Doorashada madaxtinimada 2017 oo dib loo dhigay; abaaraha dartood

Hargeysa, Somaliland(GM)–Fadhi ay iskugu yimaadeen Madaxwayne silaanyo, Madaxweyne ku-xigeen Saylici, gudiga dorashooyinka, iyo murashixiinta xisbiyada qaranka waxay go’aan kugaadheen in doorashada dib loo dhigo , si abaaraha baahsan wax looga qabto.Doorashadaas oo dhici lahayd  March 28, 2017.

Ka dib fadhigaas,Madaxweyne ku- xigeen Saylici waxa uu shir jaraai’d  ku yidhi,  “In mar labaad koomishinka doorashooyinka iyo  saddexda  xisbi qaran ay talo iskula noqdaan, si aanay mar labaad inugu noqon kacaa kuf,  in qolo walba dhankeeda ka soo baaran dageyso mudada ugu haboon aan kaga bixi karno xaalada adag aanu galnay..”

Ilaa iyo hadda ma cada  wakhtiga ay dhacasyo  doorsasha madaxtinimada ee 2017.

Mudo Sanad Ka badan Somaliland waxa ka jiray abaaro baxaad leh.Abaarahaas oo saameeyey guud ahaanba dalka, siiba reer Miyiga iyo beeraleyda. Kuwaasoo dhaliyey biyo iyo baad la’aan, dadkuna iney Ka guuraan goobihii ay ay degenayeen, si ay u helaan raashin iyo biyo, iyo caws ay Siiyaan xoolahooda. Abaarahu markii hore waxay Ka bilaabmeen gobolada galbeedka, laakiin hadda gobolada bariga ayey aafooyinka abaaraha Ka taagan yihiin. Abaaraha waxaa dhaliyey roob yari ama roob la’aan.

Please follow and like us:
Whatsapp
Shares