Hantidhawraha Guud Ee Qaranka Somaliland Oo Joojiyey Xisaabaadkii Baananka Dalka

Hantidhawraha Guud Ee Qaranka Somaliland Oo Joojiyey Xisaabaadkii Baananka Dalka Amarna Ku Bixiyey Inaan Waxba Laga Saarin Wakhtiga Ka Hadhay Xilwareejinta Madaxweynaha Cusub.

“Waxaanu Wareegto Kasoo Saarnay Wakhtiga Xilwareejinta ka Hadhay in Haayad kasta oo Qaranka ah loo ogol yahay Isticmaalka Mushaharka Shaqaalaha, Raashinka Ciidanka Shidaalka iyo Nalka & Biyaha”

 

Hargeisa():-Hantidhawraha Guud Ee Qaranka Somaliland Ayaa Amaro cusub Waxaa Uu Kasoo Saaray Dhammaanba In La Joojiyey Xisaabaadkii Ka Socoday Baananka Kala Duwan ee Dalka Kuwa gaarka looleeyahay ee Private-ka ah iyo Kuwa Dawliga ahba.

Waxaana Hantidhawraha guud ee Qaranka Somaliland Mudane Siciid Saleebaan Mire Oo Shir Jaraa’id ku Qabtay Xafiiskiisa Ayaa Waxaa Uu Kula Socodsiiyey haayadaha kala Duwan ee Ay Wada Shaqaynta Leeyihiin In Gabi ahaanba La Hakiyey Dhaqdhaqaaq Xisaabeedkii Xukuumada uga Furnayd Baananka Dalka.

Siciid Saleebaan Mire Hantidhawraha guud Oo Fariintaasi Amarka la Socodsiinaya Haayadaha Kala Duwan Ayaa yidhi sidan, “Hantidhawrka Qaranku Waxa uu Joojiyey anagoo la socodsiinayna Haayadaha aanu wada shaqaynta leenahay sida Bangiga dhexe, Baanka Dahabshiil, Salaama Baanka, iyo birimiyeer baanka Waxaa La Joojiyey Dhammaan Xisaab Socotooyinkii haayadaha Qaranka dhamaantood in aan waxba laga saari Karin wakhtiga ka hadhay xilwareejinta Madaxweynaha Cusub,marka laga reebo waxyaabaha daruuriyaadka ah ee shaqada qaranku ku socoto, anagoo dib kasoo sheegi doona wakhtiga la siidayn doono, sidaa darteed waxaanu la socodsiinaynaa dhamaan gudoomiyeyaasha bangiyada aanu kor kusoo sheegnay waxaanu joojinay maanta laga bilaabo xisaab socotooyinkaasi ilaa amar danbe kasoo baxayo xafiiska hantidhawrka Qaranka Somaliland”.

Dhinaca Kale Hantidhawraha Qaranku Waxaa Si Adag uga Hadlay Baabuurta Kala Duwan ee Lagu Xidho Numberada aan Sumada Dawlada lahayn Islamarkaana Loo Adeegsado Sifo aan waafaqsaneynen ilaalinta hantida qaranka,isagoo ka hadlayana waxa waxa uu yidhi Siciid Saleebaan Mire Hantidhawraha Guud Sidan, “Waxa alla wixii gaadiid dawladeed ah ee aan sidan GT-number ama Sumada Gaadiidka Dawlada Cidda Wada iyo Gaadhigaba Haayadaha Amaanku Waxay Amar ku haystaan inay Xereeyaan islamarkaana Xidhaan,Waxaa iyana jira gaadiid aad u tiro badan oo ah boqol iyo dhawr iyo toban gaadiida oo haayada qaranku leeyihiin oo fadhiya islamarkaana ciladi ku timid ama xumaaday,Waxaa loo baahan yahay in haayad kasta iyo xafiiska uu kusoo xereeyo Xarunteeda,oo aan la odhan gaadiid hebel waxa la geeyey geerash hebel ama waa la hagaajinayaa, Si arag iyo taabasho ah Waxa loo baahan yahay inay ugu sugnaadaan haayad kasta oo Qaranka ah Xarunteeda.

Sidoo kale Hantidhawraha Guud Ee Qaranka Somaliland Waxaa uu Shaaciyey In Madax xigayaasha Socon kara ee La Ogol yahay wakhtiga ka hadhay Xilwareejintu ay kala yihiin sidan.

“Madax xigayaasha socon kara ee la ogolaaday inta xilwareejintu dhacayso waxay kala yihiin, kow raashinka Ciidanka, Shidaalka Dawlada, agabka lagu isticmaalo xafiisyada ee loo yaqaan Stationariga, Musharka Shaqaalaha Joogtada Ah iyo musharaka Shaqaalaha aan joogtada ahayn,gunooyinka, iyo Nalka iyo Biyaha Intaas oo qudha ayaa Soconaya Ilaa Ay Dhacayso Xilwareejinta Madaxweynaha Cusub iyo Xukuumadiisu la Wareegayaan Shaqada Qaranka”.

Sikastaba ha ahaatee amaradana Is Xigxiga ee Kasoo baxaya hantidhawrka Guud ee Qaranka Somaliland Ayaa Kusoo Beegmay Wakhtiga Kooban ee Ka hadhsan Muddo Xileedka Xukuumada  Madaxweynaha Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo uu xilka Kala Wareegi doono Madaxweynaha Dhawaan la doortay Mudane Muuse Biixi Cabdi, Waxaana  talaabooyinkani ku Qotomaan Sidii loo Sugi lahaa Hantida Qaranka Wakhtiga kala guurka ee Labada Xukuumadood.

Please follow and like us:
Whatsapp
Shares