Adeega bulshada: Ceel laga qoday Banka Wajaale

Banka Wajaale— Maamulka gobolka Gabiley ,madaxdhaqameed iyo maamulka magaalo ganacsiyeedka Tog-Wajaale ayaa kormeer ku tagay ceel biyood laga hirgaliyay banka mashruca Wajaale oo laagu talo galay in laga waraabiyo bulshada magaalada Tog-Wajaale.

Ceelbiyoodkan ayaa waxaa shacabka deegaanka wajaale ugu deeqay muwaadin u dhashay dalka Kuwait.

Sheekh Faarax oo ka mid ah  bulshada reer Somaliland ee deganaa dalka Kuwait ismarkaana hormuud ka ahaa in uu suurto gali qoditaanka ceel biyoodkani ayaa ugu horay umahad celiyay muwaadin udhashay dalka Kuwait ceel ugu deeqay shacabka deegaanka wajaale.

Sidoo kale waxaa hirgalinta ceel biyoodkan ug mahad celiyay cidkasta oo gacan ka gaysatay guddoomiyaha gobolka Gabiley , Duqa magaalada Gabiley iyo xubno salaadiyiin ah.

Halkan ka daawo sheekadii oo dhan:

 

 

Please follow and like us:
Whatsapp
Shares