Maayarka Hargaysa oo ganafka ku dhuftay mudaharaadka ay ku baaqeen Cirro/Feisal

Hargaysa—Duqa caasimada Somaliland ee Hargaysa Cabdikariin Axmed Mooge, ayaa ka hor yimid mudaharaadka ay xisbiyada mucaaradku abaabulayaan.

Waxaanu u soo jeediyay in madaxda axsaabta siyaasadu ay miiska wadahadalada ku soo noqdaan, oo ay ka arrinsadaan qodobada laysku hayo, balse aan ummada la isku soo saarin.
Waxaanu yidhi “Waxaan u qabaa uun in la wada hadlo bulshana aan la isu soo saarin ee saddexda xisbi ee arrintani khusayso inta ay isugu yimaadaan miiska wada hadalka inay xal ka gaadhaan arrimaha la isku hayo ayaan soo jeedinayaa. Hadiiba mudaharaadku uu dhaco miyuu keenayaa xal, oo maalin la mudaharaaday miyay xal u noqonaysa arrimaha laysku hayo, markaa jawaabtu waxay noqonaysa, waa maya weeyi.

Xeer ayaa qeexaya sida loo codsado mudaharaad, cidda leh aqbalaada iyo diidmada, codsi mudaharaad, balse su’aashu waxa ay tahay miyay xal u noqonaysa arrimaha la isku hayo jawaabtu waxa ay tahay maya, marka jidka kaliya ee xisbiyada u furina waa in ay wada hadlaan, inay sharci ku kala baxaan weeyi, in golaha guurtida iyo cidkasta oo isu soo dhaweyn karta asxaabta Qaranka ay isu soo dhaweeyaan.”

Geesta kale C/kariin Axmed Mooge, waxa uu sheegay inuu isagu masuul ka yahay horumarka iyo nabad-galyada Hargaysa, isla markaana uu gacan na amniga kaga shaqayno mid na horumarka caasimadda.Waxaanu ugu baaqay madaxda axsaabta siyaasadu in ay wadahadal ku dhamaystaan khilaafkoodda, is af-garad na lagu dhammeeyo.

“Markaa aniga waxa ay ila tahay xalku waxa uu ku jira in la isu soo dhawaado, lana wada hadlo, arrimaha la isku hayana xal laga gaadho, Somalilandna waxa ay dunida kale kaga duwan tahay wada hadalka iyo isu tanaasullka.

Aniga maayar ahaan waxa isaaran horumarka Hargaysa, nabadgalyada Hargaysa iyo in dadkeedu ay ku noolaadaan nabad, oo ay ku noolaadaan walaalnimo” ayuu yidhi maayarka Hargaysa.

HargeisaPress

Please follow and like us:
Whatsapp
Shares