Cadami: Talooyin ku socoto Musharixiinta Madaxweynaha, Q1

Waxa dhawaan si rasmi ah u bilaabmaya ololihii doorashada Madaxtooyada inkasta oo uu markii horeba iska socday, markii xisbiyadu ka dhego adaygeen sharciga iyo amarkii guddida doorashooyinka. Haddaba inkasta oo ay jiraan dad musharraxiinta ku kala taageera caadifad iyo gurdan raac, shicib weynuhu wuxuu isha ku haya ama dhawraya xisbiga ama musharraxa ololihiisa mudnaanta siinayo in uu wax ka qaban doono dhibaatooyinka xannuunka badan ee bulshada la daala dhacayso iyo qodobo kale oo khuseeya dhismaha qaranka.

Xafladdaha dhoolotuska ah ee xisbiyada iyo khudbadaha madaxdu inta badan kama turjumayaan tabashada iyo dareenka dadweynaha. Hebel/heblaayo ayaa xisbi hebel ka soo baxay ama xisbi hebel ku soo biiray, weedho naxli leh oo midnimada saydhaynaya iyo aflagaadooyin fool xun oo shakhsi lagu weerarrayo wax macno ah u samayn mayso shicibkan yaaban, quluubtoodana sidaa laguma kasban karo.

Saddexda musharrax ayaan la hadlaya waxaan u soo jeedinaya in ay istiraatijiyada ololaha wax ka bedelaan oo ay ku abaaran ama ka jawaaban tabashada iyo waxa ka guuxaya codbixiyaha, waxaana ka mid ah:

Distoorka: 20 sannadood ka hor waxa la qoray distoor qabyo ah oo bedelay Axdi Qarameedkii hase ahaatee xukumaddihii kala dambeeyay iyo goleyaasha sharci dejintu iskumay taxluujin, xilna iskamay saarin dhammaystirka distoorka. Xil gudasho la’aanta saddexda gole waxay sababtay in Somaliland markasta sharciga la isku khilaafo iyo muran joogto ah sidaa awgeed shicibku waxay codkooda siinayaan musharraxa mudnaanta siinaya qabyo tirka distoorka.

Musuqmaasuqa: Barnaamijyada xisbiyada dhammaantood waxa ku xusan in ay si dhab ah ula dagaalami doonan musuqmaasuqa laakiin, hadda ogow Madaxweyne Axmed Siilaanyo-ba markii uu mucaaradka ahaa wuxuu hal hays u lahaa in maamulkiisu noqon doono mid ka fayow musuqa iyo in uu ilaalin doono hantida umadda, maxaase ka dambeeyay? In xukuumaddiisii noqotay hooyadii musuqmaasuqa. Sidaa daraadeed shicibku ku qanci maayo ballan qaadyo afka baarkiisa ah iyo erayo qurux badan oo buug lagu xardhay; waxay rumaysanayaan marka musharraxu u soo bandhigo qorshe cad iyo nidaam habaysan oo lagu cidhib tirayo musuqmaasuqa.

Mudane Musharrax horumarka iyo barwaaqada aad ku baaqayso waxba kama jiraan, haddii aan marka hore xididdada loo siibin musuqa, waxaanad ogaata waddanka musuqmaasuqu dishoodo sida Somaliland oo kale dhaqaalihiisu ma kobco, deeqaha beesha caalamka ma helo ama waa laga yareeya, lama maalgashado oo waan la aamminayn.

Dib u soo celinta hantidii umadda laga dhacay: Mudane musharrax haddii aad ku dhiirran waydo ama aad u habrato raggii iyo dumarkii hantidii umadda boobay waxa laguu arki doona in ay ujeedadaadu ahayd ‘kursiga ha layga kaco waa markaygiiye anna aan cunee(it is our turn to eat). Musharrax Madaxweyne haddii ay kaa dhab tahay in aad tahay hoggaamiye dadkiisa daacad u ah ama ay kaa go’an tahay horumarinta dalku, markaa way kuu fududaan karta in aad soo celiso xoolihii agoonta laga dhacay, islamarka waxay cashar u noqon doonta madaxda iman doonta.

La Soco Qaybta 2-aad

Cabdiraxmaan Cadami

Abdirahmanadami22@gmail.com

Please follow and like us:
Whatsapp
Shares