Lacagta wadanka laga isticmaalo, ma dawalada mise shirkado ayaa maamula?

Waxa muuqata in wax badani isku dhex walaaqan yihiin, una baahan yihiin in la kala hufo oo la kala haadiyo oo uu kaw ka yahay sicir-bararka oo ah aafo labaad oo aan ku tilmaami karo inay kaba darran tahay ta abaarta, waayo waxa uu keenaa sicir—bararku gadood bulsho, kadibna ammaankii iyo nabadii xabbada roodhida ee qallalan lagu cunayey ayaa gebigeedaba la waayaa, sidoo kalena u dumiyaa dawladnimada la hoos hadhsanayo.

Haddaba, haddii talo toos ah oo sicir-bararka wax lagaga qabto la doonayo, waxan talo ahaan ku soo jeedinayaa laba qodob oo midna labada shirkadood ee Zaad-ka iyo e-dahabka iyo ta labaad oo Xukuumadda. Haddaan  ta Shirkadaha ka shaqeysta Zaad-ka iyo  e-dahabka ku horreeyo, waxan leeyahay waddaniyiin ayaa tihiin, waxase laydinka baahan yahay inaad lacagaha aad ku shubtaan Mobillada ee dollarka ee maalin kasta ka dhex shaqeysa seyladaha wax lagu kala iibsado ee ku dhex wareegta Somaliland aad mid ku sar-go’an xaddiga dollar ee aad suuqyada geliseen dhigtaan maalin kasta Baanka Dhexe.

Sida kaliya ee aad Baanka Dhexe u wada shaqeyn kartaana , sida sharcigu yahay waa idinka oo oggolaada inaad Network oo xagga lacagaha Mobillada lagu shubo wado sameysataan, taasoo ah tallaabada qudha ee uu Baanka Dhexe kula socon karo dhaqdhaqaaqa wareegga lacagta ee maalinle ee aad shirkado ahaan suuqa gelisaan, xisaabtan kadibna ku wareejisaan Baanka Dhexe lacagtii aad lambarrada u beddesheen ee suuqyada wax lagu kala iibsaday.  Sidoo kale Baanka Dhexe waxa waajib ku ah inuu maalin kasta ay iyaguna lacagtii Dollarka ahayd ee shirkaduhu ku soo wareejiyeen dib u geliyaan seyladaha lacagta maalin kasta cadadkeedu intay ahayd.

Tallaabadani, waxa ay meesha ka saareysaa lacagtii dollarka ahayd ee loo beddelay lambarrada wax lagu kala iibsanayey, geesta kalena waxa ay sugaysaa in Baanka Dhexe uu la socdo wareegga lacagaha adag ee gala seyladaha wax lagu kala iibsado iyo ilaalinta qiimaha shillinka Somaliland. Dalalka geeska Afrika ee laga isticmaalo nidaamka Zaadka waxa ka mid ah dalka Kiiniya, waxayna shirkadaha isgaadhsiinta ee ka ganacsada oo ay ka mid tahay M-PEZA si toos ah ugu xidhan yihiin Baanka Dhexe ee kiiniya oo ay ka taalaa lacag adag oo dollar ah, waxanu la socdaa lacag kasta oo dollar ah ama shillinka Kiiniya oo ay ku shubaan Mobil. Baanka Dhexe waa ka sharci ahaan leh mas’uuliyadda qabashada, wareejinta iyo la socodka dhaqdhaqaaqa dhammaan lacagta adage e soo gasha dalka gudihiisa, mana jiro sharci u banneynaya shirkadaha inay qabtaan lacagaha adag, isla markaana weliba usii beddelaan lacagtii lambarro wax lagu kala iibsado, iyadoo aanay jirin cid ku daba joogta oo kala xisaabtanta wixii khaladaad ah ee ka yimaad dhinacooda.

Xukuumadda, waxa iyana ku waajib ah in lacagta adag ee kasoo gasha dakhliga, mucaawinooyinka iyo xataa kuwa hay’adaha Caalamiga ahba lagu xereey   o marka hore Baanka Dhexe, iyadoo ay hay’ad kasta oo lacag dhigatay xaq u leedahay inay si joogto ah ugala xisaabtanto Baanka dhexe wixii ay dhigteen, sidoo kalena kala bixi karaan markay u baahdaan,

Arrinta kale ee looga baahan yahay Xukuumaddu waxay tahay, inay Shirkadaha laydhka, Dugsiyada iyo Jaamacadaha gaarka iyo ganacsatada kale oo dhanba laga mamnuuco , inay wax ku qiimeeyaan Dollar, sida in ganacsado shayga ama badeecada uu iibinayo ku sheego qiimaheeda shillin Somaliland iyo sidoo kale in Dugsiyada iyo Jaamacaduhuna ku qiimeeyaan shillin Somaliland lacagta fiiga oo  aan la maqal cid dembe oo dollar ku sheegaya baahiyaha bulshada. Intaa haddii la fuliyo waxa hubaal ah inuu si aad ah hoos ugu dhici doono sicirbararku toddobaadyo gudahood. Hal arrin hadday dib ugu yara noqdo oo dhinaca shirkadaha, waxa ay tahay in faa’iidada ay helayaan shirkadaha isgaadhsiintu uu yahay ka isticmaalka lacagta mobillada laysku gudbinayo oo ah adeegga kaliya ay sharci ahaan leeyihiin.

Cabdillahi Adam Cumar[Wayab]

Hargeysa, Somaliland

Please follow and like us:
Whatsapp
Shares