Kenya oo u diiday visaha madaxda Somalia

Xildhibaanno iyo wasiiro ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa caawa ku xayiran garoonka diyaaradaha magaalada Nairobi ee dalka Kenya, sida ay sheegayaan warar naga soo gaaray halkaas.

Wasiir ku xigeenka Biyaha iyo Korontada Cusmaan Libaax, Senator Zamzam Daahir iyo Senator Ilyaas Xasan Cali ayaa ku sugan caawa garoonka diyaaradaha Jomo Kenyatta International Airport, kadib markii loo diiday dal ku-galka ama Visaha dalkaasi.

Waxa la ogaaday in labadaan mas’uul ay hadda ku xayiran yihiin garoonka magaalada Nairobi maadaama aysan jirin diyaarad caawa dib ugu soo celineysa Muqdisho, islamarkaana loo diiday inay galaan gudaha dalka Kenya.

Arrintan ayaa ka dambeysay kadib markii dowladda Kenya ay maanta diiday  dal ku-galka ama Visa-ha On Arrival ee Garoonka looga dhufanayay Baasaboorada ay qaataan xildhibaanada iyo wasiirada dowlada Soomaaliya iyo madaxda Maamul Goboleedyada dalka.

Labadaan mas’uul ayaan wadan baasabooro dalal kale ah, si ay ugu baxsadaan sidii wasiirkii ka horreeyay maanta ee ay arrintan ku dhacday uu sameeyey, waxaana la sheegayaa in laga reebay rakaabkii kale ee la socday.

Dowladda Kenya ayaa maanta soo rogtay amarro cusub oo dhanka socdaalka ah kuwaas oo halis ku ah siyaasiinta Soomaalida iyo mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya.

Wali ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya oo arintaan ku saabsan. Sidoo kale ma jiro war ka soo baxay mas’uuliyiinta ay dhibaatadaan qabsatay.

Caasimada Online

Please follow and like us:
Whatsapp
Shares