Colonel Muse Biixi: Murashax Mudan inuu Hogaamiyo Somaliland

Toban maalmood ka dib, waxaa dhici doono shirweynihii xisbiga Kulmiye ee talada haya ay ku dooranayaan murashaxa madaxweynenimada  xisbiga 2017. Ilaa haada, waxaa ugu cad cad, guddoomiyaha xisbiga Kulmiye,  Colonel Muse Biixi, mujaahid u soo dagaalamay  Somaliland.Waxaa daba jooga,  murashaxiin  is-bahaystay: Cabdicasiis Samaale, wadaad isku rogay siyaasi;Wasiirkii hore ee Arrmiha Dibedda, Maxamed Yoonis, hawl gabe u shaqayn jiray Qaramada Midoobay iyo Bankiga Horumarinta Afrika(ADB) haystana dhalasho kanada;iyo xildhibaan Ahmed Nur Kijaandhi ,oo aan si fiicaan loo garanayn. Murashixiinta dhammaantood mid keliya  ayaa  mudan  inuu madaxweyne Somaliland ka noqdo.

Hase yeeshee, murashixiinta is-bahaystay ka sakow, waxa jahwareer abuuraya,  hadalo is burinayo ee ka soo baxaya afhayeenka dawladda Somaliland , Cukuse. Isagoo la socda wafdigii Madaxwyne Silanyo ee ku sugnaa London, Cukuse waxa uu  yidhi,”Madaxayehanaha  ayaa murashax ah.” Laakiin, Markuu Silanyo dalka ku soo laabtay, weriye ayaa su’aal  weydiiyey Silanyo, “inuu murashax yahay iyo in kale?” Ka dib waxa la arkayey ,lana maqlayey Cukuse oo Silanyo dhegta ugu sheegaya oo leh,  “ Ha la gaadho wakhtigeeda.” Silanyona  sidaas ayuu ku jawaabay.

Sida la wada og yahay Xisbiga Kulmiya  waxa uu leeyahay xeerar uu ku dhaqmo .Hoggaanka xisbiga  ayaa ka mas’uul ah habka, wakhtiga,  iyo goobta lagu dooranayo murashaxooga  madaxweynenimada 2017. Dad badan  anigu aan  ka mid ahay waxa  yaab ku noqotay, codsiga ay musharixiinta is- bahaystay ee uu hogaaminayo Maxamed Yoonis ku weysdisteen Silanyo inuu sameeyo gudddi dhexdhexaad ah oo maamusha arrimaha doorashada xisbiga. Silanyo waa uu ku saxsan yahay in uu xisbiga lagu faragelin qabanqaabinta doorashada murashaxa madaxweynenimada  xisbiga Kulmiye  2017.

Kooxdan yar ee is-bahaystay waxay ka kooban yihiin: hogaamiyaha Al-islaax ee Somaliland,  Cabdulcasiis Samaale; ganacsato dano gaar ah leh, oo  doonaya inay isticmaalaan Maxamed Yoonis, si  ay ula waraageen xisbiga kulmiye , ka dibna u taliyaan waddanka .Kooxdan waxay u adeegayaan waddamo iyo ururo sida UNta oo cadaw ku ah xoriyadeena iyo madaxbanaanideena, doonayana inay Somaliland noqoto waxyaabaha lagu sheego maamul goboleed Somaliya ka mid ah.

Kooxdan waxay kaloo bilaabeen inay dacaayad raqiis u mariyaan warbaahinta iyo barta internetka sida waaheen oo  ay ku  weeraran  sumcada Guddomiyaha xisbiga Kulmiye, colonel Muse Bixi.Laakiin, dadka reer Somaliland fikrado  ayey ka haystann Muse, waxa uu  gudo, iyo taariikhdiisaba..

