Dabkii Waaheen:Ciidamada Oo Lacago Ku Wareejiyay Guddiga Taakulaynta Suuqa Waaheen

Hargaysa—Ciidamadda booliska, Asluubta, ciidanka Laanta socdaalka iyo ciidanka ilaaladda madaxtooyadda Somaliland ayaa maanta qaadhaan lacageed ku wareejiyay guddiga gurmadka suuqii gubtay ee Waaheen.

Lacagtaasi oo cadadkeedu dhamaa $72932, waxaa guddiga taakulaynta suuqa Waaheen ku wareejiyay taliyaha ciidanka booliska Somaliland Maxamed Aadan Saqadhi Dabagale.
Waxaana taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland lacagtaasi kala wareegay wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Albaani, ahna guddoomiyaha guddiga taakulaynta suuqa gubtay ee Waaheen.

Taliyaha booliska Dabagale, ayaa sheegay in lacagtaasi ay boolis ahaan ku soo jareen iyagoo la dareen ah ganacsatadii ku xoolo wayday suuqa Waaheen, balse aanay amar ciidan ku soo jarin.
Isagoona taliyuhu ku amaanay guddiga taakulaynta suuqii gubtay ee Waaheen tallaabooyinka muhiimka ah ee ay ilaa hadda qaadeen, iyagoo ku shaqaynaya tilmaanta madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Hargeisa Press

Please follow and like us:
Whatsapp
Shares