Fikrada Guban: Si Abaaraha wax looga Qabto, Doorashada waa inaan Dib loo Dhigin

Mudo Sanad Ka badan Somaliland waxa Ka Jiray abaaro baxaad leh.Abaarahaas oo saameeyey guud ahaanba dalka, siiba reer Miyiga iyo beeraleyda. Kuwaasoo dhaliyey biyo iyo baad la’aan, dadkuna iney Ka guuraan goobihii ay ay degenayeen, si ay u helaan raashin iyo biyo, iyo caws ay Siiyaan xoolahooda. Abaarahu markii hore waxay Ka bilaabmeen gobolada galbeedka, laakiin hadda gobolada bariga ayey aafooyinka abaaraha Ka taagan yihiin. Abaaraha waxaa dhaliyey roob yari ama roob la’aan.

Si loogu gurmado dadka abaaruhu ku dhufteen,Madaxweyne Silanyo waxa uu magacaabay guddiga gurmadka abaaraha ee qaranka.Guddiga waxa madax u ah Madaxweyne kuxigeenka, Saylici. Waxa Kaloo Ka mid ah wasiiro, ganacsato iyo shuyuukh.Guddiga ayaa Ka masuul ah maamulka, iskudabaridka, iyo  taakuleyta dadka ay abaarahu ay aafeeyeen.

Sida muuqata dadka Ka tirsan guddiga abaaraha wax khibrad  ah  uma laha maareynta iyo maamulida  aafooyinka : duufaanada, dhul gariirka, daadadka waaweyn iyo abaaraha xun ee jira. Guddiga Kama muuqdaan dad khibrad u leh gaadiidka iyo saadka, iyo badeecadaha(commodity).

Ilaa iyo hadda Guddigu ma aysan soo saarin warbixin ka waramaysa abaaraha.  Sida inta qof ee  u baahan taakuleyn,baxaada dhulka ay abaartu ay saameesay, iyo kharashka loo baahan yahay si wax looga qabto abaaraha.Guddigu ma aysan  soo saarin wax xisaab ah oo la xidhiiha side ay u isticmaaaleen lacagihii shacabka iyo dawladda ay ugu deeqeen abaaraha.

Ma Golaha Wakiilada mise maamulka Silanyo ayaa la xisaabtamaya guddiga abaaraha?

Horantii sannadki hore,  mar ay horimaadeen golaha guurtida, guddigu waxay soo saareen warbixin ku saabsan sida ay ku baxday lacag gaaraysa $2.5 malyun, oo u dhiganta sidatan: $1.7 million  oo ku baxday raashin loo qaybiyey dad gaaraya  30,000(sodon kun) oo qoys, iyo $300,000 oo lagu bixiyey gadiidkii raashinka qaaday.Waxa yaab leh  lacagta raashinka ku baxday iyo gadiidkaba, haddii lacagta loo qaybiyo  dadkii gargaarka loo fidiyey, qoyskiiba waxaa ku soo hagaagi  lahayd lacag ku dhow $600

Dadweynahu waxa is weydiinayaan maxay u shaqayn layihiin  haya’dda ka hortaga aafooyinka iyo xafiiska samafalka oo hoos yimaada madaxtooyada ?

Somaliland waxay ku taalaa gobol  u nugul  abaaraha. Aafooyinka  abaarahuna waa wax soo noqnoqda . Dadkeenu waxay ku nool  yihiin oo ay dhaqdaan xoolaha iyo waxa ka soo baxa beeraha yar yar.Xoolaha waxay u isticmaalan raashin, caano, gaadiid, iyo ganacsiba.Laakiin, hal  xilli oo roob la waayo ayey abaartu ku xaalufin kartaa xoolahooda iyo noloshoodaba.

Si loo badbaadiyo dadweynaha halista u ah abaaraha, waa inay hay’adda aafooyinka  laga  dhigaa  wasaarad oo kale, xafiisyana ku leh  gobolada wadanka oo idil,  shaqadeeduna  ay tahay saadaalinta, ka hortaga iyo taakuleynta abaaraha. Hay’addu waa inay leedahay  miisaaniyad  u gaar ah  sanad walba.Hogaamiyaha haya’daas waa inuu  noqdaa qof khibrad u leh hawshaas.

Ila kala duwan ayaa laga heli karaa misaaniyaada haya’daas: Dakhliga ugu badan Somaliland waxa uu ka soo galaa iibinta iyo dhoofinta xoolaha nool.Sanadkii  hore , dalku waxa uu dhoofiyey 4.5 malyun oo xoolo ah , oo iskugu jiray adhi, lo’, iyo geel. Dhoofiyaasha xoolaha waxaa soo galay lacag gaaraysa $240 malyun .