Murashax Muuse Biixi waxa keliya oo u baahan yahay in uu  ka dhaadhiciyo dadweynaha halka uu Somaliland u horseedi doono.Waxa kaloo loo baahan yahay Muuse Biixi inuu soo bandhigo ajanjidihiisa siyaasadeed ee wax looga qabanayo dhibaatooyinka haysta dadkeena sida: saboolnimada baahsan, adeegyada daruuriga sida laydhka iyo biyaha, cadaalada,  maamul xumada dhulka, iwm.

Kuwa aanan aqoon u lahayn Colonel Muuse Biixi, waa nin wadani ah, geesi ah, wuxuuna leeyahay taariikh qaali ah. Horantii 70kii, waxa uu soo dhammaystay kulliyad milatari ee ku taal Ruushka oo lagu   barto cilmiga hawada iyo duulista. Waxa uu soo bartay hage (“navigator”)diyaarada “Sukhoi Bomber”. Waxaa kaloo uu  waxbarasho dheeraad xaga hogaaminta ku soo qaatay Wright Patterson Airforce base, Ohio,  Amerika.

1980kii,markuu keliye-taliyihii Siyaad Barre oo adeegsanaya ciidamadii wuxuushta ahaa(faqashta) ay hantideenii burburiyeen,  tuulooyinkeenii iyo magaalooyinkeenii dhulka la simeen , xeebeheena xaalufiyiin, ceeleasheeni sumeeyeen ,  Colonel Muuse Biixi iyo mujaahidiin kale oo qaarkod naftooda  u huray ayaa sida geesinimo leh waxay ula dagaalameen Ciidankii Siyaad Barre, oo xitaa isticmaalay dayuurado si loo xasuuqo dad shicib ah oo bax sad ah.Maanta xorriyada  aan haysano, Colonel Biixi iyo asxaabtiisa , Ilaahey ka sakow, iayagaa ayaa mahadeeda iska leh.Xaqiiqdii, Biixi laba jeer ayuu dhaawacmay isagoo kula dagaalameyey cadawga  luuq-luuqyada, dhiigo dadsanaa ee Hargeisa.

Colonel Muse Biixi wuxuu noqday wasiirka arrimaha gudaha  maamulkii Madaxweyne cigaal ee dhidhibada u aasay hannaanka dawladeed ee ka jirta waddanka. Muuse waxa  kale uu ka qaybtay hub ka dhigistii,  nabadeyntii, iyo dib-uheshiisiintii beelaha Somaliland, siiba gobolada galbeedka.

2002, Markii Somaliland ay ka hana qaaday dimoqoraadiyda xisbiyada badan, Colonel Biixi wuxuu adeegsaday khibradiisa hogaamiyeed. Biixi wuxuu ka mid noqday madaxdii sare ee Xisbiga Kulmiye, garabkiisa gobolada galbeedka ee Somaliland. Biixi wuxuu qayb libaax ka qaatay Guushii Silanyo ee 2010 ee jagada madaxweynimo. Laakiin,  Silanyo iyo  garabka Kulmiye ee wadaada (Islaax iyo Salafiyiinta) ayaa hor istaagay in  Musse Biixi iyo odayaashii Kulmiye  ka mid noqdaan maamulka Silanyo. Bixii marnaba kama uusan tegin xisbiga, mana wiiqin midnimada xisbiga.

Maxamed Yoonis oo ku cusub siyaasadda beelaysan ee Somaliland, waa nin wanaagsan oo sharaf leh, mudo badana dibedda ka soo shaqeeyey, laakiin waxyaabo fara badan ee arrmiha siyaasadda dibedda  ayuu ku khaldan yahay oo waxyeelay Somaliland. Wuxuu qaatay siyaasad uu ku qancinayo cadawgeena.Yonis wuu ku khaldan yahay wada hadalada uu la wado dawladda taagta daran ee Somaliya, oo dastuurkeeda qabiyada ah sheegayo, “ Somaliland inay tahay gobol ka mid ah dhulkeeda,” amba wada shaqaynta  dadban ee  uu la wado United Nations, qaybteeda  siyaasadda ee Somalia (UNSOM)— oo qortay, bixisayna kharashka ku baxay dastruurkeeda.UNSOM oo ka xun nabada iyo xorriyada ka jirta Somaliland, waxay ka shaqeyneysaa  Somaliland inay ka mid noqoto is qabqabsi xalka loo waayey ee ka socda Mogadishu, ilaa iyo 1991.

