Yusuf: Musharaxiinta baarlamaanka waa in lagu soo xulaa karti iyo khibrad
Doorashada Golaha Wakiilada iyo Degaanka waxaa la filayaa in ay dhacdo wakhtigii loo qabtay.
Waa sida ay Xusbiyadu ku heshiiyeene, haddii EEBE yidhaa. Haddaba, musharaxiinta ay soo xuleen Caqil ama Oday Dhaqameed, iyo Af-Miisharo hore ayay shacabka Somaliland u eedan, waayo aragtinima intaasi inoogu filan. Golaha Wakiilad iyo Deganka eey soo xuleen waxay noqdeen kuwo shaqadii loo doortay ka soo bixi kari waya, oo fadhiid ah. Haddii ay doorkani inoo soo xulan Musharaxiinta doorashadani ka qayb galaya, waxaynu ka dhaxli doona Gole Wakiilada iyo Degan oo kuwa hada jooga ka sii liita.
Waxaa fiican in aynu is waydiino waxaynu doorashada u qabsano?
Doorashada waxaynu u qabana si shacabku u helaan fursad ay ku qiimayaan dadka hogaaminaya. Haddaba, Golaha Wakiilada Somaliland waxay la doortay 2005, muda xiloodkeedana waxa uu kaga eeka 2010. Mudo 9 sano ah ayay kurasta iskaga fadhiyeen. Shacabka Somaliland waxay u diyaar yihiin in intooda badan ayna dib u soo noqon.
Sida oo kale Golaha Deganka mudo xileedkooda way dhafeen, xubnaha joogana badan kooduna waa kuwa ku guul daraystay hawsha loo igmaday. Dadka badankooduna waxay isku racsan yihiin in la eryo badankooda.
Haddaba, su’aasha waxay tahay:
1) Siddee loo soo xulayaa Mushaxinta Golaha Wakiilada iyo Golaha Deganka oo tayo leh?
2) Yaase ay tahay in ay soo xulan?
Golaha Wakiilada iyo Deganka hada jooga waxaa soo xulay Cuqaal, Oday Dhaqameedo iyo Af-Miishariin aan fahansanayn shaqada ay qabtan, waxayna soo xuleen dad intooda badani ku haboonayn in ay shaqadani qabtan.
Sideedaba, dadka Golaha Wakiiladu loo doorta waa in ay noqdan dad aqon-yahano ah, oo aragti lagu horumarin karo dalka leh. Isla markana fahansan masuuliyada dadku u doorteen, uguna dhaartaan.
Nasiibdarada waxay tahay, xubnaha Golaha Wakiilada ee hada jooga badankoodu, ma ah dad xilkas ah. Intooda badani ma soo shaqo tagan, kalfadhiyada lagu codeeyo ama KORAMKA kama soo dahiran. Mushahar aanay shaqaysan ayay iska qaatan. Taasina waxay ina dhaxal siisay in sharciyo badan oo horumarka dalka wax ka tari lahaa ayna diyaarin, inay ansixiyaan iskaba daaye. Dastuurka Somaliland wali waa qabyo, shaqada Golaha Wakiiladu ayay ahayd in ay Dastuurka qabyo tiraan.
Golahani Wakiilada waa golihii ugu horeeyay ee la doortay, wakhti dhaafna kuraasta ugu fadhiyay. Marka waa in wakhtigan ka fiirsano xubnahani kuwani badalaya. Haddii oday dhaqameedo jaahiliina oon fahansanayn mihiimada shaqada Golaha Wakiilada iyo Deganka, ay mar kale inoo soo xulan musharaxiinta doorashadan tartami doona, marka jirtaanka Somaliland khatar ayuu ku jiraa.