Maamulka Silanyo haddii uu neefkii la dhoofiyo uu saaro $1 oo lagu tala galay miisaaniyada  haya’adda aafooyinka, qaylo dhaanta iyo baryada faraha  badan wayno ka maarmi lahayn. Dadkeenu si deg deg aynu ugu gurman kari lahayn.

Waxaa kaloo la shaqayn kara haya’dda aafooyinka ciidamada.Miisaaniyada ciidamada waa in lagu daraa soo iibinta booyado biyo lagu dhaamiyo, oo ay isticmaalan ciidamadu, haddi ay abaar dhacdo loogu gurmadu dadweynaha.

Maxay dawladdu cashuur uga qaadi la’dahay shirhadaha isgaarsiinta iyo xawaaladaha?Waxaan doonayaa inaan  weydiiyo wasiirka maaliyada, Marwo Samsam: Waa maxay cashuurihii ay bixiyeen Telesom, Somtel iyo kuwa la mid ka ah, sanadihii 2010-2015?

Hawada qaranka shacabka ayaa iska leh. Shirkadii isticmaalaysa hawadeenna waa inay ka  bixiyaan cashuur shati (license fees) ay ku hawl galaan iyo dakhliga ka soo gala isticmaalka  dadweynaha telefanada gacanta(cell phone usage).

Malaayiin dollar oo cashuur ah ayaa ku maqan shirkadahaas, dawladuna way ku guuldaraystay inay so ururiso cashuurahaas,

Abaarta soo noq noqonaysa ka sakow,dhibaatada  Somalilaand ka jirta waa siyaasyiinta saaqiday, oo xilligoodii uu dhammaaday, baasabooro ajnabi ah haysta, ee golaha wakiilada dhex fadhiya oo aan hayn  wax fikrad ah ee lagu badbaadiyo dadweynaha abaaraha ama wadanka lagu hormariyo.

Siyaasiyiintaas qaarkood  waxay ku jireen Golaha  wakiilada 11-25 sanadood. Maalin qudha kama aysan hadlin abaaraha waddanka ka dhici jiray iyo saboolnimada nagu baahday.Laakiin, hadda, markii ay soo dhawaatey wakhtigii dooroshooyinka madaxtinimada 2017, waxay  doonayaan inay  qalalaaso ay waddanka geliyaan, si dib loogu  dhigo doorashada, iyagoo marmarsiiyo ka dhiganaya abaaraha .

Inkastoo dastuurka ogol yahay in doorashada dib loo dhigi karo, hadana doorashada oo dib loo dhigaa abaaraha darted, xalin mayso  xal waara oo loo helo saameynta ay abaarto ay ku  yeelatay reer miyiga.

Abaartu  waaa laga hortegi karaa , dhibaatada dadku ay  ku yeelan karto  waa la yarayn karaa, laakiin waxa innaga maqan waa talo,abaabul, qorshe iyo sidii loo fulin lahaa qorshahaas.

Wadan sabool ah oo aan la aqoonsanayn uma baahna dib u dhigid doorasho.Doorashada oo dib loo dhigaa dawladnimaada iyo degenaashaha wadanka ayey wax u dhimi kartaa.Waxaan  u baahanahay doorasho xor iyo xalaal ah , si  Afrika iyo addunkaba loo tuso inay Somaliland ka go’an tahay inay aayaheeda ka tashato.

Waxay kaloo dooroshadu ay siinaysa dadweynaha fursad ay kula xisaabtamaan dawaladda siday waxa uga qabatay abaaraha, saboolnimada baahsan, nabadgelyada iyo adeegyada bulshada.

Somaliland uma baahna siyaasi saaqiday oo danayste ah  lagana soo abaabulay dibadda,qabiilna ku gambanaya, dantiisuna ay tahay inay Somaliland noqoto gobol Somalia  ka mid ah.

Ugu dambeyntii, anagoo kaashanayna Ilaahey, si  abaaraha iyo saboolnimada wax looga qabto, Somalilandna hore ugu socoto, himilooyinka dadwyenaha ay ku doonayaan inay ka mid noqdaan wadamada xorta ah ee caalamka ay u hirgasho, doorashadii afaraad ee madaxweynimada Somaliland, waa inay  lagu qabtaa wakhtigeeda, March 27, 2017.

 

Ali Mohamed

Lewis Center, Ohio

Editor and Founder, Gubanmedia

He can be reached @ aliadm18@gmail.com

Twitter: @Gobanimo2

 

 

Please follow and like us:
Whatsapp
Shares