Ololihii doorashooyinka madaxtinimada 2022 iyo hogaanka xisbiga Kulmiye oo ka bilaabmay Madaxtooyada JSL

Hargeysa– Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta qasriga madaxtooyada ku qaabiley Salaadiin ka socday Bariga Burco/Caynaba oo uu madaxweynuhu u fidiyey martiqaadka kulanka, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay madaxtooyada Somaliland.

Qoraalka madaxtooyada, ayaa lagu sheegay in kulankaa Lagaga wada hadlay qodobbo ay ka mid ahaayeen horumarka dalka, nabadgelyada iyo xaalada Dalka. Waxaanu kulankaasi ku soo dhammaaday is-afgarad iyo jawi wanaagsan.

Waxa kulanka madaxweynaha ku wehelinaayey Wasiirrada wasaaradaha, Arrimaha Gudaha, horumarinta Biyaha, Horumarinta Caafimaadka, Caddaalladda, Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka, Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah iyo Guddoomiyaha Hay’adda Qaxoontiga iyo Barakacayaasha, sida lagu sheegay qoraalka madaxtooyada.

Madaxtooyada Somaliland

Please follow and like us:
Whatsapp
Shares