Reer Somaliland way ka daaleen dacaayado raqiis ah.Waanu ka daalnay daciifnimo iyo jilicsanaan.Waanu ka daalnay khiyaamooyinka, mashquulinta, beenta, iyo faanka madhan ee Maxamed Yoonis ee uu ku faanayo , “ waxaan ka soo shaqeeyey United Nations iyo Bangiga Horumarinta Afrika.” Wax weyn oo lagu faano ma aha UN ama ADB ayaan soddon sano ka soo shaqeeyey. Ururadan waxaa ku baahsan musqmaasuq, maamul xumo iyo wax isweydaarin fara badan. Waa Ururo loogu tala galay waddamada soo koraya  in lagu gumaysto ama dhaqaalahooda lagu wiiqo. UN, ADB iyo kuwa la mid  ahba waxay cadaw ku yihiin nabadda, xasilloonida ay dad Afrikaan oo sabool ah sida Somaliland  samaysteen. Somaliland dani uguma jirto inuu hogaamiyo nin  ka yimid ururadaas.Waddanku waxa uu baahan yahay hogaamiye difaaci kara qaranka, fahansana kaalinta ay Somaliland kaga jirto gobolka aan degenayn ee Geeska Afrika.

Ergada Kulmiye way igu raaci doonaan Maxamed Yoonis ama Cabdulcasiis Samaale, inaysan labaduba ahayn hogaamiyaha Somaliland maanta u baahan tahay.

Waxaan kula dardarmayaa ergada, odayaasha xisbiga Kulmiye, siiba Madaxweyne Silanyo, oo waddankan u soo halgamay, laxjeclana ay ka hayso qaranka, inay danta shacabka iyo wadanka ay ka hormariyaan  mida shakhsi, koox ama ganacsato.Silanyo iyo odayaasha xisbiga waxaan ugu yeedhayaa inay ka badbaadiyaaan waddanka  Kooxdan doonayso inay afduubto xisbiga kulmiye iyo qarankaba. Habka loo xulayo ergada iyo doorashada  musharixiinta waa inay noqotaa mid dimiqoraadi oo hufan. Somaliland iyo gobolkuba waxay eegayaan habka loo maamulo doorashada  murashaxa madaxweynaha xisbiga Kulmiye 2017.

Labo todobaad ka hor, Shir jaraaid uu ku qabtay Airport Hargeisa, Ka dib markuu ka soo laabtay Ireland,Yoonis waxa uu yidhi,ergada Kulmiye  marka ay dooranayaan murashaxa  madaxweynenimada xisbiga 2017  waa inay  ku doortaan, “…aqoon, waayo aragnimo, karti, iyo taariikh qaali ah oo qofka leeyahay.”

Haddii aan xitaa tixgelino shuruudaha Yoonis  kula taliyey  inay ergado eegto marka ay dooranayaan  murashaxa  madaxweynenimada  xisbiga Kulmiye 2017, Colonel Biixi oo ah halyey qaran, waa  murashaxa keliye mudan inuu  hogaamiyo Somaliland. Insha-Allah,Wuxuu noqon doona taliye guud ee ciidanka oo wanaagsan sababtoo ah xidhiidh wanaagsan ayuu la leeyahay dhammaan ciidanka.Colonel Biixi waa hogaamiye  rugcadaa oo goobo dagaal iyo mid siyaasadeed soo maray. Colonel Biixi waxa uu  kaloo leeyahay  sifooyinka madaxweyne lagu noqdo: daacadnimo, waayo-aragnimo, iyo hogaamin.

Ali Mohamed , kala xidhiidh aliadm18@gmail.com ama Twitter: @Gobanimo2

Lewis Center, Ohio

Please follow and like us:
Whatsapp
Shares