Golahii Wakiilada (Parliament) ee ugu horeeyay ay Somaliland yeelato waxaa la doortay 1959. Waxaanu ka koobna 33 xubnood. Kalfadhigii ugu horeeyay ee fadhiistana waxay ku go’aamiyeen in Somaliland shuruud la’aan kula midawdo Somalia. Badhasabka Engiriiska ee dalka xukumayay wuu uga digeen cawaaqib xumada ay ku keeni doonto go’aanka ay qaateen.
Haddaba, aqoonta dadka oo aad u liidatay ayaa keentay in Golahaasi noqdan kuwa aqoontada iyo fahankooda dawladnimo ay aad u liidato. Go’aanka Golaha Parliament-ku qaatay maalinta cidkasta way ka dharagsan tahay samaynta ay inagu yeelatay. Waxay keentay, in magaalooyin keenii burburaan, kumanaan-kun qof oo sharcabkeena la xasuuqay. Xoryada aynu mustacmarada Engriiska ka qadanay mudo lixdan (60) sano ku dhaw ayaa laga jooga. 28 sano ee aynu la soo noqonayn xoriyadeena sida fudud u tuurnay, cunaqabateen dhaqaale, iyo siyaasadeed ayaynu ku jirnaa. Dadka Somaliland waxay noqdeen dadka kaliya ee calamka ka jiray, ee iska tuuray xoriyadi ay qaatay, 28 sano calamka ka baryaya in ay mar labaad aqoonsadan.
Haddaba, dhibtaa oo dhan waxa keenay fudaydka iyo ka fiirso la’aanta dadka aynu dooranyno. Dadka maalinta joogay waa loo garaabi karaa oo aqoontada ayaa koobnayd, isla markana waxaa ay ka xanaqsanayeen dhulkeeni oo Itoobiya loo gacan galiyay.
Maanta-se, aqoon yahano inagu filan waynu leenahay. Aqoon yahano badan oo fahansan waxa inaga qabyada ah, iyo sida loo dhamaystiri karo. Aqoon yahano fahansan dawlada aynu wada rabno iyo sida dalkeena looga hirgalin lahaa. Lakiin, haddii aynu ka fiirsan wayno cida inoo soo xulaysa musharaxiinta u qalma shaqadani, mustaqbalka Somaliland mar labaad ayuu mugdi galaya.
HADDABA, WAA IN AYNU COD DHEER IYO MID GAABANBA UGU SHEEGNO CID KASTAN OOY KHUSAYSO IN AYNAAN OGALAYNAYNIN CAAQILO, ODAY-DHAQAMEED IYO AF-MIISHAR INAY INOO SOO XULAN MUSHARAXIIN HUUBADA AH, OON U QALMIN IN AY GOLAHA WAKIILADA IYO GOLAHA DEGANKA KA MID NOQDAAN. WAA IN MAGAALO KASTA IYO DEGMO KASTA FARIINTANI LA GAADHSIIYO.
DOORASHADANI MA DOONAYNO GOLE WAKIILADA IYO DEGANKA OOY KU TARTAMAN DAD LIITA , OO WAXA KALIYA AY RABAN TAHAY MUSHAHAR AYNA SHAQAYSAN. TEEDA KALE, MA RABNO GOLAHA DEGANKA OO DHUL IYO HANTIDA UMMADA KU MAMA.
Xubnaha Golaha wakiilada ee ku guulaysta waa in ay noqdaan dad sharciyada dalkani u bahan yahay hirgalin kara. Sida oo kale, Mayarka/Mayar ku-xigeenka iyo Golaha Degankuna waa in ay noqdaan dad aqoontoodu sarayso, aragti fog ooy degankooda ku horumariya leh.
Haddaba, si loo horumariyo Magaalooyinka dalka, waa in la helo dad fiican oo u qalma in ay hogaamiyan magaalooyinka dalka. Taasina waxay imanaysa OO KALIYA, MARKA JAGADA MAYARKA IYO MAYAR KU-XIGEENKA SI TOOSA LOO DOORTO. Sida calamka oo dhan ka dhacda. Waayo, waxaa jagooyinkan soo doonanaya dad u qalma in ay Mayaro iyo Mayaro ku-xigeeno noqdaan.
