Somaliland: Xuduudaha Gobollada iyo Halganka Gobolnimada Gabiley-Guban

Somaliland: Xuduudaha Gobollada iyo Halganka Gobolnimada Gabiley-Guban

Somaliland waxay jirsatay 35 sano; ilaa iyo haddana ma jiraan nidaam ama hab cad oo qeexaya xuduudaha gobollada, degmooyinka iyo magaalooyinka dalka. Taasina waxay sababtay in gobollada galbeedka ay weli ka jiraan is-qabqabsi iyo foodo baahsan. Foodahaas ayaa u suurtogeliyey madaxweyne-ku-xigeenkii hore ee Somaliland, Cabdiraxmaan Saylici, inuu abaabulo dhul-ballaadhsi qabiil ku salaysan oo lagu doonayo in deegaanno ka tirsan Gabiley-Guban iyo Salal lagu daro Awdal.

Maalintii ugu dambaysay ee Madaxweyne Siilaanyo xafiiska madaxtooyada ku jiray, xukunka wareejintiisana loo diyaar garoobayey 2017, wuxuu Saylici ka saxeexay in Cali Xaydh, oo ka tirsan Gabiley, lagu daro gobolka Awdal. Cid ka doodday ama ka dhiidhiday arrintaasina ma jirin. Waa dhul-ballaadhsi habaysan (systematic) oo ay wadaan siyaasiyiin fashilmay, aqoonyahanno ku-sheeg ah oo gudaha iyo dibaddaba jooga, iyo odayaasha dhaqanka Borama; abaabulkiisana dibadda ayaa qayb ka mid ah laga soo agaasimaa.

Awdal waa gobol ku salaysan kala-qaybintii beelaha walaalaha iyo xididka ah ee reer Somaliland—“Balkanization of Somaliland”—oo laga dhaxlay taliskii Siad Barre, Dafle iyo Muuse Rabiile. Siad Barre wuxuu 1987 wareegto ugu sameeyey Awdal, isaga oo markaas ujeeddadiisu ahayd inuu ku xumeeyo oo ku kala qaybiyo beesha Isaaq oo uu cadow u arkayey.

Waxa la yaab leh sida xariiqa xadka goboleed ee Awdal loogu sameeyey qaab aan taariikhda iyo xaqiiqada deegaanka ku dhisnayn. Guban oo dhan iyo Lughaya, oo ka tirsanaan jirtay degmada Gabiley, ayaa lagu daray Awdal. Doorashadii ugu dambaysay ee xorta ahayd ee Soomaaliya ka dhacday 1969, Gabiley-Lughaya waxay ahayd constituency, waxaana laga soo doortay Cali Warsame Bookh.

Maalintii Siyaad Barre xuduuddaas sameeyey, cid reer Gabiley-Guban ah oo hadli kartay ma jirin. Waxa lagu sameeyey qori caaradii. Waxase la yaab leh in 35ka sano ee xorriyadda la haysto aan la arag madax-dhaqameed, siyaasi ama aqoonyahan si dhab ah uga hadlaya xaqdarradaas.

Markii dalka la xoreeyey 1991, halkii siyaasiyiinta Gabiley-Guban iyo Somaliland ay sixi lahaayeen khaladaadkii Afweyne, waxay reer Borama ugu sii dareen dhul hor leh, kuraas baarlamaan, laaluush iyo mashaariic, si loogu sasabo inay mowqifka Somaliland raacaan. Cigaal, Ina Janbeer, Axmed Qootaale, Ismaaciil Faqash, Abeeb Tima-Cadde iyo Madaxweyne Biixi ayaa, sida ay dad badan oo reer Gabiley-Guban qabaan, qayb ka qaatay siyaasad dhul iyo dano siyaasadeed lagu kala iibsanayey si nabad-ilaalin muuqaal ah loo helo ama codad madaxweyne iyo jagooyin wasiirnimo loogu kasbado.

