Hassan Hussein Abdi: Somaliland uma baahna aqoonyahano buka

In su’aal la geliyo xuska maalinta qaranka Somaliland 18 May,waxa si toos ah u soo bandhigay Prof. Samater oo dad badan oo reer Soomaaliland ahi ay niyad samaan iyo sacab ku soo dhaweeyeen marki u dalka yimid isaga oo Soomaaliya ka soo quustay, dhalinyartu waxa ay filayeen in u xikmad iyo talo hore loogu socdo soo kordhiyo laakiin waxa uu doortay in uu reerkooda sadbursiimo u raadsho. Duqayda dibad wareega ahaan jiray ee Soomaalilandta lagu soo daayay ee nasteexa iska dhigaya laakiin sunta qaybinaya iyaga oo dadka kala qaybinaya waa badan yihiin oo waxa ugu wayn oo kale duqi Khatumo Pro Galaydh iyo Odaygi midnimada Soomaaliyeed mudadada dheer u guntana waa Ina Buuba oo isna bilaabay faji reeraysan oo damacsan in dadku aad u kala qaybsamo, isagu waxa u xidhiidh toosa la leeyahay dawlada Soomaaliya iyo wadamada taageera sida Qadar iyo Turkiga sifo Soomaalilanta balo looga abuuro, waxa uu isagu kaga duwan yahan labada oday ee kale waxa uu soo dhex mariya fajida xisbiga wadani iyo odayo dhaqameed, isagu waa ninka dib boodhka uga tumay Garxajisnimada oo aan mudo shaqayn inti Faysal Cali Waraabe reeka u sharaxna kaligii, in kasta oo aanay dhaliil ahayn haddi khayrka loo adeegsado.

Alle hawnaxariisto Xaaji Cabdi Waraabe oo ahaa xanjooyinka dadka isku haya ta ugu wayn oo tacab badan dalkan yar geliyay isaga iyo rag kale oo farobadan. Maanta haddi xanjadiina meesha ka baxdo masaskuna bataan Alle ha sahlo. Saddexdan oday, waa raggi Soomaaliland albaab walba ka soo xidhay oo dibada ah maanta waxa ay doonayaan in ay albaabada gudaha dalka ay xidhaan oo ay dad nabad iyo horumar hiigsanaya madaxa isu geliyaan. Saddexdan aqoonyahan ee hadalka macaani waxa ay ka siman yihiin dhanka fashilka siyaasadeed ee ay soo mareen marka sheekadu tabliiq ka wayn ee waa tafaariiqayn.

Sheekada kale ee labada Professor ka hadlaan ee Soomaaliland la wada leeyahay waa indho sarcaad ay dadka ku khaldayaan in kasta oo ay dheelitir la’aan xaga xilalka ahi jirto haddana waxa xildhibaanada lagu qaybsaday gobolo, gobolka ugu badan ee dhacani waa gobolka maroodijeex oo ay degan yihiin dadka ugu tirada badan Soomaaliland haddana aan haysan tiro u dhiganta matalaada xildhibaanada barlamaanka, gobolkani ma laha cid u dooda halka gobolada kale ay doonayaan tiro ka badan inta ay leeg yihiin dadka degani laakiin waa arrin furan oo mar kasta laga doodi Karo si dhab ah oo runta farta la iska saarayo, sidda qudha ee wax lagu qaybsan kara waa in gobol kasta halo tirada dadka degan matalaad u dhiganta, waxi inta ka duwani waa aniga oo tiro yar aan helo matalaad badan.

Ugu danbayn, saddexda oday ee waawayn ee bulshada sunta u qaybinaya haddi aan dhug loo yeelan, balada ay afuufayaan iyaga oo ka faa’iidaysanaya xorriyada hadalka ee dalka taala meel fog ba xalkeeda laga raadin doona, anigu waxa aan ku talin laha in la helo fikrado lagu burinayo doodooda iyo foodsaarahooda ay bulshada reernimo ugu qaybinayaan si aan dooda oo qudha loo dhagaysan si aanay bulshada u sadhayn, waxa ka mida dadka ay sumeeyeen xildhibaan Dhakoolka xidhan ee 18 May maanta in u muran geliyo doonaya isaga oo calanka tawxiidka le ku hoos jira oo dheeftiisana qaata. Qofka doonaya in uu maanta dood ka furo xuska qaranimada dalku waa mid is indho tiraya oo xaqiiqda dhulka taala dafiraya, Soomaaliland dibada waa laga dumin kari waayay laakiin maanta gudaha ayaa laga faro faraynayaa sida muuqata.

Hassan Hussein Abdi (Haydaro)

Bare sare, La-taliye iyo Cilmi baadhe

hassanhussein.haidaro@gmail.com

Please follow and like us:
Whatsapp
Shares