Baaq saxaafad: Shirkii afaraad ee Beel waynta Ciise Muuse oo ka dhici doona London December 28-29, 2019

December 02, 2019

Assalama Aleikum,

Dhammaan qurbojoogta beel waynta Ciise Muse ee qiimaha leh ee ku kal nool dhamaan daafaha dunida, waxaa lagu wargelinayaa in uu shirweynihhi qurba jooga Ciise Muuseee 4aad ka dhici doono magaalada London, iyadoo ay soo dhamaadeen wixii farsamooyin ahaa ee loo baahnaa oo dhan.

Hadaba waxa laydin ogaysiinayaa i uu shirku qabsoomi doono taariikhdu markay tahay Sabtiga, December 28-29, 2019. Goobta lagu qaban doono shirku waa: Bridge Park Community Center, Harrow Rd, Stone Bridge NW10 ORG.

Sidaa iyo ka soo qayb qal wacan dhamaantiin. Wixii faahfaahin dheeraad ah kala soo xidhiidh gudiga qabanqaabada shirka ee hoosta  ku qoran

Mahadsanid.

Please follow and like us:
Whatsapp
Shares