo gar-gaar ah ka helnay Waddamada iyo Ururrada Muslimka, laakiin maaha wax ku filan ama wax ka tari kara abaaraha baahsan ee haatan ka jira Jam. Somaliland.

“Sidaa darteed, gurmadka iyo gar-gaarka Allah ka sokow, waxaanu weli gar-gaar iyo kaalmo dhab ah ka rajaynaynaa UN-ta iyo Waddama deeq-bixiyeyaasha aad idinku wakiilka ka tihiin sidii nalooga taageeri lahaa abaaraha ba’an ee ka jira Dalka Somaliland, kuwaasoo duunyo iyo dadba tabaaleeyey. Waxaan rajaynayaa inaad garan kartaan in aanu jirin waqti la sii sugo ama la sii eegto. Maalin kasta oo aad gar-gaarka dib u dhigtaanba waxay khatar ku tahay dadkayaga ay abaaruhu tabaaleeyeen, kuwaasoo haatan qarka u saaran macaluul iyo dhimasho haddii aan wax laga qaban.”

Dhinaca kale, Madaxweynuhu wuxuu Danjirayaasha kala hadlay maadaama ay haatan aabaruha soo noqnoqday iyo isbeddelka Cimilada ay noqdeen dhacdo Caalami ah in Jam. Somaliland laga taageero qorshe dhamaystiran iyo hannaankii mustqbalka Aabaraha looga gaashaamn lahaa, loola tacaali lahaa looguna diyaar garoobi lahaa.

  1. Arrimaha Doorashooyinka:

Madaxweyne Axmed Maxamed Silanyo wuxuu Danjirayaasha iyo weftigii ay hoggaaminayeen uga mahad naqay taageerada ay ka geystaaan geeddi-socodka hannaanka Dimuqraadiyadda, gaar ahaan kaalmada ay u fidiyaan Komishanka Doorashooyinka Qaranka iyo arrimaha Diwaangelinta Codbixiyeyaasha.

Madaxweynuhu wuxuu weftiga u  sheegay ama ku yidhi sidan: “Somaliland waa dal ka soo kabtay cadaadis, colaado iyo dagaallo ummadooda lagula kacay, kuwaasoo soo taxnaa sannadihii 80-nadii ilaa 90-shanadii. Somaliland waa dal ku guulaystay inuu dhiso qaran ku qotoma nabad, xasilooni iyo hannaan dimuqraadi oo dhab ah. Geedi socodka hannaanka dimuqraadiyaddu waa mid Jam. Somaliland si dhab ah uga ka go’an, taasina waxaa marag u ah doorashooyinkii kala duwanaa ee dalka ka qabsoomay taasoo sifo dimuqraadi ah loola kala wareegay hoggaanka dalka. Xukuumadda Somaliland, Xisbiyada Qaranka iyo Komishanka Doorashooyinkaba waxa ka go’an qabashada Doorashooyinka Madaxtooyada. Qabsoomidda doorashadu maaha mid ay dabada ka riixayaan ama nagu khasbayaan Waddamada Beesha Caalamku, laakiin waa mid aanu annagu rabno oo naga go’an. Ku dhaqanka hannaanka dimuqraadiyadda dantayada ayaa ku jirta, waana saldhigga nabadda iyo hurumarka dalkayaga ka hana qaaday oo ah astaamaha togan ee Somaliland lagu tilmaansado.” “Sida aad ka war qabtaan, waxa Xukuumadayda ka go’an qabashada doorashada Madaxtooyada, taasoo hore loogu mudeeyey 28/03/2017-ka. Xukuumadda aan gadh-wadeenka ka ahayna waxaan awaamiir adag ku siiyey in ay juhdi iyo dedaal badan geliyaan gudashada xilka kaga beegan meel marinta qabsoomidda Doorashada Madaxtooyada, taasoo aanu kafaalo qaadnay wixii kharsh ah ee hawshaa ku baxaya. Nasiib darro aabaraha dalka ka jira waxay keeneen in codbixiyeyaasha Gobollada Barigu uu ku dhaco bara-kac baaxad leh iyo inay u baahan yihiin in loo fidiyo gurmad iyo gargaar deg-deg ah. Saamaynata abaaraha oo ah dhacdo dabiici ah ayaa waxay sababtay in Doorashada Madaxtooyada ay dhici waydo xilligii lagu waday.”

Sidaa darteed, Madaxweynuhu wuxuu Danjirayaasha iyo weftigii ay hoggaaminayeen u caddeeyey in Saddexda Xisbi Qaran ay isku raacsan yihiin labadan arrimood:

  1. In ay dalka ka jirto abaar baahsan oo dad iyo duunyaba tabaalaysay.
  2. In aanay suurto gal ahayn in Doorashada Madaxtooyada ku dhacdo waqtigii loo mudeeyey.

Dhinaca kalena, Madaxweynuhu wuxuu weftiga ku war geliyey in labada Xisbi ee Mucaaridka ah iyo Xisbal Xaakimku ay ku kala aragti duwan yihiin hannaanka iyo qaabka loo marayo haddiiba ay dhacdo in muddo xileedka xukuumadda la dheereeyo. Mucaaridku waxay soo jeediyeen in muddo lix bilood ah dib loo dhigo. Halka Xisbal Xaakimku uu soo jeediyey in kordhinta muddo xileedka loo maro hannaan sharciga waafaqsan iyo shuruucda uu Distoorka Qaranku qeexayo.

Madaxweynuhu wuxuu Danjirayaasha iyo weftigii ay hoggaaminayeen u sheegay in arrinta dib-u-dhaca Doorashada Madaxtooyada laga yeelanayo talo qaran oo midaysan oo ay ka wada qayb qaadan doonaan Saddexda Xisbi Qaran iyo Komishanka Doorashooyinka Qranka oo aniga Madaxweyne ahaan ii soo gudbin doona talada, tubta iyo waqtiga ugu habboon ee lagu qabanayo Doorashada Madaxtooyada. Kabacdina aan u sii gudbin doono Maxkamadda Sare ee Distooriga ah iyo Golaha Guurtida (oo iyagu ah kuwa leh awoodda Distooriga ah ee muddo kordhinta.

Guntii iyo gebagabadii, Madaxweynuhu wuxuu Danjirayaasha iyo weftigii ay hoggaaminayeen u cadeeyey badheedhihiisa iyo aragtidiisa ku aadan arrinta dib-u-dhaca Doorashada Madaxtooyada ama kordhinta muddo-xileedka Xukuumadda taasoo uu u sheegay in isagu Madaxweyne ahaan aanu marnaba doonayn raallina ka ahayn in Doorashada Madaxtooyada dib loo dhigo waqti ka badan ka lagama maarmaarka ah ee ay duruufaha abaaruhu sababeen.

ALLAA MAHAD LEH

    Xuseen Aadan Cige (Deyr)

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.