Sharaxaad: Waxa uu ku salaysan yahay muranka siyaasadeed ee doorashada JSL 2022

Daawo Abdirahman Dheere oo ahaa xildhibaan ka tirsanaa barlamaanka JSL oo sharaxaya waxa uu ku salaysan isqab-qabsiga siyaasadeed ee Somaliland ka taagan. Abdirahman runta ayuu ka sheegay muranka.

Waxa loo baahan yahay in dad isaga oo kale ayey soo baxaan oo runta ka sheega beenta waddani iyo inta u shaqayso ay ku guulaysteen inay fidiyaan. Beentaas  oo ay qayb ka yihiin saxaafad ku sheega la iibsado.

JSL xal u noqon mayso Xeer jajab  ay soo maleegaan mar walba  odayaal koofiyado baclayaal , wadaado xag jir ah, ganacsato hunguri weyn, iyo siyaasiin fashilmay uu wadanku u afduuban yahay.

Siyaaasiintaa waxa ka mid ah Cirro iyo Faisal Ali: Labadan oday, carruurtooda waxa waxabarashadooda, hoygooda, caafimaadkooda, dharkooda, iyo raashinkooda, bixiya oo masuul ka ah dawlada Finland. Hase yeeshee,  waxa ay doonayaan carruurta dadka sabool ah oo awoodin inay carruuratooda dugsiyo dhigtaan ama raashin ku filan haysan  inay iyaga u dhinataan si ay kursiga madaxtinimada ku fadhiistaan.

Cirro iyo Faisal Ali waxay ay ka taajireen kuna naaaxeen siyaasada JSL iyagoo adeegsanaya xisbiyada kootada ugu xidhan. Ma doonayaan in la furo ururo cusub. Waxay doonayaan inay siyaasada JSl iyaga u xidhnaato.

Cirro waa doqon faashil ah, dawladnimo, diinta Islaamka, iyo siyaasadna waxba aan ka garayan. Waxaa isticmaalaya tuuga Xirsi-Gaab ee u adeegaya danaha Dahabshiil aka Dhigshiil.

Odayaashan baclayaasha, culimada xag jirka , ganacasatada wax walba xaalaystay, iyo siyaasiinta ku shaqaysta dooni maayaan  JSl  noqoto qaran ku salaysan dastuur iyo sharci, lehna taariikh,halyeeyo, iyo hadaf iyo dan isku mid ah, loona wada dhan yahay.

Yoo yoontay, isqab-qabsi, iyo muran siyaasadded oo mar walba taagan xilli walba ay doorasho dhacayso laguma jiro karo.  Waxa socda waa waali. Arrintan waxay dani ugu jirtaa kuwa u adeegaya cadawga Somaliland.

Sidaa darteed, Muuse Bihi wuu ku qasban yahay inuu ururada furo;  kuwii ku soo baxana ay u tartamaan doorashashda madaxtinimada 2022.Somaliland waxay u baahan tahay hogaamiye  la yimaada barnamaaj siyaasadeed ee  lagu badbaadiyo qaranka ay ku soo duuleen kuwa doonaya inay Somaliland noqoto gobol sabool ah oo ka mid Somalia.

Guul iyo gobanimo JSL

Please follow and like us:
Whatsapp
Shares