Marwo Faduma Saciid oo Warbixin ka siisay Barlamaanka Ingiriiska Dabkii Suuqa Waaheen

London—-Marwo Faadumo Siciid oo ka mid ah haweenka haldoorka Somaliland, islamarkaana xilligan ah La taliyaha xidhiidhka caalamiga ah ee gollaha Guurtida Somaliland, ayaa hadal qiira baddan ka jeedisay kulan ka dhacay xarunta Baarlamaanka Britain.

Faadumo Siciid oo ka mid ah wefdi ka socda baarlamaanka Somaliland oo safar ku jooga dalka Ingiriiska, ayaa kulan ay xarunta Baarlamaanka ee dalka Ingiriiska kula yeesheen Xildhibaanada dalkaasi kaga garnaqsatay doorkii ay Somaliland ku lahayd jiritaanka dalka Britain.

Kulanka oo ujeeddadiisu ahayd sidii dhaqaale loogu heli lahaa kasoo kabashada dhibaatadii ka dhacday Suuqa ganacsiga ugu weynaa Somaliland ee Waheen oo gubtay 1 April 2022, isla markaana shufbeelay, waxay Marwo Faadumo Siciid ka jeedisay warbixin la xidhiidha baaxada dhibaatada dhaqaale ee kasoo gaadhay Somaliland gubashada suuqaa iyo sida dadkii ku waayay dhaqaalahoodu u heli lahaayeen taageero.

Marwo Faadumo, waxa kale oo ay ku dheerataay taariikhda xidhiidhka soo jireenka ah ee Somaliland iyo Britain, iyadoo tusaale usoo qaadatay sida ay dadka Somaliland isu garab taageen Britain dagaalkii weynaa ee aduunka oo sida ay sheegtay Abaheed Siciid uu ka mid ahaa dadkii naftooda u huray sidii loo difaaci lahaa Britain ee ka barbar dagaalamayay dagaalkii koowaad ee aduunka. Sidaa awgeed waxay tilmaantay in maanta Somaliland masiibada uu sababay dabka suuqa waaheen ay tahay mid xannuun baddan oo shacbiga Somaliland ka sugayaan dawladda Britain sidii ay door weyn uga qaadan lahayd.

Marwo Faadumo Siciid, waxay ka warantay ahmiyada dhaqaale iyo ganacsi ee uu Somaliland u lahaa suuqa waaheen, iyadoo xusatay in shacbiga Somaliland gubashada suuqa Waaheen xusuusisay duqayntii diyaaraddaha iyo burubrkii talsikii Millateri ee Maxamed Siyaad Barre u gesteen 1988 oo ay ku waayeen shacbiga naf iyo maalba, balse ay dalkooda dib u dhisteen oo ay nolloshooda kasoo bilaabeen meel madhan oo burburtay.

Sidoo kale, waxay Marwo Faadumo Siciid ka hadashay qaabka loo xakayn kari waayay dabka iyo baaxadii uu lahaa oo sababtay inuu dabku noqdo mid ka awood baddan wixii ay dabdamiska Somaliland hasyteen, maadamaa aannay haysan qalab iyo gaadiid ku filan oo ay ku xakamyn karaan dabka sidaa oo kale ah iyo wixii ay bulshadu awoodaysay.

Hargeisa Press

Please follow and like us:
Whatsapp
Shares