Waxaa kaloo madaxdii Wasaaradda Arrimaha Gudaha ka dhammaan waayey xuduudda u dhaxaysa Gabiley iyo Hargeysa, gaar ahaan Abaarso iyo Arabsiyo, halkii ay soo celin lahaayeen dhulkii taliskii hore xoogga uga qaaday Gabiley-Guban.

Ilaa maanta nabad dhab ah kama jirto galbeedka Somaliland. Mana jiri doonto inta muranka dhulka lagu xallinayo siyaasad qabiil iyo dhul-ballaadhsi. Sidee bay ku dhacday in gobollada Gabiley-Guban iyo Hargeysa, oo ay deggan yihiin dad lagu qiyaaso 1.5 milyan, ay u waayaan marin xeebta Gacanka Cadmeed oo ay taariikh ahaan lahaayeen?

Gabiley-Guban ma noqon karto oo keliya Gabiley, Tog-Wajaale, Alleybaday, Arabsiyo iyo Agabar. Gobolku waa inuu marin u leeyahay xeebta Gacanka Cadmeed, degmada Lughaya-na waa in laga maamulaa gobolka. Somaliland waxay leedahay xeeb dheer oo gaadhaysa 875 km—waa xeeb ku filan haddii si caddaalad ah loo maamulo. Gobollada badankood waa inay marin u helaan Gacanka Cadmeed si dadkoodu uga faa’iidaystaan khayraadka badda. Ma dhacayso in koox yar ama beelo yar ay xuurto ku haystaan xeebaha. Waa hanti ay dadka Somaliland oo dhami wada leeyihiin.

Waxa sidoo kale dadka Somaliland dhegahooda soo jiitay tirada badan ee ardayda ka soo baxday gobolka Gabiley. Tiro ahaan, ardayda gobolka waxay galeen kaalinta afraad. Waxaa intaas dheer in Gabiley yahay gobol muhiim u ah dalka marka laga eego wax-soo-saarka beeraha iyo cashuuraha, iyadoo wax-soo-saarka beeruhu uu gobolka gelinayo kaalinta koowaad.

Haddana, gobolka Gabiley weli ma helin gobolnimo rasmi ah. Wuxuu ka mid yahay toddobadii gobol ee Riyaale magacaabay, balse aan ilaa maanta si rasmi ah loo sharciyayn. Dhanka kale, Awdal waxaa wareegto ku magacaabay wasiirkii Arrimaha Gudaha ee taliskii hore, Gen. Dafle, isagoo oggolaansho ka haysta Siyaad Barre, hase yeeshee xuduudihiisa weli muran baa ka taagan. Gobolka Saaxilna Madaxweyne Cigaal ayaa magacaabay, balse isna si buuxda looma ansixin.

Si kastaba, labadaas gobol maanta waxaa loola dhaqmaa sidii gobollo rasmi ah, halka gobolladii uu magacaabay Madaxweyne Riyaale aan sidaas loola dhaqmin. Waxaa laga yaabaa in sababtu tahay tirada badan ee gobollada uu hal mar magacaabay, qaar ka mid ahna ay ahaayeen tuulooyin yaryar oo aan dhab ahaan u qalmin heer gobol. Lixdii gobol ee Gabiley lala magacaabay marka la isku daro, dadkoodu waxay ka tiro badan yihiin gobolka Gabiley kelidii. Xitaa Sanaag, oo dhul ahaan ka mid ah gobollada ugu waaweyn dalka, marka laga eego tirada ardayda iyo codbixiyeyaasha, Gabiley ayaa ka dad badan.

Maxaa Gabiley uga hor istaagay gobolnimo rasmi ah?

Marka hore, siyaasiyiinta gobolka ayaa qaybsan, badankoodna waxaa reer ahaan loo doortaa, iyagoo aan aqoon iyo garaad ku filan u lahayn inay qadiyadda gobolka ka hormariyaan jago iyo dano gaar ah. Marka labaad, bulshada gobolka ma laha hoggaan dhaqan iyo siyaasadeed oo midaysan. Marka saddexaad, dadka Gabiley waxay qaddiyadda Somaliland aad uga hormariyaan dantooda goboleed iyo isku-duubnida dadka Somaliland.