Haddaba, haddii aynu doonayo Gole Wakiilada iyo Degan oo isbadalka aynu u-haraadanahay keena. Waa in marka hore, Aqoon yahanada Somaliland ee gudaha iyo dibada jooga isbahaysi samaystaan. Xidhiidhna la sameeyan dhalinta iyo dumarka firfircoon ee degmadooda/Beeshooda. Marka ka dibna soo xulaan LABEENTA AMA HORMOODKA degmadooda/Beeshooda. Soo xulan musharaxiin aqoonyahano ah, aragti dheer leh, dacada ah, oo firfircoon, hawsha loo igmadayna si fiican uga soo bixi kara. Isla markana musharaxa ay tageeraan ka sharaxan Xusbiga ay u arkan inuu danaynayo isbadalka ay iyagu raban.
Midna waa in dhamaanteen fahano, dadka codeeya 90% (boqolkiiba 90) waa dhalin yarada iyo dumarka. Teeda kale, samaynta ugu wayn ee golayashani (wanaag iyo xumanba) waxay ku dhacaysa dhalin yarada iyo dumarka. Haddaba, dhalin yarada iyo dumarka wayo aragnimo waxaa ugu filan Gole yaasha ay u soo xuleen odayashani jahiliinta ahi. Dib danbaysana ugu Codayn mayan musharaxa uu wato Caaqil, Oday-Dhaqameed iyo Af-Miishar. Mida kale, Caaqil, Oday-Dhaqameed iyo Af-Miishariitu ma ah dadka codeeya. Badankoodu kadhka lagu codeeya ma haystan.
Marka, waxaan Aqoon yahanada Somaliland ee wanaaga iyo horumarka dalkooda raba, kula talinayaa in ay hurda ka kacaan. Oo marka hore, diidan musharaxiinta ay soo xulaan dadka wax ma garadka ahi. Marka xiga, waa in ay is abaabulan, isla marka u diyaar garooban siday u hanti lahaayeen dalkooda. HADDII KALE WAA IN AYNA CABAN HADHAW.
Waxaa la yidhi ‘BALAYADU KA HORTAG AYAY LEEDAHAY EE KA DABA TAG MA LEH’. Go’aanka ay qatan Golaha Parliament-ka ee lixdankii ee u-codeeyay in shuruud la’aan Somalia kula midawno, wuxuu sababay burburkii Somaliland ku yimid, Jiilal badan mustaqbalkooda ayuu ka khasaariyay. Sida oo kale, wax qabada la’aanta Golaha Wakiilada ee hada jooga waxay khasaariyeen mustaqbalka dhalin yarada nool iyo kuwa ka danbeeyaba.
Haddaba, haddii la doorto Gole Wakiilada iyo Degan oo mar kale been ku dhaartan. Goleyaal kuwa iminka jooga ka tayo liitan. Gole aan fahmi karin masuuliyada ummadani u hayaan. Marka, dadka soo xula iyo xusbiyada ogalaaday inay isa soo sharaxa waa DANBIILAYAAN QARAN, oo dan iyo murad toona ka lahayn dalka iyo dadka Somaliland. Tani waxaanay u horseedi doona Somaliland burbur ayna ka soo kaban karin (Illahay kama dhigo eh).
Gab gabadi, waa in aynu ogaano, dawlada Somaliland ma ah mid SHAKHSI ama KALI-TALISA. Waa dawlad ka kooban saddex waxood oo ay tahay in ay is dheeli tiran. Marka Golaha Wakiilada ee la doorta waa inuu noqdo mid xukuumada KU-ILLAIYA DASTUURKA, isla markan ABUURA SHARCIYAD DALKU U BAHAN YAHAY.
SOMALILAND HA NOOLATO!!!!!!!!!!!!
OMAR ABDI YOUSUF
OAKLAND, CALIFONIA
slwadani@yahoo.com