Faalo: Ibrahim Meecaad oo uga digay reer Gabiley “Tolayeey ii codeeyo isku reer baanu nahay”

Ottawa, Canada—Prof Ibraahim Maxamed Meecaad oo ka mid ah aqoonyahan reer Somaliland Ee ku dhaqan dalka Canada Ismarkaana kamid ahaahormuudkii halgankii dib uxoraynta Somaliland ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in xisbiga wadani iyo xukuumadu bulshada la soo hor fadhiistaan yooyootan iyo eedo ay iskugu jeedinayaan dhanka kale prof Meecaad ayaa sheegay in beesha uu Kasoo jeedo Madaxwayne biixi dhib iyo afgalaado ay beelaha ujeediyaan mooyee aanay waxba ka faa,iidin xukunkiisa isagoo si gaara uxusay sida reer gabiley ugu khasaareen xukuumadihii kulmiye iyo cay iyo godobta ay ka dhaxleen. cidbaa somaliya ah iyo wasiirada qaar ayaa danahooga ku ah Somaliland taasi oo ceeb ku ah in shacabka lala horyimaado arimahaasi.

Sidoo kale Prof Ibrahim Meecaad ayaa ka digay abaabulka Madaxwayne Biixi Iyo kala qaybinta beelaha Somaliland oo uu bilaabay 4  sano kadib  isagoo doonaya in  markale codka lagu siiyo tolaayeey  Sacad Muuse oo xukunkiisa dhib mooyee  aanu dheef ulahayn isagoo bogaadiyay siyaasiyiin xisbiyada mucaaridka ee  beesha  ka soo jeeda oo arintaasi  ka soo horjeestay in mar kale umada la kala qaybiyo.

Dhanka kale prof Meecaad ayaa sheegay in beesha uu Kasoo jeedo Madaxwayne biixi dhib iyo afgalaado ay beelaha ujeediyaan mooyee aanay waxba ka faa,iidin xukunkiisa isagoo si gaara u xusay sida reer Gabiley ugu khasaareen xukuumadihii kulmiye iyo cay iyo godobta ay ka dhaxleen.

Daawo Ibrahimm Meecaad oo Ka  faloonaya yooyootan iyo eedo ay iskugu jeedinayaan Xisbiyada xuurtada ku haysta Somaliland:

 

 

Please follow and like us:
Whatsapp
Shares