Ali Guban: Dahabshiil, Faraha Kala Bax Siyaasada Somaliland

Marka shirkad weyn ay awood u yeelato inay gacan-ku-hayso qayb kasta oo ka mid ah hay’adaha dawladda, taasi ma aha ganacsi xor ah; ee waa qaran la qabsaday. Dahabshiil ama Dhiigshiil, oo ah shirkadda ugu weyn ee bangiyada iyo xawaaladaha Somaliland, waxay ka soo bilaabatay dukaan yar oo lagu iibin jiray raashin iyo xawaalad yar. Maanta se waxay isu beddeshay shirkad si gabosho lahayn   jahawareer ku abuurtay siyaasadda Somaliland, sharciga, amniga iyo kala dambaynta Somaliland. Iyadoo isticmaalaysa, laalush, khiyaamo, musuqmaasuq , diin iyo qabiil.

Laga bilaabo 2010  markii Xisbiga Kulmiya ku guulaystay madaxtinimada , shirkado waxay  bilawday olole ay ku boobayso  dhulka iyo dhismayaasha  qaranka, shirkada tamarta ee Hargeysa  oo si  aan hufnaan lahayn, sifi shrci daro ah, ay ula wareegtay iyadoo isticamaalaysa awood dawladeed. Maanta,  guddomiayaha Dahabshiil Maxamed Saciid Ducaale wuxuu u iibiyey jagada Guddoomiyaha Golaha Guurtida, in-adeerkii Muse Abdi Ducaale. Golaha Guurtada waa hay’adda ugu sarreysa ee la xisaabtanka. Waaxaa meesha ka baxay farqigii u dhexeeyey danaha shirkad gaar loo leeyahay iyo siyaasadda qaranka. Labadii arrimood way isku dhex milmeen.

Tani ma aha oo keliya shirkad hunguri weynaatay. Waxaa hareer socda eedeymo la xiriira  faragelinta doorashooyinka , laaluush iyo is-weydaarsi dano maaliyadeed. Waxaase ka sii daran aamusnaanta siyaasiyiinta iyo in kuwii arrimahaas baari lahaa bannaanka loo tuuro. Taasi waxay diraysaa farriin halis ah oo ah in lacagtu maamusho caddaaalada.

Dimuquraadiyadu ma sii jiri karto haddii shirkad gaar loo leeyahay ay awood u yeelato inay saameyso cidda talada haysa ama jihada siyaasadda dalka. Haddii awoodda dhaqaale ay ka xoog badato codka shacabka, waxa dhaawacmaya mabda’a sinnaanta iyo isla xisaabtanka.

Haddii Dahabshiil ay rumaysan tahay in eedeymahaasi yihiin kuwo aan sal lahayn, waxaa dan ugu jirta inay soo dhoweyso baaritaan madax-bannaan oo hufan. Haddii kale, shakiga sii socda wuxuu dhaawacayaa kalsoonida shacabka.

Haddii maamulka Somaliland uu ka gaabiyo inuu tallaabo ka qaado oo uu baaritaan ku sameeyo Dahabshiil, ama  Dhiigshiil, awoodda keliya ee shacabka u hadhay waa inay isticmaalaan jeebkooda. Waa inay cadaadis waddani ah saaraan shirkadda, si aan dawladda iyo qarankaba loogu gacan gelin ganacsato aan wax kale dan ka lahayn  oo ahayn faa’iido dhaqaale.

Sidaa darteed, waxaan ku baaqayaa in la qaadaco ganacsiga Dahabshiil iyo dhammaan meheradaha ay leedahay, isla markaana aan wax ganacsi ah lala samayn, gaar ahaan gobollada Maroodi-jeex, Gabiley iyo Guban, ilaa uu Maxamed Siciid Ducaale iyo willashiisa Abdirashiid Ducaale iyo Maxamed Ducaale ay  faraha kala baxaaan  faragelinta qaawan uu ku hayaan  siyaasadda, sharciga,  kala dambaynta, iyo amniga  Somaliland.

Dhawaan ayay ahayd, Feb 2026,  markii la sheegay in Dahabshiil iyo Hormud/Telesom ay iibsadeen gaaska dabiiciga ah ee uu siday markab ay leedahay Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran (IRGC), kaas oo ku jiray  liiska cunaqabataynta ee Wasaaradda Maaliyadda Mareykanka. Markabkaas waxa uu ku soo xidhay Berbera isagoo ogolaansho ka haysta maanulka Cirro.

Waxaa xusid mudan in Maxamed Siciid Ducaale iyo wiilashiisu ay xaq buuxa u leeyihiin inay taageeraan xisbi siyaasadeed kasta oo ay doonaan. Sidoo kale, waxay awood iyo xorriyad u leeyihiin inay samaystaan xisbi siyaasadeed oo u gaar ah.

Hase yeeshee, waxa aan habboonayn inay ku soo gabadaan xisbiyo magac-u-yaal ah oo aan lahayn aragti siyaasadeed, mabda’ iyo hal-abuur lagu xallin karo dhibaatooyinka waaweyn ee Somaliland, sida maamul-xumada, musuqmaasuqa iyo saboolnimada baahsan. Haddii ujeeddada dhabta ahi ay tahay oo keliya in xisbiyada loo adeegsado sidii dariiq lagu hantiyi lahaa hantida qaranka iyo awoodda dawladda, waxay taasi dhaawacaysaa kalsoonida shacabka iyo geeddi-socodka dimuqraadiyadeed ee Somaliland.

Ugu dambyen, Dahabshiil ha ku  ekaato  doorkeeda ganacsi. Ganacsigu wuxuu kobciyaa dhaqaalaha; siyaasadduna waa inay u adeegtaa shacabka. Marka labadaas ay isku dhex milmaan, waxaa khatar gelaya dimuqraadiyadda, caddaaladda iyo nabadkgelyada Somaliland.

Ali-Guban Mohamed

Please follow and like us:
Whatsapp
Shares