Ma arki kartid odayaasha Gabiley oo, sida reer Awdal, reer Sanaag iyo gobollo kale, qaylinaya ama ku hanjabaya inay dhaawacayaan qaddiyadda ama ammaanka Somaliland haddii dantooda la fulin waayo. Qodobkaas reer Gabiley ammaan bay ku mudan yihiin, laakiin iyagoo dalka ilaalinaya waa inay sidoo kale dantooda goboleed ka shaqeeyaan.

Haddaba, Somaliland ma shan, lix mise 13 gobol ayay ka kooban tahay? Jawaabtu waxay ku xidhan tahay cidda ay Somaliland la hadlayso. Marka ay Qaramada Midoobay la xidhiidhayso, gobolladu waa shan, Saaxilna wuxuu qayb ka yahay Waqooyi Galbeed. Marka ay doorashooyin jiraan, gobolladu waa lix. Marka loo baahan yahay in dadka reer Gabiley-Guban la madadaaliyo si codkooda loo helo, gobolladu waxay noqdaan 13.

Reer Gabiley-Guban waa inay ogaadaan in aanay jirin dawlad dhexe oo si iskeed ah ugu deeqaysa gobolnimo. Sidaas darteed, maxaa la gudboon?

Waa inay abaabulaan olole siyaasadeed oo hoggaan leh oo ka shaqeeya xaqiijinta gobolnimada Gabiley-Guban. Ololuhu waa inuu ka bilaabmaa dhammaan deegaanada Gabiley-Guban, iyadoo dhallinyarada iyo qurbo-joogtu hormuud ka yihiin. Codkooda siyaasadeed ee xooggan waa inay kula gorgortamaan xisbiyada qaranka, ayna madaxda Somaliland u caddeeyaan inaan mar labaad la dooran doonin cid aan dhaqaajin gobolnimada Gabiley-Guban.

Siyaasiyiinta, odayaasha iyo aqoonyahanka gobolka waa inay iska kaashadaan arrintan. Dadweynaha reer Gabiley-Guban ma doonayaan wax loo sadaqeeyo sida beelaha qaarkood; waxay doonayaan xuquuq ku salaysan dadkooda, dhulkooda iyo dhaqaalahooda.

Gabiley-Guban waa gobol leh dad, dhul iyo dhaqaale u qalma gobolnimo, xuduudna ku leh Gacanka Cadmeed. Waxa ku nool in ka badan afar beelood. Waxa keliya ee hortaagan gobolnimadiisa, sida ay dad badan oo reer Gabiley-Guban qabaan, waa siyaasad iyo siyaasiyiin ay ka mid yihiin kuwii hore u diiday. Beenta laga wado Borama iyo Hargeysa mar dambe ma socon doonto.

Siyaasiyiin badan oo reer Hargeysa ah weli waxay Gabiley, Wajaale, Alleybaday iyo Arabsiyo u haystaan tuulooyin yar yar oo duleedka Hargeysa ah. Waxay moodaan in dalku weli ku jiro 1960, xilligaas oo Berbera ahayd magaalada ugu dadka badan Somaliland. Laakiin maanta 1960 laguma jiro. Gobolka Gabiley-Guban ma noqon doono gobol dadkiisa iyo dhulkiisa lagu abatirsado, laguna helo codad lagu gaadho xafiis sare.

Gabogabo: Reer Gabiley-Guban waa inay hurdada ka kacaan oo dantooda ka hormariyaan wax kasta. Haddii dawladda dhexe ee isku-buuqsan ay dhagaha ka furaysato rabitaanka reer Gabiley-Guban, waxaa u badan inay gacantooda ku xaqiijiyaan gobolkooda.

Guul baan u rajaynayaa shirka bulshada reer Gabiley-Guban ee Minnesota. Waa in la xaqiijiyaa gobolnimada Gabiley-Guban, iyadoo xadkiisuna gaadhayo Gacanka Cadmeed, degmada Lughayana ay ka mid tahay.

Guul iuo Gobanimo

Ali-Guban

Editor 

Gubanmedia.com

Please follow and like us:
Whatsapp
Shares